Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

12 APRIL 1960 Maalin milateri oon laga midaysnayn.

Waxaan u malaynayaa in aad taqaano 12 April, haa waa maalin ka mida maalmaha bishaas aan magacawnay ee ka mid ah laba iyo tobanka bilood ee sanadka,sidaa si aan ahayn mow taqaanaa?,ma maqashay 12april 1960kii,maalintaa sidaan ka maqlay wasiirka gaashaandhiga ee dawlada federaalka ee soomaaliya cabdilqaadir diini ayaa yidhi markii ay xoroobeen labadii gobol ee gumaysigu haystay ayay wada jir  samaysteen ciidankii xooga dalka ee aan maanta xusayno,hadaba maxaa hadalka wasiirkaas ka dhaba?.

           Sida aynu ognahay taariikhda xornimada labadii dhinac ee jamhuuriyadii soomaaliya ee lagu midoobay waxay ahayd 26 juun 1960 kii oo uu ingiriisku xornimadoodii siiyey goboladii waqooyi ee markaa loo yaqaanay somaliland iyo 1 julaay oo iyana uu talyaanigu xornimadeeda siiyey gobolkii koonfureed markaana jamciyada midowday looga yiqiin intii ay dusha ka ilaalinaysay somalia,labada dhinacba waxaa cad in ay gumaysi ama maxmiyad ahaayeen ama ku jireen 12 april ,isla markaana aanay jirin sifo gudi iyo hanaan haba yaraatee ciidan loo wada dhistay ama loo wada dhisan karo,tusaale ahaan dowladnimo soomaali ay leedahay waxaa kow u ahayd 1dii Jully,halkay ahayd in wakhtigaa la aas aaso ciidanka,maadaama aanay labadii dhinac aanay ahayn qaar isu iman kara maxaa sababay in la xuso maali aanay waxba wada yeelan karin labadaasi dhinac?mase ogolaayeen gumaystayaasha talyaaniga iyo ingiriisku?maya xuduuduhu way adkaayeen ciidan ay sameeyaan iska daaye isu talawgu wakhtigaa wuu adkaa,wwaxaana la kala ahaa laba dal manuu jiraan sharciyad ogolaanayey wax wada lahaanshaha labadaasi dhinac ka hor intaan la wada xoroobin.laakiinse sidaa ayay u ogolaadeen qoladan dawladnimada sidatay ee reer somaliland inay wax kasta si guracan ay u qaataan?miyaanayse marnaba ku talo gelin in xitaa heshiis inuu dhacaa ay suuro geli waydo?
        taasi waa wax fudud meeshu waa muqdisho qoladan reer somalilandna kalgacal uun baa helee waxba gacmaha ugumay jirin,ka darane qoladan reer koonfureed wax walba si ay u sii dhistaan, loolana shaqeeyo oo dawladnimo loo gaadhsiiyo waxay jamciyada quruumaha ka dhehaysaa siisay 10 sano oo dul ka ilaalin ah,way sii wada qorshaysteen wwax walba sidii ay u meelaysan lahaayeen ,markii siyaasiyiintii reer koonfureed u tashadeen toodii kuwii reer waqooyina bustaha ayay hoosta ka galeen,taasina waa tii dhalisay mudo yar kadib inqilaabkii fashilmay ee ay saraakiishii reer somaliland ee sunhell ka soo baxday ay sameeyeen isla iyo 1961kii waa wax sanad ka yar wada joogistii labada dhinac ,waxyaabaha ay saraakiishaasi ay ka cadhoodeena waxaa ka mid ahaa sifaha ciidankaa loo dhisay oo aad u layaab lahayd,waayo,ciidanka milateriga somalia waxaa laga sameeyey ciidamadii booliskii talyaaniga oo milateri laga dhigay iyadoo ay joogaan ciidamo milateri ah oo xitaa ka soo qayb galay dagaaladii waawaynaa ee aduunka sida kii 1aad iyo 2aad,waxaa jiray oo ciidan soomaaliyeed ahaa ciidamadii somali peace crops kii,somali camel cord kuwaasoo jiray boqolaal sanadood, aad u tababarnaa ahaana ciidan aad loogu kalsoonaa,lahaa saraakiil aad u taba baran oo wax lagu 
soo baray dalka ingiriiska,waxaasoodhan waxaa looga tegay waa cunsuriyad aanay markaa arkaynin shacabka iyo madaxdii reer somaliland,
       hada eeg waxyaabaha layaabka leh,hadii la odhan lahaa ciidamadaas milateriga ah ee la dagaal galay dowladii ingiriiska,maantana magacoodii iyo sharaftoodii darteed ugu xardhan taalada ka dhex qotonta badhtamaha magaalada londhon waxay ahaayeen ciidamo gumaysi,ma kuwan talyaaniga Booliska u ahaa ayaa somali lahayd,taasi waa asbaab necebka ka muuqdaa uu gundhig u yahay soomaali nacaybka reer koonfurka ay weligoodba qabeen,bal eeg soomaali jacal isu keenida  shanta soomaaliyeed ah nimankii dawladnimadoodii u baabi'iyey ayay reerkoonfurku ugu yeedheen QALDAAMIIN kuwa maanta laga daba qaylinayaana waa qaldaamiintii oo qaladkoodii gartay
                                  12 apriil maya maaha maalin lawada lahaa,lawada samaystay,laysla gartay,ama lawada hindisay
Allaa mahadleh
                                                                                                                    Qalinkii;Mxamed Yaasiin Maxamed
                                                                                                                                   Belgium               

· ifraax on April 16 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired