Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Al-shabaab oo Maanta Sheegtay inay Mas'uul ka ahayd Weerarkii Qarax ee Diyaaraddii DAALLO.

Al-shabaab ayaa maanta si Rasmi ah u sheegtay inay mas’uul ka ahayd Weerarkii Qarax ee ka dhex-dhacay Diyaaraddii DAALLO Airlines 02-dii bishaan Feberaayo, Taasoo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kuna socotay dalka Jabuuti.

 

Bayaan ku Qornaa Afka Ingiriiska oo ay Al-shabaab soo Saartay Maanta ayay ku sheegtay inay beegsanayeen xubno ay ku sheegeen inay ahayaeen kuwo u shaqeeya Sirdoonka Reer Galbeedka iyo ciidamada Turkiga ee NATO ka tirsan, iyagoo xusay in weerarku uu ka mid ahaa weerarro gaar ah oo ay dadka la shaqeeya sirdoonka Reer Galbeedka la beegsadaan.

 

“Innagoo ka hortagayna dhibaatooyinka ay Sir-doonka Dalalka Reer Galbeedku ku hayaan Muslimiinta ah ayay Al-shabaab fulisay weerarka diiyaaraddii Daallo, taasoo ay la socdeen xubno u shaqeeya sirdoonka dalalka rer Galbeedka, sidaas awgeed wuxuu ahaa mid aan ku Beegsanaynay Hay’adaha Sir-doonka Gaalada ee dhulka Muslimiinta ku sugan,” ayaa lagu yiri bayaanka Al-shabaab. Sidoo kale, Al-shabaab ayaa Bayaankeedan ku sheegtay in Weerarkaan uu dhacay xilli ay Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Reer Galbeedku ay kusoo kordhayaan Muqdisho, si ay uga fulinayaan Hawl-gallo ka dhan ah Muslimiinta Soomaaliya ku nool, gaar ahaan xoogagga Al-shabaab. “Kooxaha Sir-doonka Reer Galbeedka, Waxay ku lug leeyihiin Hawl-gallada ka dhanka ah Muslimiinta, iyagoo gacan ka siiya Hay’adda CIA-da ee dalka Mareykanka duqeynta ay ka Geysanayaan Qaybo ka mid ah Soomaaliya, kuwaasoo lagu laayay Boqollaal Muslimiin ah oo aan waxba galabsan,” ayaa lagu xusay Bayaanka. Waxay kaloo Al-shabaab ay bayaankooda ku sheegeen in howlgalkooda aysan ku soo ridin diyaaradda, balse ay Argagax iyo cabsi ku geliyeen waxay ugu yeereen Gaalada. Waxayna intaas ku dareen, in inkastoo Amaanka si aad ah loo Xoojiyay haddana ay awoodi waayeen inay ka hor-tagaan Mujaahidiinta, uuna Howlgalkan imaan karo. “Al-shabaab waxay awood u leedahay inay meel walba ku ugaarsato sirodonka u shaqeeya Reer Galbeedka, sidoo kalena ay beegsan karaan waqtigii ay doonaan. Guushuna waxay ku jirtaa gacanta Eebbe weynaha aan keligiis Rumeysan-nahay,” ayaa mar kale Bayaanka Al-shabaab. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa bayaankooda ku sheegay inay sii wadi doonaan ugaarsiga cadowga Alle, ayna si gaar ah diiradda u saarayaan Sirdoonka Dalalka Reer Galbeedka ee Somalia ka Howl-gala. Waxaanan u adeegaynaa Muslimiinta Somalia sidii ay ugu noolaan lahaayeen amni iyo deggenaasho. Si kastaba ha ahaatee, Diyaaraddii Daallo Airlines ayaa waxaa ku Dhintay Hal Ruux oo la sheegay inuu Diyaaradda ka dhacay, kaasoo Hay’adaha Amaanka Dowladdu ay magaciisa ku sheegeen C/llaahi C/salaan Boorle inuu ahaa Ruuxii is-qarxiyay, iyadoo ay Shilkaan ay ku dhaawacmeen laba qof oo rakaabkii diyaaradda ka mid ahaa.

Hargeysa Online

 

· xaaji on February 14 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired