Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Haweeney Soomaali ah oo Argagixisonimo lagu Haystay Muddo dheer.

Labo sano ka hor hayadaha sirdoonka ee Mareykanka ayaa sheegay in Aamina Maxamuud Ciise ay u sheegtay xubno ay iskula jireen bulsho ku wada xiriiri jirtay internetka (online community) oo Alshabaab lacago u diri jirtay in saraakiil FBI ka tirsan ay lasoo xiriireen.


Aamina bil kadib waxay ka qiran doontaa gudaha Virginia in dhammaan dadka kooxaha hoggaamin jiray ee shabakada ay kumanaan kun oo doolar ugu direen Soomaaliya jabhad fadhigeedu yahay halkaa waa sida hadalka loo dhigaye. 

Sidaa waxaa sidoo kale lagu xusay dukumiindi asbuucaan gudihiisa lasoo saaray.

Kiiskeeda oo ay kujiraan dacwado ahaa Nofembar 2014 kuwaasoo kusaabsanaa taageerida Al-shabaab  waxaa laga dhigay qarsoodi ilaa iyo hada arintaa oo loo yeelay badbaadadeeda darteed iyo sababo baaritaan la xiriira.

Aamina waxay qirtay in ay  Nairobi ugu dirtay qiyaastii $850 qof ay shirko ahaayeen lacagtaas oo hadba in la diray ayna bixinteeda amartay Muna Cusmaan Jaamac oo ayadu sugeysa in la dhagaysto dacwad gudaha Virginia ayada iyo Hinda Cusmaan Dhiirane.

Aamina waxay wali sugeysaa xukun ayadoo arinkaana lala sugaayo natiijada kasoo baxda sida ay maxkamada ula tacaamusho. Aamina sida uu sheegay xeer ilaaliye Robert Sicoli waxay kujirtaa maganta dawlada.

Waxay macaamilka wanaajisay ay maxkamada iyo dabcan dambi baareyaasha la leedahay kadib markii lasoo xiray sanadkii 2014.

 "Waxay aasaas ahaan sheegtay in ay ka xumaatay wixii ay samaysay. Waxay gaar ahaan xasuusatay in markii ay u baahnayd cawimaad lacageed ay dawlada Mareykanku caawisay," Sicoli ayaa sidaa yiri.

Aamina dawrkeedii khidada iyo cagajiidkeedii  ugu dambeyntii waxaa lagu qoray dacwada oo laga qoray dhagaysigeeda 69 bog. Xagaagii 2012,  Aamina waxay uga digtay Muna in saraakiil ka tirsan FBI ay lasoo xiriireeen taasina laakiin been ayay ahayd ay dooneysay inay isaga fogeyso dadka kale ee dacwada loo heysto.

"Fikirku macno ma yeelan innaba," Sicoli ayaa Jimcihii sidaa sheegay. "Waxa ay samaynaayeen — uma muuqan sax. Ma aysan qaadan, waxayna bilowday inay suaal ka keento." Intaa ayuu raaciyay. 

Wax yar kadib markii la xiray, Sicoli ayaa sheegay in Aamina ay aqbashay inay FBI ku caawiso sidii loo ogaan lahaa dadka kale ee khidada la maleegay iyo baaritaan dheeri ah oo lagu sameeyo taageereyaasha  Al-shabaab.

Muna iyo Hinda waxaa la xiray bishii 6aad ee 2014 waxaana lagu soo oogay dacwad ah 20 jeer inay taageero la taaban karo ay siiyeen urur ajnabi ah oo argagixiso. Muna waxay dibada u dirtay sida la sheegay lacag ka badan $3,300 si ay ugu taageerto Al-shabaab. 

Rag u hadlay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ayaa sheegay in FBI ay diiday inay wax arinka ka dhahdo Jimcihii.

In kasta oo aan aad looga war hayn ilaa asbuucaan, Aamina kiiskeedu waa mid ka mid ah 20 kiis oo la xiriira Al-shabaab oo gacanta ay ku heyso dawlada federaaliga ah ee Mareykanka gudaha Minnesota oo ah halka ay ugu badan yihiin Soomaalida Mareykanka kunool. 

Tan iyo sanadkii 2007, tobanaan Soomaali ah ayaa Minnesota ka tagay si ay Al-shabaab ugu biiraan gudaha Soomaaliya, halka qaar kalena lagu soo oogay dacwado ah inay kooxdaa fan gareynayeen. Jabhada Daacish ayaa dhawaan noqotay mawduuca argagixisonimada gaar ahaan dacwadaha la xiriira qorashada ama qaadashada dad u dagaalama ayadoo in ka badan toban rag ah ay ku biireen ama isku dayeen inay u aadaan Suuriya si ay ugu biiraan.

Muna waxay ayadu diirada saareysay inay lacag u uruuriso xubnaha Al-shabaab ee dhaawacma oo ayada iyo Aamina ayaa khadka uga wada hadlay hannaan ay lacag ugu uruurinaayaan Al-shabaab kadib markii ay haween ugu yeeraan inay qaataan casharo diini ah oo lacag la'aan ah oo internetka ku baxa.

Hargeysa Online

  

· ifraax on July 03 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>