Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dallada SSE waxay diiwaangelinta codbixiyayaasha u aragtaa waajib ina saarnaa oo hadda fulintiisii lagu dhaqaaqay.

Dallada SSE oo ay ka bahoobeen ururada Somaliland ee Yurub waxa ay baaqan kooban ku muujinayaan dareenka togan ee ka dhashay fulinta hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waynu ognahay in doorashooyinkii hore ay inoo suurtoobi weyday inaynu ku galno diiwaan gelin sugan. Waa Ilaahay mahadii in hadda Somaliland ay ka bilaabantay  diiwaangelintii si aynu doorashooyinka 2017(ka) ugu galno doorasho ku salaysan diiwaangelin rasmiya.

Mahadcelin

Ugu horreyn guddiga iyo dhammaan xubnaha Dalladu waxay mahad balaadhan u soo gudbinayaan dhammaan cid kasta oo gacan ka gaysatay fulinta iyo bilaabida hawshan diiwaangelinta oo ay ka mid yihiin Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi iyo dabcan Xukuumadda Somaliland iyo laamaheeda kale ee ay hawshan u adeegsanayso. 

Mar labaadka Dalladu waxay mahad kal iyo laab ah u soo jeedinayaan dhammaan dadweynaha Gobbolka Togdheer iyo maamulkooda oo la yimid dhiiranaan iyo geesinimo u galeysa taariikhda Somaliland maadaama ay noqdeen Gobbolkii ugu horreeyay ee laga bilaabo diiwaangelinta cod bixiyayaasha. Waxa kale oo aanu idiinka mahadnaqaynaa sida hawlkarnimada leh ee aad ilaa hadda u wadaan hawsha. Dadweynaha reer Togdheer waxa aanu ku kalsoonahay inay nala dareensanyhiin muhimada iy faa'iidada ku jirta diiwaangelintan oo ay intii karaankooda ah suuragelin doonaan diiwaan gelinta dadweynaha reer Togdheer haddiii ay magaalo iyo haddii ay miyi tahayba.Waxaanu hubnaa inaad ku baraarugsantihiin inaad gudanaysaan waajib qaanuuniya isla markaana aanu Ilaahay idiinka baryayno inuu idiin sahlo.

Gobbolada kale ee Somaliland:

 Gobbolada kale ee Somaliland waxa aanu iyagana kula dardaarmaynaa inay u sii diyaar garoobaan fulinta barnaamijkan diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waa hawl loo baahanyahay in la iska kaashado shicib iyo xukuumadba. Waa barnaamij aynu rajaynayno inuu sii adkeeyo nidaamka Dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay. Waa barnaamij karaamo iyo milgo u yeelaya haddii doorashooyinka soo socda aynu ku galno nidaamkan diiwaangelinta codbixiyayaasha. Dan iyo faa'iido ayaa inoogu jirta ee yaanay Gobboladu dhayalsan habsami fulinta hawshan diiwaangelinta. Dallada SSE waxay hubtaa in shicibka reer Somaliland ay ku baraarugsanyhiin qiimaha ay inoogu fadhido in waddankeena ay ka dhacdo doorasho xor iy xalaal ah oo ka duwan doorashooyinkii hore oo lahaa dhaliilahooda. Waynu ognahay qabashada doorashooyinku in aanay sahlanayn, waxayna wataan hawshooda iyo dhibaatooyinkooda. Si haddaba hawlaha iyo khilaafyada ka dhasha doorashooyinka loo yareeyo ayaa waxa lagama maarmaan inoo ah inaynu ku galno nidaamka diiwangelinta codbixiyayaasha.

 

 

Dardaaran Guud:

Muwaadin kasta oo gaadhay da'dii lagu codeynayay waxa aanu xasuusinaynaa in is-diiwaangelintu ay tahay waajib qof kasta gaarkiisa u saaran. Muwaadin waa xuquuq kuu gaar ah oo aad gudanayso. Waa furihii aad wax ku dooranaysay. Waa fursad kuu gaara oo la'aanteed aanad waxba dooran kareyn. Waxa naga dardaaran ah in aanad sinaba u dayicin si aad hadhow awood iyo xuquuq ugu yeelato inaad ka qayb qaadan karto dhammaan doorashooyinka la filayo inay qabsoomaan horraanta sannad 2017(ka). Muwaadin ogow in is-diiwaangelintaadu ay qiimo sare ugu fadhido dalka iyo dadka reer Somaliland. Qofkasta xil ayaa ka saaran inuu suurto geliyo sidii dalkeena ay ugu dhici laheyd nidaamkaa is-diiwangelinta.

Komishan Qaranka, Axsaabta, Golyaasha Xukuumadda, Ururada Bulshda, Culimda, aqoonyahanka iyo indheergaradka Somaliland iyo dhammaan hay'aadka kale waxa aanu ka rajaynaynaa isla markaana kula dardaarmaynaa in la xoojiyo wadashaqeynta si Diiwaangelintu ay si guul ah ugu wada qabsoonto dhammaan Gobbolada Somaliland.

Ilaahay ayaynu ka baryanaa in Hawshaa ka socota Gobbolka Togdheer ay dalka oo dhan uga soo wada fusho si guul ah.

 

 

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

 

· ifraax on January 22 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>