Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Mudanayaal waad ku mahadsantihiin ansixinta heshiiska D.P.World iyo Somaliland.

Tani waa nolol iyo horumar,guud ahaan geyiga somaliland,gaar ahaana gobolka Saaxil aad ayaan u soo dhawaynayaa una hanbalyaynayaa xubnaha golaha baarlamaanka jamhuuriyada somaliland mucaarad iyo muxaafadba ee uu maanta Eebe solansiiyey inay u codeeyaan jiritaanka ama ahaanshaha heshiiska D.P.World iyo xukuumada jamhuuriyada somaliland,waxaan leeyahay waad hiiliseen, waxaanad u hiiliseen dadka iyo dalka waxaa lagu jiray xaalad xidhxidhan oo hadii ay sii socoto guuldaro ku danbayn lahayd,waxaad u hiiliseen shacab iyo dal ay sheegato xukuumad taag daran oo ugu soo gabato midnimo gabalkjeedii dhacay kadib burburkii dowladii lagu midaysnaa ee 1991kii,laakiin dhismaysa maalinba maalinta ka danbaysana qaran u soo ekaanaysa taasoo hadii aan la helin heeshiisyo caalami oo aynu galno sida kan iyo kii sishalis iyo qaar kaleba ama aynaan abuuran dhaqaale aynu kaga kaaftoono midaw dhinacooda ah,ay fududahay inay daadxoortu xagooda ay inoo qaado,taasna waxaa inagu jajuubi kara baahi uu dadkeena qaarkii uu xagooda ula dalan doolo sida ay hadaba ay qaar ay ugu dooleen, dhaqaaluhu waa muhiim tanina waa talaabo xaga isku filaanshaha hore loogu qaaday,waa Illaahay mahadii,waase garawshiinyo garwaaqsigiinu abaalna way idiin tahay dhamaantiin ku maqnaa ,mid codeeyey iyo ku aan codaynba,taariikhduna baal dahaba ayay idinku qori doontaa,

                Laba jibaar iyo badh ayaad mudo dhaaf ku tihiin kuraasida golaha wakiilada ee aad fadhidaan, balse mudadaa caawa waxaan kaga gam'ayaa mashruucan hibitiqaya ee aad dadka iyo dalka aad u ansixiseen,waa qaranimo bilowgeed iyo qurux astaanteed,waa bilic camuumta qaranka ,waxaan caawa soo xusuustay weedhii qaaliga ahayd ee reer somaliland dalkeena nimcaa fadhida,allaylehe haduunbay nimco soo fadhiisan doontaa,waxaa camirmi doonta berbera waxayna noqon doontaa berisamaad siday ahayd,waxaa soo degi doona dad kala midab ah,kala sinji ah,kala diin ah,laakiin dhamaantood wada ganacsadayaal ah,dadka reer Berbera way ka sheegnaan doonaan dadka intiisa kale,ma noqon doonaan reer hebel,waxaasey noqon doonaan Berberaawiyiin, saasay ahaan jireen.
              waxaa ka abuurmi doonta shaqooyin nooc walba leh oo reer berbera iyo dadka kaleba kafayn doona,waxaa abuurmi doona fursado ganacsi iyo kuwa shaqaale intaba,aduunyadaa ina soo eegi doona inana xagoodaynu eegi doonaa, dhamaantooda waa libin ay tahay inaynu ku faro adaygno nimcadaa Illaahay kadinka inooga soo geshay, kuma sii dheeraanayo qoraalkaygan oo aan u bilaabay in aan ku muujiyo farxadayda maanta isaaqday kadib markii loo codeeyey mashruucaa aadka u qaaliga ah ee Berbera iyo inaan idhaahdo hanbalyo hanbalyo hanbalyo golaha qaranka ee wakiilada jamhuuriyada somaliland waad mahadsan tihiin kun iyo kow jeer,waxaanse leeyaha y alxamdu lilaah allaha idin solonsiiyey Eebow kharkeeda na sii sher hadii ay leedahayna naga hay,wixii wanaaga nagu kaalmee ,wixii shara ee ay wadatona naga deer,adigu na ilaali allow
                                           wa bilaahi towfiiq
                                qalinkii   maxamed yaasiin maxamed

· ifraax on August 13 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired