Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne Siilaanyo oo isku Shaandheen Golihiisa Wasiirada iyo Barasaabyada.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay xilli dambe isku shaandheyn balaadhan ku sameeyey golaha wasiirada, badhasaabyadda qaarkood iyo masuuliyiin kale.

 

Isku shaandheyntan oo illaa xalay la hadal hayey, ayaa wakhti la kala seexday la soo saaray, waxaana masuuliyiinta cusub iyo kuwii xilalkii ay hayeen laga qaaday kala yihiin:

1. In Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane Cumar Shucayb Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu noqdo wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Mudane Cusub)

3. In Mudane, Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Mudane Cusub)

4. In Mudane, Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Mudane Cusub)

5. In Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

6. In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

7. In Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

8. In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

BEDEL:

9. In Mudane, Maxamed Mixiile Boqore, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

10. In Mudane, Maxamuud Jaamac Aadan Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel)

11. In Mudane, Cismaan Xasan Aw Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (bedel)

12. In Mudane, Maxamed Axmed Aadan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

13. In Mudane, Guuleed Maxamed Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane Cusub)

14. In Mudane, Yuusuf Axmed Faarax (Af-lahaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Mudane Cusub)

15. In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane Cusub)

Agaasimayaasha cusub iyo kuwii la bedelayna waxa kala yihiin:

1. In Mudane, Fu’aad Cabdi Salaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Maxamed Axmed Xasan (Jabarti), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Ambassador, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdi Shaqaabe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6. In Mudane, Xasan Nuur Abokor (Xasan Jebiye), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

HAY’ADAHA DAWLADA;

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 48aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka; Markuu Aqoonsaday: Baahida loo qabo Buuxinta jagada Garyaqaanka Guud ee Qaranka; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday;

1. In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda manta uu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Shariif Abokor X. Maxamed (Dhuux-yare), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Mudane, Sharmaarke Muxumed Geelle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. In Mudane, Cabdi Cabdillaahi Xasan Mataan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland

6. In Mudane, Abiib Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xog-hayaha Guud ee Guddida La Dagaalanka AIDS-ka (SOLNAC) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

TALIYEYAASHA CIIDAMADA KALA DUWAN QAAR KA MID AH;

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90-aad ee Dastuurka Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Qaranku u leeyihiin Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Taliyeyaasha Ciidamada, Ilaalada Xeebaha, Laanta Socdaalka, Ciidanka Qaranka, iyo Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka,

Wuxuu go’aansaday;

1. In Sarreeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Sarreeye Guuto, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Sarreeye Guuto, Maxamed Cisamaan Caalin (Dayib), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Laanta Socdaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore waxa u magacaabi jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, hada wixii ka dambeeya waxa soo magacaabaya Madaxweynaha)

4. In Sarreeye Guuto, Saleebaan Barre Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyeyaasha Gobolada Qaarka Mid ah:

1. In Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA QAAR KA MID AH;

1. In Mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Sharciga. (Hore Afhayeenka Madaxtooyada)

2. In Mudane, Maxamed Maxamuud Cali X. Jeeniyare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Bariga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Gudoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex)

3. In Mudane, Aadan Nugaal X. Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Maaliyadda iyo Miisaaniyadda.

MAGACAABIDA DANJIREYAAL CUSUB;

1. In Mudane, Cali Maxamed Warancadde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia.

2. In Mudane, Maxamed Ismaaciil Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Australia.

3. In Mudane Aadan Muuse Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika.

MAGACAABIDA AFHAYEENKA MADAXTOOYADA JSL;

In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Wasiirkii Ganacsiga iyo Maalgashiga).

Masuuliyiinta xilalka laga qaadayna waxay kala yihiin:

1. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), Wasiirkii Hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

2. Maxamed Rashiid Sh. Xasan, Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah.

3. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle), Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL

4. Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), Maareeyihii Hore ee Dekedda Berbera

5. Cumar Abokor Jaamac, Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee Dekedda Berbera

6. Maxamed Cabdi Bullaale, Agaasimihii Guud ee Hore ee Guddida Qandaraasyada Qaranka

7. Jaamac Maxamed Odowaa, Agaasimihii Guud ee Hore ee Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

 

Hargeysa Online

  
· xaaji on August 15 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>