Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Fahanka caqiidada “we & them” iyo saamaynteedaba..Q2aad

Aduunka sadexaad waxaa lagu qiimeeyaa oo ugu waawaynaa sadexdan qaybood waa siday ay wax u qiimeeyeene

Da’da iyo heerka nolosha biniaadanka( people have lower life expectancy)

Aqoonyarida dadka (people have less education)

Dhaqaalaha yar ee dadka (people have less money (income)

Aduunka sadexaad waxaa loo sii kala jajabiyaa dhawr qaybood iyadoo loo eegayo marxaladaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka jira .

Wadamadda xaaladaha xun xun ee siyaasadeed iyo xoriyatulka aanay ka jirin(without Political rights and civil liberties)

Wadammada dhaqaalahoodu hooseeyo (law Gross National Income)

Wadammada aanay horumarka biniaadanku ka jirin(No Human Development)

Wadammadda faqriga ah (Poverty)

Waddamadda aan xornimo ka jirin (Dictatorship Press Freedom)

   High (Developed)

  Medium (Developing)

  Low (Undeveloped)

  Data unavailable

1- wadamadda xaaladaha ugu xun ay ugu yeedhaan (Worst of the worst) ee xoriyatul qawlka iyo dilka, dhaca, kufsiga , dhaqaale xumida, caafimaad darada waa sida ay hadalka u dhigeene waxaa ka mid ah sidatan:-

Burma (Myanmar),

Cuba,

Libya,

Sudan,

Turkmenistan, and

Uzbekistan. ,

North Korea,

Somalia
iyo maamulo goboleedyada ay ka mid ka yihiin, Chechnya(Russian Federation)

Hadii aad google ku baadho warbixinnadan waad yaabaysaa waayo warbixintooda u badan buunbuunintu waxay caqliyada qofka galinaysaa khalkhal iyo niyad jab laakiin waxay iyaga u tahay hub ay ku dagaal galaan

Kooxahan iskugu yeedha aduunka koowaad waxay sababeen in ay biniaadanimada ku tuntaan sida

Adoonsiga casriga ah ee maanta :-

Wadamadda reer galbeedku waxay kasoo dhoofsadaan wadamadda faqiirka ah dad badan oo ay kaga shaqaystaan shirkadda kimikada saameeyaa sanadwalba waxay soo qaadaan dad dhan 200,000 ilaa 500,000 qof oo u badan dumar.

Waxaa dhawaan UK lagu qaaday kiiskii u horeeyay ee ka ganacsiga jidhka biniaadanka (Trafficing organs) waxaanay ahayd gabadh yar oo soomaaliyeed oo dhulkeeda lagasoo kaxeeyay ayaa kalyaha iyo jidhka qaybaheeda faaidada leh lagala baxay.

Aduunka sedaxaad waxaa laga dhigo goobaha wasakhda lagu daadiyo.

Wadanka Ghana waxay ka mid tahay meelaha wasakhda ugu badan oo ah qalabka electronics wadamadda Europe kusoo daadiyaan , waxay usoo direen iyagoo uga dhigayo deeqo iyo sadaqo wadamadda faqiirka ah

Warbixintani waxay iftiiminaysaa reer galbeedku inay si dad ban u baabiinayaan iyagoo aduunkana tusaya inay u gargaarayaan

Soo bixitaabkii Isbadalkii dhaqaale ee wadanka china oo ka mid ahaa wadamadda aduunka sedexaad :

Wadankan china wuxuu aduunka tusay isbadalo awoodihii dhaqaale ee abid la gaadho waxaana u sahlay nidaamkii shuuciga ah (One man ‘one party) waxay ka faaidaysteen tirada dadka reer china iyo aqoontii xirfadda oo kor loo qaaday oo ay ka mid ahaayeen qorshayaashii horumarineed ee dawlada china ka go’nayd .

Wuxuu waxsoo saarkoodu gaadhay 40% GDP waxaanay wax ka badashay noloshii faqiirka ah ilaa 500,000 kun oo qof ayaa ka baxay saboolnimadii , waxsoo saarka wadanka waxaa dibada loo dhoofiya ilaa 66%, qiimihii nolosha cuntooyinkii oo hoos u dhacay ilaa heer 51% markii waxsoo saarkii beeraha kor loo qaaday .

Waxay china ka mid yihiin awoodaha ugu waaweyn aduunka siyaasad,dhaqaale iyo military-ba waxaanay ku leedahay Gollaha amaanka ee UN codka diidmada ah ee (VITO power).

Waxaa sidoo kale ka mid ah dawladaha loogu yeedho Third world wadamadda ay ka mid ka yihiin

India,North korea ,Nigeria,south Africa , Masar, waxaanay u badan yihiin intooda badan kuwo kasoo kabanaya xaaladaha cakiran ee media-hu ku sheegto

Gunaanadka qoraalkaygu wuxuu u badnaa fahanka magacyadan xayndaabka lagu xardhay oo u baahan in laga hoos baxo oo dib gobonimo doonkii usoo curto lagana wada dharagsanaado waxa lagaa rabo in ay tahay sidii iilka laguu leekaysiin lahaa

Bal aynu wadaagno wado kasta oo keeni karta guul inoo horseeda horu socod iyo in gumaysiga iska dulqaadno aduunkana la tartan

Waxay aniga ila tahay in la helo waxna laga qabto sidan hoos ku qoran .

Awood dhalinyaro Xornimo doon ah (revolutionist) In dib wadanku u yeesho awood dhalinyaro wadan jacaylnimo leh oo abuura fikrado dhaqaale oo awood u yeela qarankan lana tartama awoodaha ka jira waana macquul in ay dhacdo arintani , waa in camalka muwaadinimada faral laga dhigo sharciguna haga umaddan si meesha looga saaro khilaafyada hoose ee bulshada

Siyaasad dagan oo inoo horseeda hogaamiye haboon (Reform of Political system and new leadership wave )  

Siyaasad cusub oo dhalisa hogaamin cusub oo xul ah oo wadajirka iyo wadinayad horseeda siyaasad dhaqaale oo La xidhiidha qaabka dawladu ay u wajahdo dhaqaalaha wadanka gaar ahaan siyaasada cashuuraha ,sharciyada shaqaalanimo, sharciyada deegaanka, ganacsiga iyo waxsoo saarka wadanka gudihiisa, iyo dhismaha guud ee qaranka

Dhaqaalaha (Economic) in nidaamka dawligii dhaqaalaha kor uqaadaa, salkana u dhigaa sixir bararka,In la helo xirfadaha waxsoo saar ee kor uqaada dhaqaalaha awooda dadkana la dardargaliyo si loo helo dhaqaalaha biniaadanku sameeyaan (human centered economy), marxalada dhaqaale ee qiimaha isbadalada lacagaha qalaad salka loo dhigaa si kor loogu qaado isticmaalka lacagaha wadanku leeyahay.

Arimaha bulshada ( Social factors ) waa in dhaqan bulshada la dhiso, kor loo qaado isdhexgalka iyo kor loo qaado mabaadiida shakhsi ee rabitaanada fog,akhlaaqiyaadka,wadaniyada , tababar cilmi sare leh, la helo system soo saari kara dad lagu kalsoon yahay oo dalkan hogaamiya ,lexojeclo badana u leh inay dalkooda xasiloonidiisa ilaashadaan , sidoo kale la horumariyo nidaam lagula jaanqaado isbadalada caalami ee yimaada .

Cilmiga Technology-ga (Technological factors) in la helo cilmiyada wax lagu baadho laguna horumariyo , isbadalada cilmi ee qaababkii shaqo ee la guuray , cilmiga dib u casriyaynta aqoonta waxtarka leh talaabooyinkani waxay xal unoqon karaan in bulshadu ku talaabsato horumar wanaagsan , waxsoosaarkuna kor u kaco.

Ilaahay ha ina waafajiyo

W/Q: Ahmedyasin sh cumar ahmed 

 

· ifraax on August 28 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>