Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Riyadaydii aan ruboobin Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed.

Waxaan galabnimadii tegay garoon aad u quruxbadan oo isugu jira noocyo badan oo loogu talo galay ciyaaraha sida kubada cagta,baaskitka,foolida ta miiska,kirikitka,orodada iyo jimicsiyada kale,iyo welibo meelo badan oo loogu talo galay in dadku ay ku qoraxsadaan xiliyada cimiladu aad kulushahay,waa meel aad u qurux badan dhamaanteedna wada doog ah meelaha qaar sibidhsan mooyee,waxaa loogu yeedhaa magaceeda Park sport noord waxay gurigayga u jirtaa in ka yar 500 mitir,waxaan ku dhex orday orod aad u dheeraa oo runtii aan aad ugu daalay,anigoo bir iyo besba ah aadna aan u daalanahay ayaan imid gurigaygii,si deg dega ayaan xamaamka u galay waxanan dusha iskaga shubay biyo aad u diiran,furfurayna jidhkaygii ilaa aaan aad ugu raaxaystay diirimaadkii biyahaa,anigoo aad ugu sii baahan daalkii i hayay dartii ayaan tuwaalkaygii kala soo baxay si aan isugu qalajiyo,baahi aad u badan oo aan dareemayay darteed waxaan u baahday cunto intaanan seexan ka hor,taasoo aan ka dalbaday mid ka mida caruurtayda inuu degdeg iigu keeno,markiise aan afka ka qaaday cuntadii waxaan isu diyaariyey hurdo iyo inaan gogoshaydii diiranayd ee ii wehelka ahayd aan dhabanka dhigo,mudo dheerba habeenkaa igumay qaadan inaan gam'o,waxaan seexday hurdo habeenkaa uu dareemay jidhkaygu,waxaan seexday hurdo aad moodo in lay quluuliyey waa halkii islaamahee,ama lay arooriyeyba,waxaan galay riyo aan aad ugu qoslay markaan soo xusuustay,adna waxaan filayaa inaad aragti ka bixin karto markaad akhriso,waana tan riyadii.

          Kadib dowlado badan oo ku meel gaadh ah iyo tan hada ee aan ku meel gaadhka ahaynba soomaaliya waxay guntiga u xidhatay inay ay samaysato dowlad le amni iyo kala danbayn se  markii ay ka bixi wayday amni daro,dilal qorshaysan iyo qaraxyo aan xad lahayn iyo weliba musuq maasuq waxay go'aan sadeen in ay dowladnimadii jamhuriyadii soomaaliya ay keenaan magaalada hargaysa sidii ay reer hargaysaa ay u geeyeen dowladnimadoodii magalada muqdisho sanadkii 1960kii,iyagoo leh reer koonfureedkii walaalayaal waanu tashan kari waynay waxba dhisi kari waynay ee maanta waa maalintiinii maadaama tani nabad tahay idinku wax inoo dhisa sidiinii waxaad inoo dhistaana waanu ku qanacsanahay,markaasay yidhaahdeen madaxdii somaliland waanu aqbalnay midnimadii soomaaliyeed mar hadaad maanta garateen in midnimada ay marba cidi hagto labadeenii qaybood,iminkana hudheeladaa seexda kuwaa kelena wax ka cuna naga war suga,
         Waxaa la soo dhisay golihii baarlamaanka oo ka kooban tiradii 1960kii uu ka koobnaa ee ahayd 124 xubnood kaasoo qoladii reerkoonfur la siiyey 33 xubnood,isla maalintii labaadna waxay soo doorteen madaxwaynihii wadanka ka arimin lahaa oo ahaa markaa madaxwaynihii xiligaa ee somaliland kasoo isna madaxwayne ku xigeenkiisii u doortay ra'iisal wasaarihii cusbaa ee jamhuuriyadii soomaaliya,gudoomiyaha baarlamaankana wxaa loo doortay xubin isna ka soo jeedo somaliland,caasimadu waa hargaysa,taliyaha buliiska iyo ka milateriguna waa kuwii markaa hargaysa joogay ee reer hargaysa,waxaala dhisay wasiiro gaadhaya 16 wasiir afar mooyaane ah reer somalilans,oo waxaa lasiiyey reer somaliya wasiirka difaaca waxbarashada shaqada iyo wasiirka ganacsiga
        Ha ilaawin waxaynu ku jirnaa waa riyadaydiiye,halkaa markay marayso reer koonfurkii waxay aqlabiyad ku diideen ansixintii distoorkii la sameeyey,balse maadaama ay caasimadu ay hargaysa tahay culays badan may sii yeelan diidmadoodii,waxaanay xukuumadii hargaysi ay bilowday kala furfurkooda maadaama ay soomaalidu qabiilooyin ay yihiin,sidaa darteed waxay ku qasboonaadeen kacdoon kastoo yimaada inaanay midnimada noocaas ah aanay ka noqon karin,markay arkeen hadaba halkay wax marayaan iyo waxa haysta waxay go'aansadeen inay xornimadoodii u halgamaan,waxay la galeen maamulkii soomaliyeed ee markaa hargaysa ka jiray dagaalo lagu hoobtay,jabay,baaba'ay,lagu madhay,iyo dhul iyo hanti baaba'day,waxaa dhulka lala simay magaalooyinkii iyo caasimadiiba,waxaa faraha ka baxay abnigii iyo noloshii dadka,tobanaan sano kadibna waa ay ku guulaysteen inay xoroobaan
             Ha ilaawin weli waa riyadaydii,intaa kadib mise waa nimankii reer koonfur oo doonaya inay ka go'aan taladii soomaalinimo aanse ahayn ee somalilan sanayd,waxay leeyiin, waxaanu ahayn qaran xornimadiisa ka qaatay kowdii julaay 1960kii dawladii talyaaniga waxaanu midownay walaaladayo reer waqooyi oo iyana lix iyo labaatankii juun xornimada ka qaatay ingiriiska,waxaanu isku darsanay midnimo aan qoto dheer lahayn taasoo aanu anagu dulmiga bilownay maantana iyagii ayaa na dulmiyey hada waanu kala joognaa waxaanu doonaynaa aqoonsigayagii godka ku dhacay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa taa ta somaliland maantana ay leedahay,,,,,,,,,halkaa markay riyadii marayso ayaan isla soo booday waayo  subbaxaa balan ayaan lahaa indhaha markaan kala qaaday ayaan idhi alow riyo haka dhigin, laakiin riyay noqotay,markaan hubsaday inay riyo ahayd ayaan qosol ku dhuftay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
                                                                                                   Qalinkii Maxamed Yaasin Maxamed
                                                                                                                        Belguim                                        

· ifraax on April 14 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>