Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Ururka SOLJA oo la kulmay Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta.

Hargeisa(Hargeysa Online)SOLJA-Ururuka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta oo uu hor kalacayo Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxdiid Cadaani, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Marwo Shugri Xariir iyo Wasiiru dawlaha warfaafinta.



kulankan oo lagu qabtay Xarunta Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa waxa ay Ujeedadiisu ahayd sidii ay Masuuliyiinta Labada dhinac isaga Xog waraysan lahaayeen, Xaalada Guud ee Suxufiyiinta Somaliland iyo Wada Shaqanta labada dhinac.

Kulankan ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Waxaanu Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta uga Xog waramay Hawlaha kala duwan ee Ururka SOLJA u hayo Bahda Warbaahinta, gudoomiyuhu wuxuu si qoto dheer uga waramay tirade kiisaska ee uu Ururka SOLJA diiwaan galiyey mudadii ay xilka hayeen maamulka hada jooga iyo farqiga u dhexeeya marka la bar bar dhigo sanadihii hore, waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay inuu Ururka SOLJA tobabaray tiro badan oo Suxufiinta Somaliland ka mid ah kuwaasi oo ka kala tirsan suxufiyiinta ka hawl gala dhamaan Gobolada Dalka.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka waramay hawlaha Xafiisku qabtay waxaanu sheegay in la sameeyey Qorshaha Seddexda Sano ee soo socda lagu socodsiin doono Hawlaha Ururku qabto, iyo sidoo kale qorshe yaal kale oo ay ka mid yihiin Sanduuqa horumarinta, Diiwaan galinta Suxufiinta, qorshaha u doodida suxufiyiinta iyo qorsheyaal iyo waxqabadyo tiro badan oo uu Ururku qabtay.

Dhinaca kale waxa kalmado kooban Madashaasi ka jeediyey Suxufi Yoonis Cali Nuur oo ruug cadaa dhinac Saxaafada ah, la taliye-na u ah Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi galinta Somaliand waxaanu ka waramay qiimayno kala duwan oo dhinaca Saxaafadaa ah oo ay sameeyeen isaga iyo kooxo uu ka tirsanaa.

dscf8794Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Marwo Shugri Xariir ayaa ka warantay Doorka Wasaarada Warfaafintu ay ku leedahay Tayeynta iyo daryeelka Suxufiinta Somaliland, iyadoo sheegtay inay kaalin mugleh ka gaysan doonaan, waxa kale oo ay ugu baaqday Suxufiinta inay ka qayb taataan horumarka qaran Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland mud. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa sheegay inay si dhaw ula shaqayn doonaan Ururka Saxafiinta Somaliland ee SOLJA oo ay ka taageeri doonaan dhinaca kor u qaadista Aqoonta Saxaafadda, waxa kale oo uu Wasiirku Balan qaaday inay kaalin muhiima ka qaadan doonaan shirka Saxaafada ee maal maha soo socda uu qaban doono Ururka SOLJA

Hargeysa Online

 

· xaaji on October 09 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>