Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweynaha Somaliland oo xariga ka jaray mashaariic laga Hirgaliyey Xarunta Saraakiisha Millateriga.

Hargeysa(Hargeysa Online)Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu kormeer guud ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida.

Intaa ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay Miiska Saraakiisha oo laga hirgeliyey Wadooyin, Dhismayaal, Garoon kubadeed iyo mashaariico kale oo badan, ugu horayna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray waddo laami ah oo dhan 700 Miter kuna

wareegaysa miiska saraakiisha gudihiisa, iyo Dugsi lagu baran doono Luuqadaha (Languages) loona dhisay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Saraakiisha, madaxweynaha oo sii watay furista mashaariicaha kala duwan ayaa xadhiga ka jaray guryo cusub oo loo dhisay Hurimaha ciidanka gaar ahaan kuwa Baanboyda tuma, kuwaas oo ay seexan doonaan ama hoy u noqondoonna.

 

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray garoon casriya oo loo dhisay in saraakiisha iyo ciidamadu ku ciyaaraan ugu yaraan afar ciyaaroood oo kala duwan wakhtiga nasashada si looga ilaaliyo saraakiisha inay isticmaalaan balwadaha kala duwan ee uu qaadku ka midka yahay.

Furitaanka iyo kormeerkaa ka dib waxa Madaxweynaha warbiximo ka siiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale iyo Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali “Cadami” oo ku dheeraaday dedaalka iyo horumarka ciidanka qaranka Somaliland ku talaabsaday mudooyinkii u danbeeyey.


Madaxweynha oo ugu danbayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Farxad weyn bay ii tahay in aan maanta halkan Miiska saraakiisha imaado oon furo mashaariicahaa kala duwan ee qiimaha iyo qaayaha weyn leh, saraakiishu waa waxa aanu ku faanayno ee Ciidanka iyo Qarankuba ku faano, waana waxa dalka iyo dadkayagaba daafaca, waa wax aanu annaguna aad iyo aad ugu faano oo qiimo weyn iyo qaayaba inoo leh, farxad weyn ayey nootahay in aanu ka soo qaybgalno xafladan, insha Allaa waxa aan rajaynayaa in aynu halkaa hore uga sii marno oo hore uga sii talaabsano, ciidankeenuna in halkaa iyo meel ka sii wanaagsanba uu u sii talaabsado ayaan illaahay ka rajaynaynaa”


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· abdi on January 09 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired