Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xukuumada oo Shaacisay inay u fidinayso cafis Siyaasiyiinta Somaliland ee Muqdisha jooga.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay maanta inay cafis u fidisayso Siyaasiyiinta Reer Somaliland ee rumeysnaa mabda'a Somali Weyn, isla markaana dhawaan Qaadacay Qodobbadii kasoo baxay Madasha Wada-tashiga Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa sheegay in Madaxweynaha SL uu sheegay in Cafis iyo Taakulayn Gaadiid oo lagaga soo Qaadayo Soomaaliya u fidinayo Siyaasiyiinta Somaliland ee Muqdisho joogay ee ka cabanayey in cadaalad daro lagu sameeyey. "Sidaad ka war haysaan 1963-kii - Dhallinyaro Reer Somaliland ah oo uu Hoggaaminayey - Allaha u naxariisto C/laahi Siciid Caabi ku dhintay sidii Somaliland xornimadeedda dib ula soo noqon lahayd, waxaad kaloo ka war-haysaan markii Xukunkii Maxamed Siyaad Barre Bur-burayey magaalooyinkii Somaliland la go’aansaday inay Somaliland Xorriyaddii dib ula soo noqoto, Dhib badan oo dhacday, dhimasho iyo dhaawac dhacday iyo wixii maal yaalay oo la burburiyey awgeed waxa suurogashay in lagu guulaysto riyaddii in Somaliland xor noqoto, wakhtigan aynu maanta joogno oo soomaalya wali sheeganayso inay Somaliland qayb ka tahay waxaa ilaahay ugu mahad naqaya walaalahayaga reer Somaliland ee ku sugan Soomaaliya ay maanta garteen in Soomaaliya waxba u oolin," ayuu yidhi Caddaani Waxaanu intaa ku daray. "Waxaan aduun weynaha u sheegayna, Somalia u sheegaynaa, siyaasiyiinta reer Somaliland ee Xamar joogana u sheegaynaa mustaqbalku wuxuu ku jira Somaliland, mar haddii ay fahmeen in aanay Muqdisho waxba u oolin waxa uu Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo wuxuu u fidinayaa cafis bilaa shuruud ah, waxa kaloo uu madaxweynuhu u fidinayaa in wixii gaadiid ah ee taakulayn ah ee ay ku soo bixi lahaayeen diyaar loola yahay haddii ay diyaarad tahay iyo haddii ay Gaadiid kale tahay". Arrintaan, ayaa ka dambeeyay kaddib markii Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Somaliland kasoo jeeda ay saluug weyn ka muujiyeen saami-qaybsiga kuraaasta Golaha Sare ee Baarlamaanka Somalia oo ay sheegeen inay cadaalad daro ka tirsanayaan qaabka loo qaybsaday kuraasta golahaasi sare. Dhinaca kale, Xukuumaddu waxay sheegtay inay soo dhoweynaysa wada hadalka u socda maamulka khaatumo ee uu hogaaminayo Cali KHaliif Galaydh, waxaanu yidhi "waxaan jeclahay inaan ka hadlo hadalo maalmahan dambe la iska dhex marayey oo ku saabsan Khaatumo, waanu soo dhoweynayaa hadaladda iyo wada hadalka xukuumadda iyo Khaatumo u socda, waxa kale oo aan la socod siinaynaa marka arrimaha khaatumo dhamaadaan ee la is af garto in shirweyne loo qabanayo beesha dhulbahante weyne oo hormood ka yihiiin garaadadda, isimidda beelaha dhulbahante weyne.

Hargeysa Online

  

· ifraax on August 13 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>