Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Waxaan Madaxweynaha SL iyo Xisbiga ugu hambalyeynayaa sida ay howluhu u socdaan.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta dalka ku soo laabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wanaagsan oo dimuqraaddi ah loogu dhex-tartamo xisbiga Kulmiye, isla markaana sida hawluhu u socdaan ku amaanay hogaanka xisbiga iyo madaxweynahaba.

“Waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo xisbi weynaha Kulmiye iyo hoggaankiisa, hawl wadeennadiisa iyo  xubnaha golaha dhexe diyaar garowga wanaagsan ee loogu jiro shirka golaha dhexe ee 10-ka November. Waxaan jecelahay inaan hogaanka xisbiga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyo sida hawlahaasi u socdaan,” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlayey sida uu arko shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye qabsanayo.

Waxaanu hadalkiisa raaciyey“ Waxaan bogaadinayaa hogaanka xisbiga oo hadda si fiican ay ugu socdaan hawlaha xisbigu, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaan jecelahay inaan ugu hambalyeeyo abaabulka  siyaasadeed ee xisbigu caanka ku ahaa ee dalkana lagu yaqaanay ee loogu loolamayo musharaxa, sida isbedelka weyni ugu yimid ee taageero muuqata ilaa imika uu ka helay majooratiga xubnaha golaha dhexe,”

Cumar ayaa soo jeediyey in khilaafka ka jira xisbiga lagu dhameeyo wada hadal iyo is af-garasho si xisbigu horumar u sameeyo, waxaanu yidhi“Waxaan filayaa in hoggaamiyaha Kulmiye oo odaygii xisbiga ah iyo madaxweynaha Somaliland oo odaygii qarankaba ah ay xil wayn iska saaraan in xisbiga la soo ururiyo, khilaafyada jirana si wanaagsan oo macquul ah loo dhegaysto , xisbiga Guddihiisana ay ka dhacaan tartamo wanaagsan oo nadiif ah oo daahfurnaan leh oo si furan looga wada qayb galayo, waxa halkaas ka soo baxana xisbi weynaha Kulmiye dhammaantii wada taageero haddii la doonayo in xisbiga Kulmiye talada dalka mar labaad ku guulaysto.”

Mar uu ka hadlayay wasiirrada is-casilay wuxuu yiri.“Qolada wasiirada ah ee xukuumadda ka baxay, waxaan rajaynayaa inaanay arrintaasi furin cadaawad siyaasadeed oo aan loo baahnayn iyo khilaaf siyaasadeed oo aanu dalkani u baahnayn ee meel looga soo wada jeesto dhisidda xisbiga iyo qarankaba, iyadoo wixii cabashooyin jirana hogaanka xisbiga iyo dariiqyada sharciga ah loo maro oo xal loogu helo.”

“Hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo madaxweynahaba waxaa looga baahan yahay in tusaale wanaagsan uu xisbigu u noqdo dalka, oo xisbiyada kalena kaga daydaan sida xisbigu khilaafkiisana u maaraynayo, arrimaha siyaasadda dalkana u hogaaminayo,” ayuu yidhi

Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa wakhtigii uuu wasiirka Ganacsiga ahaa waxa shaqadiisa galaafatay khilaaf sidan oo kale ah oo ka dhacay xisbiga kulmiye, wakhtigaasi oo xisbiga isku hayeen wasiiradan  iscasilay oo madaxweynaha la socday iyo hoggaanka xisbiga oo dhinac ah, waxaanu ahaa wasiirka kaliya ee waqtigaasi taageeray hoggaanka xisbiga taasna ay keentay in madaxweynuhu shaqadda ka eryo.

Khilaafka xisbiga Kulmiye ayaa wajiyo kala duwan soo maray, waxaana sannadihii la soo dhaafay xisbiga isku hayey xubno wasiiro u badan iyo hogaanka xisbiga kulmiye, taasoo markii dambeku dhamaatay inuu golaha guurtiddu soo dhex-galo lana soo afjaro khilaafkii xukuumadda iyo hogaanka xisbiga ka dhex jiray.

Hase yeeshee, wasiirradii xiligaas madaxweynaha la safnaa ee uu dagaalku kala dhexeeyay hoggaanka Kulmiye ayaa maanta is wada-casilay, kadib markii ay u arkeen inuu Siilaanyo la safan yahay hogaanka xisbiga Kulmiye, kuwaasoo maanta dibadda ka taagan xisbigii taladda hayey, isla markaana sheegay inaan si dimuqraadi ah looga dhex tartami karin, is-casilaadana waxa fursad u arkay hogaankii xisbiga oo xafiiltan siyaasadeed ka dhexeeyey.

 

Hargeysa Online

· ifraax on October 31 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired