Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweynaha Jabuuti oo Maanta la Dhaariyay isagoo sheegay inuu Dalka Gaarsiinayo Horumar.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii 4-aad loo caleemo-saartay loona dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalka Jabuuti, kaddib markii xilka loo doortay horraantii bishii lasoo dhaafay ee Abriil, 2016-ka.


Xafladda Caleemo-saarka Geelle, ayaa waaxa ka Qayb-galaya madaxda Gobolka oo uu ka mid yahay; Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo kuwa Maamul-goboleedyada Puntland iyo Somaliland, waxaa kaloo goob-joog ka ahaa madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.


Sidoo kale, Caleemo-saarna Geelle ayaa waxaa joogay madaxweynayaasha dalalka Sudan, Cumar Xasan Al-bashiir, Rwanda, Paul Kigame, RW Itoobiya, Haile-mariam Desalegn iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Bariga Afrika, Waxaana dhamaantood ay u hambalyeeyeen Madaxweyne Geelle.


 

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu hor-dhaariyay Dadweynaha iyo Martidii xafladda joogtay, Wuxuuna ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono Midnimada iyo Wadajirka ummadda Jabuuti, sidoo kalena wuxuu ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono horumarinta dalka iyo dadka Jabuuti.

“Waxaan magaca ILAAHAY ugu dhaarayaa inaan cuskan doono kitaabka Alle iyo weliba sunnadii Rasuulkeenna SCW, kana shaqeyn doono Horumarka iyo Midnimada dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee markii 4-aad ii doortay xilka madaxweynaha ina siiyay kalsoonidooda. Waxaanan ku dhaqmi doonaa dastuurka & shuruucda kale dalka, ilaaliyana xorriyadda shacabka iyo tan waddan Jabuuti,” ayuu Geelle yiri markii uu dhaaranayay.

 

Intaas kaddib, Geelle oo khudbad ka jeediyay xafladii dhaarintiisa ayaa si guud uga hadlay waajibaadka saaran iyo qorshihiisa hoggaamineed, wuxuuna yiri, “Sida markhaati ka tihiin aad arkaysaan ALLE hortiisa iyo hortiinna ayaan ku dhaartay… waxaana dhabarka saartay inaan waddankan horumar gaarsiiyo. Hawsha la ii ig-maday waxaan ku gudan doonaa si ay ku jirto waayo-aragnimo iyo daacad, anigoo ogsoon xilkan culus ee ay i saareen Shacabka reer Jabuuti oo ah shacabkeyga, Waxaanan Shanta sano ee soo socota ku hoggaamin doona waddada horumarka mustaqbalka.”

Ugu dambeyn, Hoggaamiyeyaashii kale ee ka hadlay xaflada ayaa iyaguna sheegay inay la shaqeyn doonaan madaxweynaha dalka Jabuuti, ayna gacan ku siin doonaan sidii xilka loo doortay markii afaraad uu u gudan lahaa.

 

Hargeysa Online

  

· ifraax on May 08 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>