Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Shirweynihii 12 aad ee Dallada SSE-da oo lagu soo gabogabeey magaalada Stockholm.

Warsaxaafadeed

Shirweynihii 12 aad ee Dallada SSE-da oo lagu soo gabogabeey magaalada Stockholm iyo nuxurka qoddobadii ka soo baxay iyo hoggaan cusub oo lagu doortey labada sanno ee soo socda:

 

Dallada xidhiidhisa jaalliyadaha ama ururada reer Somaliland ee Qaarada Yurub ayaa kulnweynahoodii ku soo gabogabeeyay magaalada Stockholm ee Cariga Sweden.

Warsaxaafadeedkii kan ka horreeyay waxa aanu si faahfaahsan idinku soo gudbinay kulanka maalintii hore oo ku waajahnaa beesha caalamka isla markaana lagu qabtey guriga Baarlamaanka dalka Sweden.

Kulanka maalinta labaad waxa uu khaas u ahaa xubnaha Dallada ama ururada. Ujjeedada loo qabtay kulanka maalinta labaad ayaa ahaa in jaalliyaduhu isku weydaarsadaan wixii macluumaad ah isla markaana la isweydaarsado wixii khibrad shaqo ah, maadaama lagu kala suganyahay waddamo kala duwan. Kulanka ayaa ugu horreyntii haddalo soo dhoweyna ku furey guddoomiyaha Dallada Guud ee Sweden Zakarie Maxamed Waes iyo Mustafa Ismail oo labaduba ka socda Jaalliyada guud ee ururada reer Somaliland ee Sweden.

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xubnaha Dallada SSE ee ka soo qayb galey kulanka ayaa waxa ay ka kala socdeen jaaliyadaha Sweden, Denmark, UK, France, Finland, Holland, Italy iyo Norway.

Ergooyinka ka kala socdey waddamada kala duwan ee Yurub intii aanay bilaabin warbixinadooda ayaa kulanka waxa warbixin faahfaahsan ka soo jeediyay guddiga fulinta oo la qaybsaday wixii u qabsoomay Dallada labadii sanno ee u dambeeyay. Waxay ka qayb galayaashii kulanka siiyeen warbixin si fiican loo soo tifaftirey oo lagu soo koobay waxqabadkoodii iyo xidhiidhadii waxqabad ee ay ka fuliyeen Yurub iyo waddankiiba. Sidoo kale waxay ka warameen xaalada dhaqaale ee Dallada. Warbixintu waxa kale oo ay koobeysay qorshayaasha mustaqbal iyo istaraatajiyada loo baahanyahay inay SSE ku shaqeyso. Xubnaha guddiga Dallada SSE ee warbixinta la wadaagay ergooyinka kulanka ayaa waxa ay kala ahaayeen:


Abdourahman Yassin (Guddoomiyaha Dallada)

Moote Haji Ali Botan   (Xooghayaha Dallada)

Iid Hassan Muse (Lacaghayaha Dallada)

Cabdillahi Xeef (Xubin)

 

Warbxintan guud ka dib ayaa waxa codbaahiyaha qofqof loogu wareejiyay dhammaan ergooyinkii waddamada kala duwan ee ka soo qayb galay kulanka. Warbixinada ay soo gudbinayeen waxay salka ku hayeen saddex arrimood oo kala ah.

-Waddan kastaaba waxa uu si niyad kal iyo laab ah u soo dhoweeyay kulanweynaha SSE oo ay ku tilmaameen mid loo baahanyahay in la joogteeyo qabashadiisa isla markaana ay guulweyn tahay in 12 jeer lagu kulmay magaalooyin iyo waddamo kala duwan oo Yurub ah.

Qoddobka labaad waxa ay jaaliyada kastaaba soo bandhigtey waxqabadkeedii haddii ay tahay waxay u qabatay bulshadooda ku dhaqan waddamada Yurub iyo haddii ay tahay wixii mashaariic ah ee ay ka fuliyeen waddankii. Waxa nasiib wanaag aheyd inay jaalliyadaha qaar meesha ku soo bandhigeen waxqabad la taaban karo oo ay waddankii ka fuliyeen, kaasoo tusaale iyo dhiiri gelin u ahaa jaaliyadaha kale. Qaar ayaa xataa soo bandhigey tabaruc la taaban karo oo ay waddankii la gaadheen toddobaadyadan u dambeeyay, abaaraha darteed. Qaybta saddexaad waxay kaga warameen himilooyinka ay damacsanyihiin inay mustaqbalka ku talaabsadaan. Kulankan oo ahaa mid aad u xiiso badan waxa la isku weydaarsaday xog mahuraan ah oo run ahaantii ahayd cashar iyo waayo aragnimo si wada jir ah loo wadaagay.

Marka laga yimaado nashaadaadka ama waxqabadka ay jaaliyad kastaa madasha kulanka kaga hadashay waxaa jirey tallooyin iyo tusaalayaal ay ergooyinka qaarkood goobta ka soo jeediyeen, kuwaasoo ku wajahnaa Dallada SSE iyo qaabkeeda waxqabad.

Tallooyinak goobta laga soo jeediyay waxa ka mid ahaa:

- Xoojinta wadashaqeynta Dallada iyo Jaaliyadaha reer Somaliland ee Yurub.

-Dhiirigelinta mashaariicda waxqabad ee la iska kaashan karo.

-Dhiirigelinta in dhallinyarad ama jiilka soo korayaa ay ku soo xidhmaan Dallada.

-Dhiirigelinta in haweenka reer Somaliland ay cudud iyo muuqasho fiican ku yeeshaan Dallada SSE dhexdeeda.

- Baahinta hawlaha Dallada iyo in la soo jiito jaaliyadahakale ee reer Somaliland ee aan xubinta ka aheyn Dallada.

-Waxa madasha kulanka si gaara looga xusay fariin Dallada ay u soo gudbiyeen ardeyda reer Somaliland ee waddanka Turkiga. Farriinta oo koobani waxay aheyd inay ardeydu qorsheynayaan inay si weyn u xusaan munaasabada 18ka May ee inagu soo fool leh isla markaana ay u baahanyihiin in laga caawiyo tashiilaadku u sahli doona qabashada maalintaa. Kulanku wuxuu xusay muhimada ay leedahay dhiirigelinta ardeyda reer Somaliland ee Turkiga. Warsaxaafadeedkan kooban looguma talo gelin in si faahfaahsan loogu soo bandhigo waxqabadka jaaliyad kasta. Qofkii u baahani wuxuu kala soo xidhiidhi doonaa guddiga fulinta ee Dallada SSE. Ergooyinkii ka socdey waddamada Yurub ee qaybtan ka hadlay waxa ka mid ahaa: Hassan Ali & Hassan M. Nur (Finland), Abdi Good & Roda Ali SSUK (UK), Eid Ali Salan, Somaliland Mental Health (UK), Mohamed Hassan (Somaliland Association in France), Ahmed Adan &Smael Mohamoud (Somaliland Society in the Netherland, Ahmed Saleban (Somaliland Welfare Org Norway), Zakarie Waes, Mustafe Ismail (Somaliland Natuional Association in Sweden), Ahmed Kadleye (EAD, UK), Ayan Mohamoud (Kayd, UK), Abdirizak Afqaraf (Somaliland Community in Denmark), Jama Muse Jama (Italy) Abdirahman Bare (NOMAD, Holland), Abdirizak Dinari (Denmark), Sayid & Mohamed (Ururka qoraaga reer Somaliland ee Sweden), Ahmed Dahir (Somaliland National Library), Barre Awgab Dagaal (UK, Sheffield).

Qaybtan hore ee wabixinadu markii ay dhammaatay waxa xubnaha Dallada lagu casuumay inay ka qayb qaataan doorashada hoggaanka Dallada SSE ee labada sanno ee soo socda. Guddi qabanqaabo ayaa la abuurey, taasoo uu gadhwadeen ka ahaa Hassan M. Nur oo ka mid ah guddiga Jaalliyada Finland ee reer Somaliland. Markii la xusay nidaamka hab-maamuuska doorashada loo marayo ayaa la guda galey in la doorto guddi fulineed. Xooghayihii hore Moote Xaaji Cali Bootaan iyo lacaghayihii Dallada  Iid Xasan ayaa iyagu cudur ka muujiyey inaanay diyaar u ahayn inay ka qayb qaataan doorashada. Doorashada oo ku dhacdey hab gacan taag ah ayaa waxa lagu doortey toddobad xubnood oo saddex ka mid ahi ay dumar yihiin.Magacyada guddiga fulinta cusub ee la doortey waa:

 

Abdourahman Yaasiin Guddoomiye  (France)

Abdillahi Xeef (Denmark)

Ayaan Mahamoud Cashuur (UK)

Rooda A.Ali                 (UK)

Mustafa Ismaaciil (Sweden)

Ismael Mohamoud (Holland)

Waxa lagu heshiiyay oo guddiga awood loo siiyay inay iyagu buuxsadan xubinta gabadha ah ee ka dhiman xubnaha guddiga ee la doortey. Xubnaha guddiga waxa kale oo awood loo siiyay inay iyagu qaabka ay u wada shaqeynayaan ay dhammaystirtaan.

 

Barnaamijkii u gaarka ahaa maalinta labaad ee Dallada SSE ayaa waxa uu ku soo afjarmay jawi aad u xiiso badan iyo iyada oo lagu kala tagey dardaaran iyo is-nabadgelyayn.

Kulanka SSE markii la soo gabogabeeyay, waxa laga qayb qaatay kulan guud oo u furnaa dhammaan dadweynaha reer Somaliland ee magaalada Stockholm.

Guud ahaan waxa kulanka lagu xidhey xasuus iyo mahadnaq balaadhan oo loo soo jeediyay Jaaliyada guud ee ururda reer Sweden, taasoo wakhti iyo maalba gelisay habsami socodka kulanka oo xasuus lama ilaawaan ah ku reebi doonta dhammaan ka qayb galayaashii kulanka.

 

Alle ayaa mahad leh,

 

Guddiga Fulinta

 

· abdi on April 21 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>