Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Feysal oo eedeyn u jeediyay Xisbiyada kale iyo Guddiga Doorashooyinka.

Faysal Cali Waraabe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaaladda Ceeri-gaabo, ayaa xisbiyadda kale ku eedeeyey inay bilaabeen olole aan sharcigu u banayn, isla markaana gudiga Doorashooyinka ayuu ku dhaliilay jileec aanay runta ku kala sheegi karin Hoggaamiyeyaasha xisbiyadana ay ku xad-gudbaan sharciga.

 

Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa guddida doorashooyinka usoo jeediyey inay wax ka qabtaan labada xisbi ee ololaha ka dhex-wada diiwaan-gelinta laga billaabayo Gobolka Sanaag, isla markaana soo jeediyey in la kala diro Guddida Anshaxa oo uu sheegay in ay ku fashilmeen Shaqadoodii.

"Waxaanu u nimid Magaalada Ceeri-gaabo in aanu Daah-furno Diiwaan-gelintii Gobolka Sanaag, saddexda xisbi iyo guddida doorashooyinka waanu kala saxeexay hab dhaqanka diiwaangelinta loo galayo, anaguna wax astaan xisbi ma sidano xiitaa Koofiyad ma sidano, waxaanu ixtiraamayna xeerka aanu kala saxeexanay, waanu ognahay in labaddii xisbi ee kale ay wadaan abaabul iyo olole ka dhex wadaan diiwaangelinta, la yaabi maayo waa niman ay waxani u cusub yihiin”ayuu yidhi Gudddoomiyaha xisbiga UCID Inj. Faysal Cali Waraabe oo eedeen u soo jeediyey labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE.

Sidoo kale, Faysal oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri.“Anigoo shan iyo toban sano ka hor ayaan Arrimahaan oo kale ku jiray oo fardo la igu soo dhoweyn jiray, marka arrintan xiiso uma qabo ee Guddiga Anshaxa ee la sameeyey waa in la ixtiraamaa, marka guddida doorashooyinka ee odhan kari wayday joojiya waxaan aad wadaan waa sharci daro, sidee bay inoogu garsoori karta maalinta codeyntana, waxa halkaasi ka muuqda jileec, marka ay maanta odhan kari waayeen gudoomiye hebelow waad khaldan tahay barri toole marka la is qabsado sideebay u kala saari karta, guddida anshaxana waa in la kala dira mar haddii aanay nidaamkii xeerkii ilaalinayn”

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa dhawr jeer oo hore sheegay in mar kasta oo goboladda ka bilaabmayso diiwaangelintu labada xisbi ee kale ka dhex bilaabaan olole hoose iyo Kaambayn siyaasadeed oo u muuqda in la gaadhay wakhtigii doorashadda, waxaanu sharci daro ku tilmaamay arrimaha noocaas oo kale ah oo hore looga digay, waxaanu Guddida doorashooyinka ku canaantay inay wax ka qabtaan ficilada ku kacayaan labadda xisbi ee kale ee ixtiraami waayey heshiishkii ay kala qorteen ee ahaa in aan diiwaagenlinta laga dhex bilaabin olole siyaasadeed.

Ugu dambeyntii, Labada xisbi ee Somaliland ayaa mar walba oo ay u baxayaan goboladda diiwaangelintu ka socoto u dhaqma qaab u eeg olole doorasho, kuwaasoo soo dhaweyn aad u balaaran loogu sameeyo degmooyinka ay marayaan mid walba taageerada ay ku leeyihiin kusoo ban-dhigayay, isagoo mid walba ka kale fariin u dira in degmaddan codkeeda aanay cidi la lahayn, haseyeeshee, dadweyanaha degmooyinkaasi ayaa si ilbaxnimo ku jirto xisbi walba usoo dhoweeya, iyagoo xisbina godob ka galin, haseyeeshee waxa ay kala cadaata maalinta doorashada xisbigii awooda ku lahaa degmooyin kaasi ay marayaan, maadaaama oo inta kale xisbi walba soo dhoweynayaa una tumayaan sacabka.

Hargeysa Online

 

 

· ifraax on July 16 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>