Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Aqoonta iyo Diinta Ha U Adeegsan Hinaasaha iyo Xasadka.

Wuxu ku yidhi, Dalkaaga Soomaaliland, Distoorkaaga iyo Dawladnimadaadu waa xaraan? Waxaanu kuu raaciyey, haddii ad Dawladnimadaa iyo Distoorkaa taageertana, adaa xaaraan ah. Bal adigu shakhsiyan inta ad shawrto, isweydii waxa ad uugu jawaabeyso muwaadinkaasi.


Waa wadaadkii 6 sanadood horteed Hargeisa uuga ololeynayey doorshada shakhsi uu wato oo meel kasta u marey ololahaa. Iminka oo uu hal shakhsi iyo hal xisbi diidanyahay, ayaa halkii uu waxa uu qoonsadey sheegi lahaa, ku waramey in distoorka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliland ba xaaraan tahay, maadaama ay dimuqraadiyad ku saleysanyihiin. Alla Wadaadkaasi faanweynaa.

Sheekhow meeshan lama kala dooranayo Ilaahey Subxaanahu Wa Tacaala iyo Soomaaliland. Umadda reer Soomaaliland Ilaahey wey balameen iyaga oo aan wadaad iyo sheekhtoona u dhexeynin. Soomaaliland jiritaankeeda waxa ay tiir uuga dhigatey Tawxiidka Alle. Calankeeda ayey ku qoratey distoorkeedana wey ku xaradhey Inaan Ilaahey Mooyee, Ilaah kale Jirin, Muxammed-na uu Yahay Rasuulkii Ilaahey. Haddii doorkan aanu doorasho ku jirin raggii ad u ololeyneysey, waxay aheyd uun inad ra’yigaaga cabbirto oo ad tidhaa hebel uuma codeynayo. Mey aheyn inad kitaab uugu soo gabato oo ad kuuliga iyo caanadiiqda Baqo-Maasho.

Maqasha ayaa marka ay yara korto ee ay orgi ismooddo, ku boodbooda hooyadood oo orginimada ku barta. Wax kale ma sameeyaan ee, wey ka daba qeyliyaan qeyliyaan hooyadood. Wadaadku haddii uu rabo inu soo can baxo, waxa u habooneyd inu tago golayaasha culimada Islaamku ku doooddo. Waxa u habooneyd inu qoro buugaag laga faa’iideysto oo isagana lagu xusuusto. Waxa kaloo u habooneyd inu la rafiiqo culimada kale ee diinta iyo nolosha is qabadsiiyey ee wax laga faa’iido, sida Sheekh Dirir iyo Sheekh Mustafe. Mey aheyn inu Soomaaliland tii isaga wax ka dhigtey ku khudbad barto.

Wadaadkii Hargeisa ka hadley, waxa u soo jawaabey wadaad Xamar jooga. Waa wadaad 15 sanadood ku nool dhuumasho. Wey ku adagthay inu si nabad ah ku maro dhulkii uu ku dhashey ee uu u ku korey. Waxa uu in badan warbaahinta kala hadley dadka ka soo horjeeda fikirkiisa iyo wacdigiisa oo uu kula taliyey inaaney fawdada iyo dhiigga muslinka xalaashan. Sheekhani waxa uu leeyahay cadaw badan oo u badan cadawga Islaamka oo diidan aqoonta wanaagsan ee uu sheekhani fidinayo. Sidaasooy tahay, sheekhan HINAASE iyo XIN ayaa hadlkiisa ka muuqda. Sheekhani waxa uu ku soo taliyey, fitno hor leh isaga oo ku talinaya in dadka reer Soomaaliland xukunka gacantooda ku qaataan maadaama ay dawladdii ka gaabisey oo ay gaaladii la dagaalami laadahay. Waxa uu sheekhu si dadban u leeyahay dadku ha kaco oo dawladda hala tuuro, taasi oo dhalin karta in nabadda iyo nidaamku burburo.

Sheekhani dhowr goor ayuu Soomaaliland yimid oo uu wacdi wanaagsan ka jeediyey oo dadku u soo baxey oo lagu ammaaney oo uu wax faa’iideeyey. Muxuu ka heleyaa tolow , haddii dawladnimada Soomaaliland burburto. Muxuu ka heli 5 malyuun oo qof oo dagaal iyo qax ku noolaada. Dhibaato miyaaney uugu filneyn waxa maanta Muqdisho ka dhacayaa, ee uu u seexan waayey gurigiisii wadadana u mari waayey isaga oo aan ciidan ilaalineyn. Haddii ay fawdadu dhacdo, waxa qiil heleya cadawga islaamka oo fursad u helaya iney dalkeena ciidamo soo geliyaan oo ay dadka xasuuqaan iyaga oo ku marmarsoonaya argagixiso ayaan la dagaalameynaa. Kuwaasaa dadka xasuuqi oo hablaha kufsan. Waa waxa ka dhacaya Soomaaliya maanta.

Soomaaliland weli mey gaadhin heer la yidhaa waa dawladnimo buuxda oo aan wax u dhinneyn. Adduunkana ma jirto dawlad dhameys tirani. Balse intii dadaalkeeda aheyd, Soomaaliland wey dedaashey, inta ka dhimanna waxa laga sugayaa umadeeda inta aqoon iyo diinba baratey oo la rabaa iney halkaa ka sii qaadaan oo ay gaadhsiiyaan heerkan iminka la joogo heerka ku xiga. Culimada iyo aqoonyahaynka dadka u dhashey waa kuwa uu dalku ku fadhiyo. Maantaba waa kuwaa ka jawaabey ee muujiyey iney dalkooda iyo dadlkoodaba taageersanyihiin. Midhimidhka leexdana haloo caqliceliyo.

Alla Mahad leh

Maxamed Cali Bile

Aqoonta U Adeegta Nolosha

  qorane.bile@gmail.com

 

· ifraax on May 08 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired