Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

18 mey Qaranimada Somaliland Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed

axaan joogay maalintaa 18mey sanadkii dadku go'aansadeen dib ula soo noqoshada somaliland magaalada Burco,waan xusuustaa maalintaa waxay ii ahayd xagayga maalin noloshadayda aad ugu qiimo leh,maalintii noloshayda iigu farxada badnayd,waxaa iyana ila mid ahaa dadyowgii maalintaa burco igula noolaa,oo runtii maalintaa iyo habeenkeediiba aad looga dabaal degayey magaalada burco iyo guud ahaanba somaliland,hubka waawayn marka laga reebo madaafiicda ayaa habeenkaa nin waliba wuxuu haystay uu faraqayey,weliba ku darsoo dadkaa hubka aadka u faraqayey waxay ahaayeen dad ka soo xarooday maalmo halgan oo aad u qadhaadhaa oo nin waliba markaa wuu hubaysnaa, oo dadba waxay ahaayeen kuwii libinta maalintaa xaqiijiyay,sidaa daaraadeed waxay ahayd farxad camuumtay somaliland dhamaanteed,waxay ahayd il nabadgelyo iyo wada noolaansho ay garteen aqoonyahanadii iyo cuquushii bulshooyinka waqooyi ee ku wada dhaqanaa somaliland,waxay ahayd ayaamo qaaliya oo ay mar labaad curatay jamhuuriyadii somaliland ee ay sanadkii 1960 bishii june 26 deedii saacadu markay ahayd 12habeenimo oo shan la'ayd ay boqorada ingiriisku ku dhawaaqday inay dunida ku soo korodhay jamhuuriyad la yidhaahdo somalilnd balse afar cisho ka dib alle haw naxariistee ay dadkeedii cadaw u loogeen,sadqeeyeen ayna ka mid noqotay soomaaliyeed S.Y.L. ay xoraysay oo ay ilaa maanta ay sheegtaan inay iyagu somalilandn ay xoreeyeen.

           Maalmo kadib waxaa dhacay dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay meelo badan oo dalka ka mid ah,kaasoo madaxdu ay ku baraq jebinaysay dooniska iyo hadafkii shacabka iyo dadkooda,si aanay marnaba uga dhabaynin ra'yigooda ka dhashay cadawtinimadii iyo baabi'intii xukuumadii milateriga ahayd ee sida nacabnimada ah ugu adeegsatay dawladii la wada lahaa bulshadii magaratada ahayd,hubkii iyo diyaaradihii cashuurtooda la soo siiyeyna lagu duqeeyey,taasi bedelkeeda si aanay u dhicin dalkii la isku odhan jiray soomaaliyana aan loo kala goyn,maadaama aanay xitaa chartar kii S.N.M  na xitaa aanay ku jirin goosashadu waxaa la riday dagaalkii Burco ee shanta cisho ahaa,taasi waxay soo dhawaysay markii reer Burco ay iska garteen siyaasadii jalaafada lahayd ee calancasta inuu dhaco dagaalkii lagu hoobtay wakhtiga aadka u dheerna soconayey ee Berbera iyo guud ahaanba gobolka saaxil ka hulaaqmay,kadib waxaa is bedelay hogaankii dalka waxaana yimid mid xaga dagaalka aan isna uga soo rayn bulshada,waxaa curtay 1995 kii dagaalkii Burco iyo Hargaysa mar keliya wada naafeeyey,kaasi oo isna socday mudo sadex sano koru dhaaftay sababayna dhimasho dhaawac iyo burbur ka daran kii faqash inaga soo gaadhay,dagaalkaasina wuxuu raad la lahaa dagaaladaas hore ee midnimo raadinta balse uu eebe dadkiisa isagu uu doonistooda uu u dhabeeyey,arimahaasi waxay mar walba ay ka socon la'aayeen dadkii soomaaliyeed ee reer koonfureedka ahaa oo iyagu aan waxba isu ogolayn wakhtigaa anoo soo koobayana carqalada midnimada soomaaliya ilaa maanta cida hor taagan ee aan jeclayni waa soomaalida koonfureed ee talyaaniga oo iminkana u xuub siibtay federaal iyo maamul goboleedyo iyaga oo qudha u danaynaya,taasoo aan marnaba qancinayn siyaasiyiinta waqooyi ee midnimo jacaylku uu hoday ee xitaa xamar dhex jooga ,soomaaliya intaanay burburin waxay ahayd jamhuuriyada soomaaliya oo ay wada samaysteen labadii qaran ee ka kala xoroobay talyaani iyo ingiriis,waana xisaabta keliya ee barbilow u ah qaran soomaaliya la yidhaa,laakiin maya kan maanta.
            Hada somaliland waa xor waxay xortahay 25 sano oo aanay mar keliya talo wadaagin somaliya intii ay somaliland iyo somaliya ay wax wada lahaayeena waaxay ahayd 30 sano waxaa u dhexeeya shan sano oo uu intaa iyo ka badana ay dagaalamayeen,taasi waxay muujinaysaa farqiga iyo kala fogaanshaha labada dhinac,waana muhiim maanta reer soomaaliya inay taas ku qancaan,ma jirto cid soo socotaa iyo midnimo dhalanaysaa  ee iimaansada intiinaa.
             Dadka reer somalilandna waxaan leeyahay hanbalyo waad samirteen nin samraana sedkii hela ee Illaahay guul iyo gobanimo haydin gaadhsiiyo sanadkan kiisa xigana bashbash iyo badhaadhe iyo aqoonsi ku gaadha una samra wakhtiga iyo waayaha,siyaasiyiintana waxaan leeyahay u dhabeeya bulshada doonisteeda. 
                                   wa bilaahi towfiiq
                      maxamed yaasiin maxamed

· abdi on May 18 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>