Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Sheekh Aadan siiro oo ku baaqay in Somaliland laga badbaadiyo kacdoono Siyaasadeed.

Hargeysa (Hargeysa Online)Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin kacdoono Siyaasi ah oo uu sheegay inay Dalka ka wadaan Koox uu tilmaamay inay Dan gaar ah leeyihiin.

 

 



Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay inuu Dalku waajahayo Duufaanno Isbeddel, kuwaasi oo uu kala mid ah yahay Isbeddellada kala duwan ee Geeska Afrika iyo Guud ahaan Caalamku gelayo.

Sheekhu wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in marka Muslimiintu galaan Marxalado la mid ah Marxaladda Somaliland mareyso ay Hoggaamiyeyaashoodu qaadan jireen Go’aamo ku dhisan Caqli iyo Garasho.

“Waxaynu galeynaa Duufaanno isbeddel oo ku xeeran Dalka, Geeska Afrika ee aynu ku nool nahay iyo Dunida oo dhan. Marka Xaaladda noocaas ahi jirto waxa Dad Muslim ah oo meel ku nooli u baahan yihiin Dad leh Go’aan, Geesinimo, Toosni iyo ururin ku dhisan Cilmi.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo is-barbar-dhigaya Hoggaamiyeyaashii Muslimiinta ee Wanaagsanaa iyo Hoggaamiyeyaasha Dalalka Muslimka ah ee Maanta, “Rasuulku (CSW) wixii uu qabanayo wuu sugi jiray. Sugnaansho iyo Daacadnimo waa tii uu ku aasaasay Nebigu Dawladdii Islaamka ee uu Hoggaamiyey. Taasina waata ka maqan Hoggaamiyeyaasha Muslimka ah ee taladoodu ku ururtay maxaa i soo gelaya intaan xukunka joogo, intaan joogo maxay Carruutaydu faa’ideysaa, maxay faa’idayaan kooxda ila yaqaanna waxaanu qabsanayno intaan Xukunka joogo. Laakiin Rasuulka (CSW) iyo Hoggaamiyeyaashii wanaagsanaa ee Asaxaabada ee uu sameeyay, waxay ahaayeen kuwa ka saara Dadka Marxaladda Maanta aynu mareyno oo kale. Marka Ummaddu wareerto, marka Hor iyo dib meel ay socoto garan waydo, marka Maslaxadda Qofku uu leeyahay ka hor-marto Afar Milyan iyo Badh Bani-aadam oo Alle ku abuuray bogcad barakaysan oo leh Khayraad badan, laakiin u baahan Hoggaan toosan oo Caqli iyo Xikmad ku wadaya, Laakiin Innaga (Somaliland) Ummad dhan Masiirkoodii ayaa habeen Madow Kooxi wax iska waydiinaysaa, iyadoo lagu salaynayo Maxaan qaadanayaa iyo Inteed i siinaysaa.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey oo khudbaddiisa sii wada, ayaa sheegay, “Ummadda wanaagsan ILAAHAY wuxuu siiyaa Hoggaamiye Cumar Binu Khadaab oo kale ah. Marxaladaha Adag Muslimiintu waxay lahaayeen Rag (Xalkeeda gaadha). Laakiin haddii Shanta Saladood kugu adkaadaan, Waxa Muslimiintana (Hantida) aad iska farsamaysato, xuquuqda Dadkana waydaarato maxay noqonaysaa Quwadda ku riixeysaa marka Marxalad adag timaaddo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu kula talinaynaa Culimada, Salaadiinta, Nabad-doonnada, Dhallinyarada Aqoonta leh, Hooyooyinka iyo Cid kasta oo Caqli iyo Garasho lagu tuhmayo, waxaanu leenahay waar Dalka ha loo gurmado oo ha laga badbaadiyo Kacdoonnada Siyaasiga ah ee inyar oo Dan lihi waddo. ILAAHAYOOW waanu u sheegnay oo waanu wada gaadhsiinay, waxaanu leenahay waar Dalka wanaag ha loogu gurmado, kuwaasi (Koox) way yaqaanaan halkay u socdaan iyo siday wax u dhigayaan.


Hargeysa Online

· ifraax on August 13 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>