Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Shucaacii Hawada ka saaray Telefishanada iyo VOA-da oo la Helay.

Hay’adaha xukuumadda u qaabilsan warbaahinta iyo Isgaadhsiinta ayaa shalay ogaaday sababta keentay inay Telefishanada Af-somaliga ku hadla iyo Idaacadda VOA-du hawada uga baxaan shucaac hadheeyey kadib markii shalay la bakhtiiyey Tower-da shirkadda SOMCABLE isticmaasho.

Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo wasaaradda warfaafinta oo ay weheliyaan shirkadaha iyo khubaro dhinaca farsamada ah oo darsay ciladan oo muddo soo jiitamaysay ayaa isla gartay in la bakhtiiyo Tower-da shirkadda SOMCABLE, taasoo ah shirkad qalabka ay isticmaalaysaa ka awood badan yahay qalabka ay isticmaalaan Telefishanada iyo Idaacadda VOA-du.

Qalabka ay isticmaasho shirkadda SOMCABLE oo la yidhaahdo WIMAX ( World Interperatebility Micrwave Acces) ayaa la sheegay in uu sababayey shucaaca ku furmay shirkadaha warbaahinta, kaasoo la xusay in uu ka culus yahay LNP-yada ay shirkadaha kale isticmaalaan, isla markaana kuwa warbaahinta marka uu ku soo beegmana qaarkood bakhtiinaya, halka uu kuwa kale shucaac aan la daawan Karin ama aan la maqli Karin ku keenayo.

Idaacadda BBC-da ayaa la sheegay in uu iyana saamayn aan xooganayn ku yeeshay meelaha qaarkood, taasoo la sheegay awood ahaan in ay qalabka ay adeegsataa ka weyn yahay kuwa ay shirkadaha kale ee warbaahintu isticmaalaan.

Sidoo kale, waxyaanaha la helay ee ka qayb qaatay inay awooda Tower-da SOMCABLE ka awood bataan qalabka kale, waxa la sheegay inay ka mid tahay qiyaasta Tower-da ay shirkadaasi isticmaashaa inay isaga dhaw yihiin qiyaasta caalamiga ah ama inta badan la isticmaalo taasoo sida khubaro u dhuun daloolsha Tower-du sheegeen in loo baahan yahay in ay u dhaxayso qiyaas dhan 60mtr ama wax ka badan.

Waxa iyana saamaynta qayb ka ah Frequency-ga ay shirkaddaha warbaahinta iyo kuwa Isgaadhsiintu isticmaalaan oo aan kala xadaysnayn ama isku soo dhaw, halka mararka qaardkood-na ay isku mid noqdaan-ba, taasoo ka dhalata awooda iyo nidaamka maamul ee wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Wasaaradda warfaafinta.

Si kasta ha ahaatee wali waxa socda wadahadal u dhaxeeya hay’adaha Dawladda ee ay khusayso arrintan iyo shirkadda SOMCABLE si xal looga gaadho arrintan.

Hargeysa Online

· abdi on January 25 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>