Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo xafiiskiisa kula kulmay wefti ka socday Dalka Ingiriiska.

Hargeysa(Hargeysa Online) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dalka Ingiriiska oo ay hogaaminayso Miss Diane Abbott oo ka tirsan baarlamaanka ingiriiska, oo ay weheliyaan hay’addo dhinaca samafalka ah oo ka kooban shan hay’adood.


Weftigan oo maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal, ujeedada socdaalkoodana ku sheegay inay tahay sidii ay uga qaybgeli lahaayeen gurmadka abaaraha ka jira dalka qiimayna ku soo samayn doonaan xaalada abaarta eedalka, gaar aaan dhinaca galbeed, ayaa isla maantaba u gudbay gobolada Awdal iyo Selel.

Hay’adaha samafalka ee weftigan ka midka ah ayaa kala ah:

Islamic Relief, African Relief, Muslim Hands, Human Appeal, Charity Rights, waxana ugu horaynba warbixin siiyey weftiga, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee abaaraha dalka, taasoo uu tixraacay heerka abaartu soo martay ilaa hadda iyo waxqabadka guddida heer qaran ee abaaraha, waxana ka mid ahaa hadaladiisa”markii xaalada abaartu nagu adkaatay, ayaa madaxweynaha dalku wuxu magacaabay guddida abaaraha ee heer qaran oo isugu jira wasiiro, cullimo awdiin iyo ganacsato.

Dhaqaalaha dalkayaga oo yar awgeed iyo xaaladii abaarta oo ka sii daraysay maalinba maalinta ka danbaysa, waxaanu go’aansanay in aanu isku tashano Illaahayna kaashano, annagoo gudahayaga ka soo ururinay lacag hordhac ah oo aanu ku hawlgalnay.

Hase ahaatee baaxada xaalada abaarta oo aad u siyaaday ayaanu qaylo dhaan u gudbinay dunida waxaana noo soo gurmaday markii u horaysay dalalka ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Sucuudi Arabiya. Waxa iyana markii danbe wax keenay WFP.

Abaartan oo aan nooceeda muddo dheer la arag waxay galaafatay beerihii iyo xoolihii oo ah labada meelood ee dhaqaalahayagu ku tiirsanaa. Waxaa noo suurto gashay ilaa hadda in aanu wax gaadhsiino in ka badan 50 kun oo qoys, kuwaasoo aanu raashin yar oo aas-aasi ah iyo daawooyin yar gaadhsiinay oo ku filnaada muddo bil ah.

Waxase caddaan ah in xaalada abaartu ay ka weyn tahay wixii aanu haynay iyo wixii na soo gaadhay labada, waxana dadku u baahan yahay in dib loo xooleeyo, dhinaca beerahana laga caawiyo, sidaasi awgeed weli waxa aanu u baahanayn kaalmada bulshada caalamka” ayuu ku soo jaray hadalkiisa madaxweyne ku xigeenku.

Waxa hadalkii la wareegtay haweenayda weftiga hogaaminaysay ee Miss Diane Abbott, waxanay sheegtay inay tahay xubin baarlamaan oo ka soo baxday xisbiga shaqaalaha ee “Labour party”, tahayna afhayeenka xisbigaa, kana soo baxday bariga London oo ay soomaali badani ku nool yihiin, dadkii doortay iyadana ay ka mid ahaayeen Soomaalidu, waxay ku sifaysay inay u taqaano Soomaalida dad hawlkara oo shaqo badan, ka dibna waxay u gudubtay inay ammaantay Somaliland, waxanay tidhi “Somaliland waa dalka ugu dimuquraadisan, uguna xasilloon gobolkan dunida ka mid ka ah ee ay ku taallo”.

Intaa ka dib waxay ka hadashay abaarta ba’an ee Somaliland ka jirta iyo inay ingiriis ahaan iyo hay’adahan socdaalka ku weheliyaaba ay ka qaybgelidoonaan gurmadka.

Waxa isna halkaa ka hadlay Dr. Hani Bana oo ku salaamay kulanka salaanta islaamka iyo salliga Nebiga (SCW),  waxanu sheegay inuu gudoomiye u yahay ururka Islamic Relief, oo ka dhisan magaalada Birmingham ee dalka ingriiska, waxaanu intaa raaciyey hadallo kaftana, isagoo yidhi “Soomaalidu way la wareegtay magaalada Birmingham oo iyadaa qabsatay hadday noqoto ganacsi, iyo hadday noqoto shaqo kaleba”, ka dibna weftigii la socday oo ka koobnaa 18 qof ayuu ka dalbaday inay gacanta tagaan inta ka socoto magaalada Birmingham, halkaas oo ay gacanta ka taageen dhawr qof oo soomaali ah

Wuxuu intaa raaciyey in shirkii ugu horeeyey ee binu-aadannimo oo heer hogaamiyeyaal caalamiya ah, (Humanitarian summit) la qabandoono mustaqbalka dhaw, Somaliland looga baahan yahay inay ka qaybgalka shirkaa caalamiga ah isu diyaariso, anaguna waxa aanu u soconaa in aanu dareenka u horeeya ka soo qaadano xaaladan binu-aadanimo ee haatan ka jirta dalkiina. (First hand feeling).

Weftigu markii ay ka soo degeen airport ka waxa ku soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda, Dr Sacad Cali Shire, iyo wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, waxaana halkaas laysku waydaarsaday erayo soo dhawayn ah oo uu weftiga ku soo dhaweeyey wasiirka arrimaha dibedu, iyo madaxda weftiga oo sheegtay ujeedada booqashadooda.

 

Hargeysa Online

 

· ifraax on April 09 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired