Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xaalada magaalada Buhoodle iyo Wasiir Xaglatoosiye oo ka Hadlay.

Buhoodle (Hargeysa Online) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye oo weli ku gudo jira socdaalkiisii hawleed ee uu ku joogay Magaalada Buuhoodle ayaa ka warbixiyey halka ay u marayaan hwlihii kala duwanaa  ee uu halkaa u joogay.

Dr saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka waxa uu ugu horayn tafaasiil ka bixiyey halka ay marayso hawshii nabadgelyo ee ugu muhiimsanayd socdaalkiisa shaqo, waxana uu yidhi sidan: ‘’Hawlihii nabadgelyo ee aan halkan u joogay meel wacan bay marayaan, dadkiina si wacan bay hawshaa uga shaqaynayaan haday tahay sidii nabadgelyada loo adkayn lahaa iyo hadii ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen shaqsiyaadka Somaliya ka yimid ee doonaya inay halkan colaad ka huriyaan oo nabadgelyada deegaanka qasaan, markaa dadku aad bay uga shaqaynayaan arintaa, dhakhso inay natiijo u yeelatana waa rajaynaynaa’’ Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay natiijada waanwaantii nabadeed ee ku aaddanayd in ay hab nabadgelyo kaga baxaan Magaalada Buuhoodle  Nabad diidka  Cali Khaliif iyo xubno la socda oo ka tirsan Baarlamaanka dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya oo iyagu muddooyinkii u dambeeyey xaalad colaadeed iyo farogelin qaawan oo cadaawadi ku dheehan tahay ka waday deegaano ka tirsan Gobolkaasi Buuhoodle. Waxana Wasiirka oo arintaa ka hadlaya uu yidhi: ‘’Odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle aad iyo aad bay u dadaalayaan meel wacan bay u maraysaa, sidii ninkaa fidmowalaha ah (Cali Khaliif) loogu tirtirsiin lahaa inuu ka baxo Gobolkaa iyo guud ahaanba Somaliland  dhakhso inay wax ka gaadhaan baan rajaynayaa.’

Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye waxa uu caddeeyey mowqifka Dawlada Somaliland ee ku aaddan nabadgelyada Buuhoodle, waxana hadaladiisii ka mid ahaa: ‘Somaliland waxa ka go’an in deegaanka Buuhoodle aan wax colaad ah oo dambe ka dhicin, Somaliland waxa ka go’an in cid doonaysa inay Deegaanadan dagaal ka huriso aan laga ogolaan, anaga iyo odayaashana wadashaqayn baa naga dhaxaysa, deegaankanina muddo ayuu colaad iyo mugdi ku jiray, markaa Somaliland waxay Go’aansatay in dhibaatadaasi aanay dib u soo cusboonaan, lagana ilaaliyo oo laga hortago shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh ee taa doonaya” Intii uu wasiirku Warbixinta jeedinayey waxa uu baaq ku aaddan adkaynta nabadgelyada u diray dadweynaha deegaanka Buuhoodle:’ Dadweynaha Reer Buuhoodle waa bulsho colaado ka soo daalay, waxaan u soo jeedinayaa in aanay u ogolaan  in shaqsi dan gaar ah wata aanu colaad iyo dhib u soo jiidin, waxa aan kula talinayaa inay nabad iyo horumar ku fekeraan oo hadafkooda ka dhigtaan, kulligoodna ka wada shaqaeeyaan inay nabadooda ilaashadaan’’

Dhanka kalena wasiirka caafimaadku waxa uu xusay dib u habayn lagu wado cisbitaalka guud ee Magaalada Buuhoodle oo muddo dheer  aan shaqaynin waxana uu yidhi sidan: ‘ Cisbitaalka waxa aanu ka wadnaa dib u habayn, waxa aanu diyaarinaynaa wasaarad ahaan in Cisbitaalka guud ee Buuhoodle dib loo furo oo dhakhaatiirtii iyo adeegyadii caafimaad loo dhammaystiro, waana ku gudo jirnaa hawshaa, insha allaah waxaan rajaynaynaa in wakhti yar oo gaaban Cisbitaalkaa lagu shaqo geliyo, dadkuna ay ka maarmaan adeegyada caafimaad ee y safarada dhaadheer u gelayaan, Dhakhaatiirtii iyo qalabkiina waa diyaar, markaa cisbitaalkaa waxa aan rajaynayaa in uu dhowaan furmo.

Sida la ogyahay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL ayaa ku sugan gudaha Magaalada Buuhoodle, halka ay cutubyo kalena  saldhigyo ka yagleesheen sadexda jiho ee Galbeedka, waqooyiga iyo bariga Buuhoodle, xilli jihada afraad oo ah ta koonfureed-na ay kaga beegan tahay xuduuda Itoobiya.

 

Hargeysa Online

· ifraax on January 27 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired