Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Gudoomiye Ciro Dubai kula kulmay Shirkada DP World ee Dekeda Maal galinaysa.

Hargeysa(Hargeysa Online) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa martiqaad rasmi ah u fidisay oo waddanka Imaaraadka Carabta ku casuuntay Shirkadda Dubai Ports World oo ah shirkadda iyagu quuddaraynaysa in ay heshiis rasmi ah kula wareegto Maamulka Dekedda Berbara iyo maalgashigeeda oo ay xukuumadda Somaliland in muddo ah ka wada hadlayeen walina aan la isla gaadhin heshiiskii kama dambaysta ahaa.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa tibaaxaya in Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Masuuliyiinta shirkadda DP World ay kulan ballaadhan ku yeesheen magaalada Dubai kadib markii ay si rasmi ah madaxda DP World ugu casuuntay Guddoomiyaha WADDANI shir ay labada dhinac kaga arrinsadaan heshiiska la filayo in ay shirkaddaasi kula wareegto Marsada Caalamiga ah ee Berbera.

 

Kulankaasi oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga WADDANI ka dhigaya masuulkii Mucaarid ee ugu horreeyey ee maamulka shirkaddaasi kulan gaar ah la qaata kadib muddo dheer oo ay iyaga iyo xukuumadda Somaliland wada lahaayeen shirar badan, waxaanay wararkani intaasi ku darayaan in Masuuliyiinta shirkadda DP World oo ka war haya culayska heshiiskaasi iyo mucaaradada badan ee uu ku leeyahay shaaraca dalka ay door bideen in ay Guddoomiyaha WADDANI kulan ugu yeedhaan maadaama uu sidoo kale Cabdiraxmaan Cirro masuul ka yahay Golaha Wakiilada Somaliland oo ah hay’adda dastuuriyan xaqa u leh in heshiiskaasi la soo mariyo ugu dambayn haddii ay xukuumadda iyo shirkaddu wada saxeexaan heshiiskiisa rasmiga ah.

Saraakiisha ugu sarraysa Shirkadda DP World iyo Guddoomiyaha WADDANI ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xaaladaha ku gedaaman heshiiska hor dhaca ah ee ay shirkaddaasi xukuumadda la gaadhay iyada oo dhinaca kalena masuuliyiinta shirkaddani Guddoomiye Cirro ka codsadeen in uu golihiisa kala shaqeeyo sidii ay u baas garayn lahaayeen heshiiskaasi haddii ay xukuumadda iskula af gartaan ugu dambayna loo soo gudbiyo fadhiga Golahaasi, waxaanse la ogayn waxa uu Guddoomiye Cirro ka yidhi codsiga shirkaddan iyada oo wararka qaar sheegayaa in xukuumaddu ka dambaysay arrinkan oo ay maamulka shirkadda DP World ka codsadeen in ay la kulmaan Guddoomiye Cirro maadaama uu yahay Guddoomiyaha Mucaaridka ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Hargeysa Online

  

 

· xaaji on June 27 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired