Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Maantana ABAAR berina way Daad mid waliba ii daran Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed

Waxaynu nahay Bulsho nolosheedaba abaar iyo barwaaqo ay kala goosatay,Bulsho tabar daran,had iyo jeerna ku foogan waxaan danteeda ahayn,Bulsho hadba waxa soo mara aan ku waayo qaadan,Bulsho ilowsho badan waxaynu nahay bulsho cidii doontaaba ay ka fushan karto waxay doonto,Bulsho colaadeed,mid qabiili,iyo weliba bulsho aan aqoon lahayn xitaa kuwooda wax bartay reernimadaa ka adag,waxaan uga socdaa waxaasoo dhan bal dhinac kastaba u fiirso waxaad arkaysaa inaynu nahay dad wax yar oo ay qaban karnaan ka bakhtiyaya,boqolaal sano waxaa sanad walba inala deris ahayd abaar dad iyo xoolaba ina bar tirta,ma jirto waxaynu kaga tabaabushaysanay oon ka ahayn in xitaa barwaaqada da'daa ay iyana dhibaatadeeda inoo gaysato,oo aad arkayso dooxyadii oo dadkii qaadaya,xoolo iyo gaadiidba,oo xitaa aynaan baabuurta samir daro darteed aynaan sugi karin inta ay biyuhu yaraanayaan taasoo ay marwalba qaadaan dad aad dhaxdeena ugu qiimo leh,ka darane weliba dooxyadiisi biyihii aynu u baahnayn ee aynu dareenay dhibkooda si hawl yar ayay bada ugu daraan,tabar daradeedan waxaynu ka adag nahay inaynu afka uun ka tookhno,oo xitaa aynu la caadifad oyno waxyaabaha dhacaya,inkastoo uu ilaahay keenay hadana eeshu waa feejigo daraanteena,bal u fiirso mushkiladaha aynu abuurno dad badan oo inaga midi waxay dhul daaqeenkii ay ka samaysteen seerayaal kaasoo xoolihii laga xidhay daaqii,waxaynuna jecel nahay in xooleheenu ay helaan meelo ay daaqaan,waa yaab halkee ayaad la jeceshahay markaa in xoolahaasi daaqaan,waxaana dhacday in reernimo loogu hiiliyo dadkaa beer beenaadka samaystay,bal eeg banka QOOLCADAY wuxuu anfacayaa cid walba mid degan meeshaa iyo midaan deganayn,dawlada iyo aduunku waxay isku dayeen abaarahan badan dartood inay inoo maal geliyaan laynoona xidho wakhtiyada barwaaqada si xooleheenu ay ugu baxsadaan xiliyada abaaraha,laakiin fulinteedii waxaa ku qudhbeelay nafo aynaan ka maarmin qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen keliya inaan waxba la hir gelin.

         Waxaynu u baahanahay horumar iyo inaynu helo maalgashiyo si ay dhalinyaradeenu u helaan shaqooyin ay ku tanaadaan kagana maarmaan tahriibka ay boqolaal caruurteena ahi ay ugu madhanayaan badaha masar, liibiya iyo talyaaniga,in markaa khayraadka dalkeena la soo saaraa waa muhiim  balse inaga ayaa iska hortaagan cid kalena maaha waa aqoonyahanada la sheego bal inta shir ee nimanka ingiriiska caydha ka qaataa ay kaga horyimaadeen shidaal qodista ganel energy ee somaliland eega,hanti badan ayay ku bixiyeen iyagoo reernimo keliya ku doodaya balse aan u tudhayn inta wadankii ku baahan hadii iyaga uu bariiskoodu diyaar yahay,taasi waxay dhalisay in la weeraro shaqaalihii shirkadaa wadankana ay iisaga baxaan,
                   Sibidhka wadanka lagu isticmaalaa itoobiyuu ka yimaadaa,Diridhaba kii Berbera maxaa halaad u malaynaysaa,wax kale ma helin reernimaa heshay anagaa leh ayaa la leeyahay waa intaas keliya awood iyo tamar lagu soo saarana uma hayaan markaa waa sidaa uun ha ahaato dushana aan ka eegano,dhibaatooyinku maaha intaasoo keliya balse kuwan tusaale ayaan u soo qaatay waana inta ugu yar ee tamar daradeena loo soo qaadan karo.
          maanta aduunyada cimiladeedu waa ay is bedelaysaa,si aad u daran ayayna isu bedelaysaa wadamo badan oo baraf ka di'i jiray ayaanay maanta barafkii uu ka guuray qaar badan oo aanu baraf ka di'i jirina waa uu ka da'ayaa dhawaan bal eeg afrika eretariya asmara ayuu ka da'ay baraf 2013 kii sucuudiga qaybo badan bal ka waran hadii uu somaliland uu ka da'o baraf intee in le'eg ayaa inaga soo hadhaysa ileen uma samaysnin umad nolosha isla bedeshee,maxay xooleheenu cuni doonaan,ama aynu xidhan doonaa,maanta ayaynu qabsan kari la'nahay biyaha aynu u baahanahay ee togagu ay bada ku darayaan nafteena iyo xoolaheenun a ay u baahan yihiin,waxaynu ka kici la'nahy fadhiga qaadka oo ah masiibo qaran oo ka daran tahriibka weliba kiisa lagu madhay,oo kumanaan dadkeenii ah ayaa qaadku u yahay masiibbo maalin walba haysata dhan walba dhaqaale ahaan,caafimaad ahaan,arimo bulsho ahaan iyo xitaa cibaado ahaan,waxaynu u baahanahay in aynu fadhiga ka kacno,aynu isku tashno,aynu ka xorowno qaadka iyo qabyaalada,aynuna sharciga iyo kala danbaynta aynu xoojino.
                                                                                                                                                 allaa mahadleh
                                                                                                                                qalinkii maxamed yaasiin maxamed
                                                                                                                                                      Belguim          

 

· ifraax on May 02 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired