Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Muqdisho oo maanta uusan Qaad kasoo dagin.

Magaalada Muqdisho ayaysan Maanta ka soo dajin wax jaad ah, balse deegaanno kale oo Somalia ka tirsan ayuu Qaad ka dagay; kaddib markii Dowladda Soomaaliya ay soo saartay amar ay ku joojisay diyaaradihii  keeni jiray Somalia.

Goobihii jaadka lagu gedi jiray Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu iibinayay qaar ka mid ah jaadkii xalay haray, waxaana ganacsatada iibiya iyo dadka cuna ay ka cabanayeen go’aanka Dowladda Federaalka Somalia ay ku joojisay Jaadka ama Qaadka.

Sidoo kale, Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayay diyaarad jaad sida ka dagtay, iyadoo Ganacsatada Qaadka ee Puntland ay sheegeen in ay sii wadayaan in Jaadka ay soo dajintiisa ay sii wadayaan.

“Maanta Magaalada Gaalkacyo waxaa kasoo dagtay diyaarad sida jaad fara badan, go’aanka ay soo saartay Xukuumadda Federaalkana waa uu ka horreeyay dalabka Jaadkan maanta soo gaaray Puntland. Xukuumadda Puntland - waxba nooma sheegin, waana wadanaynaa in aan keenista Jaadka dalka Kenya,” ayuu BBC u sheegay mid ka mid ah Ganacsatada Jaadka ee Puntland oo magaciisa ku soo gaabiyay Maxamed.


Dhanka kale, Haweeney ka mid ah dadka Muqdisho ee Jaadka ka ganacsada oo la hadashay BBC ayaa iyaduna sheegtay in Jaadka ay ka biilan jirtay Carruurteeda ayna ka xun tahay in la joojiyo, iyadoo xustay inaysan garanayn wax ay sameyso inta dib looga furayo keenista jaadka.

“Aniga iyo haween kale oo badan oo jaadka iibiya ayaa carruurtooda ka biilan jiray jaadka, maantana wax Qaad ah ma imaan, Runtiina waa dhibaato weyn na soo Wajahday,” ayay tiri haweeney ka mid ah kuwa Jaadka ka ganacsada.

Ugu dambeyntii, Dowladd Federaalka Somalia, ayaa shalay ku dhawaaqday inay hakinayso keenista Jaadka, iyadoo aan sheegin sababta rasmiga ah ee loo joojiyay, inkastoo aysan jirin hadal ay kasoo saartay Jaadka ka dagay maanta Qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Hargeysa Online

· abdi on September 07 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>