Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Jamhuuriyaddda Somaliland oo Addis ababa kaga qayb galay sagaashan guurada ka soo wareegtay dhalashada boqorada dalka ingiriiska.

Hargeysa(Hargeysa Online)Wefti sare oo ka socda dawladda Somaliland, ayaa ka qaybgalay dabaaldega caalamiga ee loo sameeyey sagaashan guurada ka soo wareegtay dhalashada boqorada dalka ingiriiska,Queen Elizabeth II.

 

weftigaBoqorada oo baarka ka jartay sagaashan sannadood, dalkaana boqorad ka ahayd muddo 64 sano ah, ayaa waxa xuska dhalashadeedu ka dhacay meelo badan oo ka baxsan boqortooyada dalka ingiriiska, sida Kanada iyo Ustaraaliya (Canada and Australia) oo ay iyagana boqorad u tahay, waxa kale oo uu dabaaldegeedu ka dhacay dalalka barwaaqo-sooranka (Commonwealth).

Wefti balaadhan oo ka socda dawladda Somaliland qaybeheeda kala duwan ayaa lagu martiqaaday xuskan oo ka dhacay safaaradda dalka Ingiriiska ee dalka Itoobiya, ka dib markii safiiradda dalka Ingiriiska ee dalkaasi ay martiqaad rasmiya u fidisay masuuliyiin sare oo haatan ku sugan magaalo madaxda dalka Itoobiya ee Addis-ababa, kuwaas oo isugu jira kuwo dalkaasi socdaal shaqo ku joogay iyo weftigii xukuumadda ee socdaalka ugu baxay dhawaan dalka Turkiga, kuwaasoo kala ah:-

1. Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, Garyaqaan Aadan X. Cali Axmed

2. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga, Mudane, Muuse Biixi Cabdi.

3. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire

4. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi

5. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Cali Maxamed Warancadde iyo

6. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan Xasan Axmed Aadan


Weftigu waxay boqorada ingiriiska u gudbiyeen hambalyo ku aaddan sanad guurada sagaashanaad ee dhalashadeeda, taas oo ay kaga wakiil ahaayeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo shacbiga Somaliland, waxa kale oo ay hambalyadaas oo kale u direen dawladda Ingiriiska, oo ay si gaara uga mahadceliyeen guud ahaan taageerada iyo kaalmooyinka ay boqortooyada Ingiriisku siiso dawladda Somaliland, iyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska oo ku dhisan dano wadaag, ahna mid adag.

Weftigu intii ay joogeen caasimada addis-ababa waxay kulamo la yeesheen danjireyaasha, dalalka Afrika u fadhiya Addis-ababa iyo safiiro kale oo dalalka caalamka ah, kuna sugan halkaasi kuwaas oo ay sharax dheer ka siiyeen geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland, iyo qadiyadda la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Warancade oo socdaal shaqo ku joogay Itoobiya ayaa kulamo wakhti dheer socday la yeeshay masuuliyiinta dhinaca amniga u qaabilsan dawladda aynu deriska iyo saaxiibka nahay ee Itoobiya, kuwaas oo ku saabsanaa sii xoojinta amniga mandaqada, gaar ahaan tan labada dal iyo xoojinta xidhiidhkii wada shaqayneed ee labada dal mudada dheer wadaagayeen, halka musharaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye, ahna gudoomiyaha xisbigaasi, uu socdaalkiisa Itoobiya ka mid yahay socdaalo uu ku galaa-baxayo dalalka Bariga Afrika.

Weftigu waxay kulan gaara la yeesheen wasiiro ka tirsan dawladda Itoobiya, kana mid yihiin, wasiirka Waxbarashada Mr. Shiferaw Shigute, iyo wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska, Marwo, Caasha Maxamed Muuse, kuwaasoo ay ka wada hadleen danaha labada dhinac ee khuseeya shaqooyinka ay u hayaan ummadahooda iyo xidhiidhka labada dal.

Safiirada martiqaadka fidisay Ms, Susanna Moorehead, ayaa weftiga Somaliland uga mahadnaqday hambalyada madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ee dhalasahda boqorada iyo martiqaadka ay soo ajiibeen ee ay kaga qaybgaleen xuska loo sameeyey boqorada ee ku qabsoomay safaaradda.

Dhinaca kale, wasiirada arrimaha dibeda, iyo Madaxtooyada Somaliland ayaa ka soo laabtay dalka Turkiga oo ay u tageen, xoojinta iyo tayeynta xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dawladda Turkiga, iyagoo halkaa kulamo gaara kula yeeshay wasaaradda Arrimaha dibeda ee dalkaasi iyo hay’adaha bisha cas iyo xafiiska mucaawimooyinka u qaabilsan dalkaasi ee Tika.

Waxa kaloo ay weftigu kala hadleen dawlada Turkiga sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii ay beesha caalamku korjoogaha ka ahayd ee u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo dawlada Turkigana la sameeyey gogol xaadh ku saabsan dib u bilowga wada hadaladii istaagay ee labada dal.



ALLAA MAHAD LEH



Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

· abdi on April 23 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired