Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay Somalia ka Caawinayso Dib u dhiska Ciidamada Millateriga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka taageerayso xukuumadda Somalia sidii dib loogu dhisi lahaa Awoodda ciidanka Millateriga si ay u Suuro-gasho inay sugaan Amaanka iyo degenaashaha dalkooda. Hadalkan ayuu RW Itoobiya ka sheegay Shir uu magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kula yeeshay RW Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku jooga Waddankaas. Sidoo kale Hailemariam ayaa xusay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay ka caawiso Somalia wixii ay u baahan yihiin oo ay awoodaan, si dalka iyo weliba ciidamada loogu sameeyo dib u dhis dhameystiran. “Inkastoo ciidamadeena qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM ee Somalia, ay ka shaqeeyeen sidii Ammaanka loo xoojin lahaa, haddana waxaa laga maar-maan ah in la dhiso ciidamada Somalia si ay amniga Waddankooda u xaqiijiyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray RW Itoobiya. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa ku ammaanay Itoobiya kaalinta ay kaga jiraan la dagaalanka Al-shabaab oo ah koox xiriir la leh Urur-weynaha Al-Qaacida. “Dowladda Itoobiya waxay gacan ka geysanaysaa sidii Somalia ay u xasili lahayd, waana mid aan ku ammanayno kaalintooda muuqata,” ayuu intaas ku daray RW Sharma’arke. Ugu dambeyntii, Itoobiya ayaa waxaa kaga sugan Somalia Ciidammo Tiradoodu Gaarayso 4,900 oo askari oo qayb ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee kula jira dagaalka xoogagga Al-shabaab. -

Hargeysa Online

  

 

· xaaji on July 07 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>