Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Baaq Sannad guurada 25aad- SSE.

Taariikh: 09/05/2016

Tixraac:  SSE/Fr – 010/16             

Dallada SSE waxay qurbo jooga reer Somaliland ee Yurub ku boorinaysaa in si buuxda looga qayb galo bannaanbaxyada lagu muujinayo sannad guuradda 25aad ee Qaranimada Somaliland Iyo Saxeexa Petition (ka).


Dallada SSE oo ay ka bahoobeen ururada Somaliland ee Yurub waxa ay baaqan kooban ku muujinayaan dareenka togan ee ka dhashay  qabanqaabada hawsha diyaar garowga maalinta 18(ka) May oo ah maalintii Somaliland ay la soo noqotay qaranimadeeda iyo madax-banaanideeda. Waa munaasabad ka culus ama ka mudan kuwii hore, maadaama ay tahay 25 guuraddii.

Waa wakhti aynu dib u jaleecayno dhammaan guulihii iyo horumarkii ay Somaliland ku talaabsatay mudadaa rubuc qarniga ah. Waa wakhti aynu si wada jir ah u eegayno wixii aynu ka baranay iyo taariikhda iyo maraaxisha Somaliland ay ka soo gudubtay mudadaa 25ka sanno ah.

Sida aynu ka warhayno Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo guddi heer qaran ah ayuu u saaray abaabulka munaasabada sannadkan si ay uga duwanaato kuwii hore, loona muujiyo Somaliland waxay kasbatay wakhtigaa isla markaana la hilaadiyo jihada iyo tubta horumarka si mustaqbal fiican loogu hago jiilka iyo da'yarta maanta.

Dalladu iyada oo eegaysa mudnaanta munaasabada sannadkani uu huwanyahay ayaa si karaamo ku jirto looga codsanaynaa dhammaan jaaliyadaha Somaliland ee Yurub inay cududooda iyo maskaxdooda isugu geeyaan sidii loo qaban lahaa munaasabado aad uga bilan kuwii sannadihii aynu ka soo gudubnay. Waxa hubaala inaynu qabanayno munaasabado aynu ku soo jiidanayno saaxiibada iyo asxaabta waddamada aynu deganahay si loo horumariyo wacyigelinta jiritaanka Somaliland. Dallad ahaan waanu ka warhaynaa in Jaaliyaddo badani ay barnaamijyo u qalma munaasabada sannadkan ay diyaariyeen, waana waajib ay gudanayaan.Waxa muhiim ah inaynu xoojino ka wada-shaqeynta iyo rayi isweydaarsiga munaasabadaha la qabanayo si loo tayeeyo barnaamijyada aynu ugu talo galnay munaasabada 25 guuradda Somaliland. Guul iyo gobanimo ayaynu rajaynaynaa inay munaasabaduhu inoogu dhammaadaan isla markaana ay noqdaan kuwa ay ka soo baxaan maxsuul ama natiijo wacan.

Baaqan waxa kale oo aanu uga faa'iideysanaynaa in dhammaan Jaaliyaddaha Qaarada Yurub ay u hawl galaan sidii dadweynaheena qurbo jooga Somaliland ee Yurub ay buuxin lahaayeen saxeexida petition(ka) la inaga codsadey.Waa hawl loo baahanyahay in la iska kaashado shicib iyo xukuumadba. Anagoo dareensan in inbadan oo qurbo joogeena ahi ay ka warhayaan buuxinta petition(kan) ayaan haddana ay naga tahay xasuusin. Si haddaba aad u buuxiso ama u dhmmaystirto petitionKan) riix ama guji: http://www.slforeign.com/online-petition.html 

Guul iyo gobanimo ayaan u rajaynaynaa dhammaan dadka reer Somaliland iyo in si wada jir ah aynu u bilno munaasabada 25aad ee sannad guuradda Somaliland.

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

 

· abdi on May 09 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired