Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xaaraanta, Malla Xalaaleysan Karaa?

Xoolaha dawladda amma ummadda oo la dhacaa waxa ay aheyd wax
weligeedba soo jirey. Qiyaastii waxa ay aheyd 1964 kii markii ay soo
baxdey heesta tidhaa “Nin agoon ku xadey qalin, qaaxo kama fogaatee”.
Waxa heesta loo tirinayey dad markaa dawladda u shaqeynayey oo lagu
tuhmayey musuqmaasuq. Inkasta oo ay weligeed jirtey dhaca xoolaha
dawladdu, hadana waxa ay aheyd wax aad u yar oo dad aad u tiro yari
sameeyaan oo in la isku xanto mooyee ay adkeyd in la isku caddeeyaa.
Qofqofka wax xada ee ama guri ka dhista iyo wax la mida, magaca qof
kale ayuu ku qori jirey si aan loogu soo tilmaamsan oo aan loo xidhin.
Dadka wax dhacaa amma laaluushka qaataa aad ayey u tiro yaraayeen.
Umadda hantida dawladda lagu aaminaa intooda badani nadiif ayey ahaan
jireen.


Maanta, hantida ummadda sheekh iyo shariif iyo aqoonyahan iyo siyaasi
kii ay fursaddu soo martaa ma deynayo, dadka in aad u yar mooyee.
Siyaasiyiinta mushaharka wanaagsan qaata ee baaburta dawladda ee
quruxda badan la siiyey ee qaarkood guryaha waaweyn ee dawladda ku
jiraan, uuma cuntameyso nimcadaasi. Waxa intaaba ka badan waxa ay
rabaan iney dhacaan. Xataa kuwii marka ay dawladnimada dibedda ka
joogaan dhaliisha farta ku fiiqayey ee dawladda markaa joogta
eedeynayey, ayaa marka xil loo dhiibo ee ay dawladnimada lugta
geliyaan aan amman gelin wixii lagu aaminey. Aqoonyahan jaamacado ka
soo baxay oo ad fileyso in damiirku u diido amma ay aqoontu ka celiso
inu ku tagri falo hanti ummadda ka dhexeysaa, ayaaba ka mid ah kuwa u
horreeya ee wax dhacaya. Dad sujuuddu foodda madoobeysey oo aqoonta
Diinta Islaamka wax badan ka yaqaan ayaan dhaafeyn marka ay
fursaddaasi soo marto oo dhinacoodda wax ka boobaya. Ganacsato Ilaahey
siiyey nimco iyo xoolo ku filan ayaan hantidoodii ka ilaalineyn iney
ku dhex mulaaqanto xaaraan oo intaa amma dhul amma hanti dawladeed
raba iney si sharciga baal marsan ku helaan. Inageenan dawladnimada
dibedda ka jooga ayaa wax ka dilaalna xaaranta oo wax ka cuna inagga
oo wada og in waxa la cunaya yahay xooloo ka dhexeyaa ummadda. Uuma
jeedo inaaney jirin dad daacad ihi. Wey jiraan oo dawladda iyo
shicibka culimada iyo aqoonyahankaba wey ku jiraan. Balse dhaca oo
berigii hore yaraa ayaa iminka soo battey oo daacaddii hafiyey.

Markii dalka la soo galay magaalooyinka, gaar ahaan Hargeysa, guryuhu
wey wada dunsanaayeen, waxaaney kaliftey in dad badani galaan guryihii
dawladda, sida guryihii waaweynaa ee shacabka ku yaaley, qaar waxa ay
galeen iskuuladii, qaar ayaa dhakhtaradii galey, halka qaarna ay
galeen saldhigyadii bileyska. Dadka qaar kale waxa ay galeen guryo
dadkii lahaa ka qaxeen oo aaney soo noqon. Xilligii dib u dhiska
dalka, dadkii ku jirey hantida dawladda in badan waa laga saarey.
Balse dadka laga saarey waxa ay u badnaayeen kuwii masaakiinta ahaa
iyo kuwii itaalka darnaa. Dadkaasi waxa lagu qanciyey iney iskuulada
ka baxaan si caruurtooda wax loogu baro amma dhakhtarada ka baxaan si
bukaanka loogu daweeyo, waaney ka baxeen. Balse, dadka intii awood iyo
magac laheyd guryihii ay degeen midna kamuu bixin. Iska dhaaf guri uu
ka baxee, mid walbaa dhulkii gurigaa u qabsadey u dhawaa ayuu deyr
weyn ku sameystey. Markii danbe waxa bilaabantey in dhowrka guri ee ay
ku sii hadheen dad iska danyarta ah, inu qof wasiir ama madax aha amma
ganacsato ihi u yimaaddo oo uu yidhaa, kolley adiga waa lagaa
saarayaaye, qaddarkan lacagta ah qaado oo meel kale doono oo guriga ii
banee. Iska daa guriga dawladdu leedahay oo, xataa lacagtan uu qofka
siinayaa waxa ay u badantahay iney tahay lacag dawladeed. Sidaasi ayay
guryihii iyo dhulkii dawladdu laheyd ay gacanta uuga galeen intii
awoodda dawladnimo heysatey iyo intii ladneyd.


Badhtamihii sagaashankii ayaa buuq ka dhacay meeshii la odhan jirey
“State House” ka oo ah guri wey oo ingiriisku dhisey oo martida
dawladda la dejin jirey oo ku yaalla shacabka Hargeysa. Gurigaasi oo
dunsanaa, waxa degey dad masaakiin ah. Waxa meeshii ku kulmey laba
ciidan oo bileys ah oo u kala socda laba qadiyadood. Qolo waxa ay
doonayaan iney dadkan masaakiinta ah ka saaraan “State House” ka oo ay
leeyihiin waa guri dawladeede ka baxa. Kooxda kale ee askarta ihina
waxa ay difaacayaan dhul la jeexayo oo dawladdu soo siisey todobadii
odey ee guurtida u sareeyey oo mid walba loo jeexayo dhul weyn oo uu
guryo ka dhisto. Askartu waxa ay ka celineysa dad meesha ka qeylinaya
oo leh dhulkii dawladda ayaa la boobayaa. Halka askarta kalena ay
qoriga ku hayaan masaakiinta “State House” degen oo ay leeyihiin ka
baxa aqalka dawladda. Waxey ku tuseysaa in dawladnimadeenu ku
bilaabantey tallaabo qaldan oo miskiinka cadaadineysa, qofka ladanna u
hiilineysa.

Waxa jirey mashaariic badan oo ay maalgeliyeen hey’ado shisheeye, sida
Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa (UN-ta), NGO-yo, Bangiga Horumarinta
Afrika, Bangiga Horumarinta Islaamka iyo hey’adaha Carabtu maalgeliso.
Mashaariicdaa waxa ka mid ahaa dhismaha amma dayactirka iskuulada,
dhakhtarada, ceelasha biyaha, xafiisyo dawladeed, dhismaha
madarasadaha, mac’hadyo iyo masaajiddo. Mashaariicda ay hirgelisey
UN-ta iyo NGO-yadu sida ay u dhanyihiin marka la dhameeyo waxa lagu
wareejiyey dawladda. Masharricda uu hirgeliyey Bangiga Horumarinta
Afrika, qaarkood gacan shakhsi ayey ku danbeeyey. Waxa mucjiso ah in
mashariicda boqolaalka ah ee ay hirgeliyeen hey’adaha Carabta iyo
Hay’adaha Islaamku ay kuligood ku wareegeen gacan ashkhaas culimo
diimeed u badan in yar mooyaane. Boqolaal madarasdood oo lagu dhisey
caawimo ay bixyeen hey’addo Islaami ihi ayey qaateen dadkii
hey’adahaasi u soo dhiibeen oo ay u maamushaan sidii hanti ay iyagu
leeyihiin. Waa madarasado lahaanshahooda aaney u diiwaan gashaneyn
Wasaaradda Waxbarashada. Qaarkood markii danbe waabey ka bedeleen
madaraddii oo waxa ay ka dhigteen hanti kale oo ay iyagu leeyihiin.
Boqolaalka iyo boqolaalka madarasado iyo mac’hadyo ay hey’ado islaami
ihi dhiseen, wey yaryihiin ama maba jirto wax gacanta dawladda soo
galay. Waxa jira dad badan oo dhul lagu siiyey iney ka dhisayaan
mashaariic ummadda anfacda, balse markii danbe ee ay dhulkaa
hantiyeen, ay iskood u qaateen oo ay ka dhigteen hantidoodii.


Waxey aheyd qiyaastii sannad ka hor markii an arkey dad badan oo
iskugu yimid hudheel weyn oo Hargeysa ku yaala oo uu casuumad uugu
sameeyey siyaasi dawladda ka tirsanaa. Intaan casuumaddii la gelin
ayaa salaaddii la wada tukadey oo siyaasigii ayaa tukinaya.
Siyaasigaasi waxa uu casuumadda ku sameeyey kumanaan doolar. Dadkaa
tukanayaa wey wada ogyihiin in lacagtaa casuumadda lagu sameeyey aaney
aheyn dhididkii siyaasigaasigaasi oo ay xataa ka badantahay
mushaharkiisa uu qaato bisha. Sidaasooy tahay, casuumadda waa la wada
cuney salaadda dabadeed, ka bacdina xaqal jaad ayaa dheeraa. Waxan is
idhi tolow haddii dadkaa qadeynaya la yidhaa cuntaddii ad canteen waxa
idin ku soo qaldamey hilib doofaar oo meel kale loo wadey, tolow maxey
sameyn lahaayeen. Mid walbaa inta uu koob biyo ah oo milix leh cabbo
ayuu iska matajin lahaa! Oo xoolo umadeed oo ad cuneysaa miyey ka
dhacdaa hilib doofaar!


Maanta haddaad istaagto Dugsiga la yidhaa Sheekh Bashiir ee ku yaalla
magaalada Hargeysa oo ad u dhaqaado xaggaa iyo shacabka, dugsiga kuugu
soo xiga ee ad gaadhi kartaa waa Dugsiga Gacma Dheere. Haddii ad u
kacdo dhinaca woqooyiga, Dugsiga kuugu soo xiga ee ad gaadhi kartaa
waa Biyo dhacey, marka laga reebo madarasadda Sheekh Baraawe. Haddii
ad u kacdo dhinaca koonfurta, dugsiga kuugu sokeeya ee ad gaadhi
kartaa waa Dugsiga Axmed Gurey. Haddii sharicgeenu dhigayo in caruurta
iskuulada lagu qoro lix jirka, iskuuladiina ay isu jiraan 2 amma 3
kiiloomitir, sidee ayuu ilmaha yar ee 6 jirka amma 7 jirka ihi u
tegeyaa iskuul? Kii reerkoodu xoolo heystaan gaadiid ayay u
diyaarinayaan kii kale melena tegei maayo. Dhulkii dawladda ee intaa
an sheegey ku yaalley oo dhan waa la qaatey oo badankooda dawladdii
hore iyo tan joogta ayaa iibisey. Amma ha noqoto dawladda joogta amma
ha noqoto kuwii ka horeeyey ee, isku si ayay u xaraasheen. Dadka
dhulkaa la siiyey ee daaraha ka dhistey waxa ay isku qanciyaan in
sharci lagu siiyey maadamaa dawladdu warqad u saxeexdey. Balse, waxa
aaney ogeyn inaan xoolo ummad ka dhexeeya aaney xalaal u noqoneyn
haddii ay kugu soo gashey sifo qaloocda. Waxa kale oo an ka fikirey,
tolow marka ay xaraashaan 90%, maxey 10% dhulkaa u reebi waayeen si
wax dan guud ah loogu qabto.


Nin an saaxiib nahay oo iiga sheekeeyey wafdi wasiir wato oo uu raacey
ayuu ii sheegey in marka ay magaalo amma tuulo tagaanba uu wasiirkaasi
inta uu jeebka gacanta geliyo uu dad u dhiibayey lacag inta badan
aheyd $500. Wuxu yidhi wasiirku waxa uu sitaa rabdado lacag ah oo uu
faraqayaa dhowrkaa maalmood ee uu safarka ku jiro. Waa la ogyahay in
lacagtani tahey hanti umadeed, wasiirkuna dadka uu lacagta siinayo
kama saxeexanayo rasiidh hadhow lagula xisaabtamo. Balse gacanta
uunbuu jeebka gelinayaa oo uu u dhiibayaa isaga oo aan melena ku qoran
waxa uu bixiyey illeyn cidi kalama xisaabtameysee.


Maalin dhaweyd ayaa la i tusey dhisme la yidhi nin agaasime ah ayaa
leh. Xaasid ma ihi oo ma ihi qof hinaase ka hayo qof wax qabsanaya.
Balse waxa an la yaabey sida uu qof agaasime ah oo maalintii la
magacaabayey aan waxba heysan amma aan lagu ogeyni, uu fooq dheer uun
u taagayo. Waa su’aal u baahan in la isweydiiyo gaar ahaan marka qofku
yahay qof hanti ummadeed lagu aaminey. Meel kale ayaan ku arkey laba
fooq oo is barbar yaalla oo waaweyn oo uu leeyahay qof dawladda
mas’iiliyad sare ka hayey. Waa su’aal u baahan in la isweydiiyo sida
uu ku keeney. Siduu ku yeeshey? Ma bakhtiyaanasiib ayuu heley, mise
macdan ayuu dhulka ka faqey iley wax uu 4 sanadood oo uu xilka
dawladda hayey ku heli karo maahee? Tuhunku waxa uu ku odhanayaa,
dadkaasi waxa ay guryahaa ku dhisteen waa hanti umadeed, Ilaahey
ayaana og.


Musuqmaasaqa iyo boobku kuma koobna dawladda oo keli ah, balse waa wax
siyaasi kasta lafaha ka gashey in yar mooyee. Dadkii madaxda ka ahaa
dawladdii Riyaale ee iibiyey guryihii dawladda ayaa maanta ah madaxa
xisbiyada mucaaridka oo u soo miliqsanaya iney mar kale fursad tii la
midka aheyd soo marto. Dadkii asaaska u ahaa dhaca iyo boobka iyo ku
tagrifalka awoodda dawladda maanta joogta ayaa markii ay dawladda ka
baxeen galay xisbiyo mucaarid ah oo weliba lagu qadarinayaa oo la soo
dhaweynayaa. Taasi sawir side ah ayey ka bixineysaa Mucaaridka?
Xisbiga ay ku biireen kuwii boobka aabaha u ahaa waa xisbi sugaya
fursad uu wax ku boobo.

Dadka laba shey ayaa u diidi jirey iney xoolaha dadka ka dhaxeeya
dhacaan. Labadaa dabar waxa ay kala yihiin Diinta Islaamka oo si cad u
sheegtey in xaraantu reebbantahay iyo damiir iyo dhaqanka ummadda oo
kuu diidaya inad damacdo xoolaha qof kale leeyahay amma ummadda ka
dhexeeya. Sida ay u eegtahay, labaadaa arrin ee xakamaha u ahaa dadka
lagu aamino hantida ummadda, labaduba wey jabeen maanta. Halka berigii
hore ay yaraayeen dadka wax dhacaa oo farta lagu fiiqi jirey, maanta
waxa yar dadka aan wax dhicin oo farta la iskugu fiiqaa sidii oo ay
yihiin wax aan caadi aheyn. Soomaaliland inad xoolaha dadka ka
dhexeeya qaadataa waa wax aan u baahneyn inaad is qariso, waana wax
aan ku koobneyn dad gaar ah iyo gobolo gaar ah iyo dawlad gaar ah. Waa
wax qofkasta oo mas’uul looga dhigo hanti, uu ku tashado, in yar
mooyee. Qaarkood iney wax dhacaan ayey u badheedhaan, qaarna iyaga oo
aan u badheedhin marka hore ayuunbey is arakaan iyaga oo dhex
dabbaalanaya oo ay waxani caadi la tahay.

Berigii hore dadka wax dhaca waa la yaqaaney. Waxa kale oo la yaqaaney
dadka ku tasarufa hantida lagu aaminey. Kuwa wax dhacaa tuug maryo xun
ayay ahaayeen oo markey soo socdaan ayaa la sii garan jirey. Dadka
balwadda leh ee ama jaadka ama balwadda kale leh ayaa iyana lagu xaman
jirey iney lacagta dawladda ku takhri falaan. Iminka labadaasiba bikh.
Dad caadi ah oo qurux badan oo aan balwadii la yaqaaney laheyn ayaa
wax dhaca. Waa dad caadi ah oo qaar suudh xidhanyihiin, qaar qamiisyo
iyo macawiso xidhanyihiin, balse yeeshey balwad ah hanti jaceyl,
xalaal iyo xaaraan tuu doono haku helee.


Waa maxey sababta hantidii ummadda ku tagrifalkeeda loo xalaashanayaa?
Anigu garashadeyda waxa ii soo baxdey dhowrkan sababood:

- Iyada oo markii an dalka ku soo noqoney iyo intii ka danbeyseyba
la inagu mashquuliyey xumaantii ay sameysey dawladdii hore ee Siyaad
Barre (AHUN) oo la inooga dhigey iney shisheeye aheyd, sidaa darteedna
ay inaga indho tirtey xumaanta badan ee aynu dhexdeena ka wadno.


- Iyada oo aanu qofku ka baqeyn in dhibaato uuga timaaddo oo la
xidho amma la ganaaxo hadduu lunsado amma dhaco amma si sharciga baal
marsan u isticmaalo hanti ummadeed.


- Iyada oo hantida dadka ka dhexesa qaadashadeedu aaney bulshada
dhexdeeda kaba aheyn ceeb oo marmarka qaarkeedna loo arko raganimo.


- Dadka intii sharciga u heysey sida sharci dejinta iyo culimada iyo
aqoonyahankii hormoodka u ahaa bulshada oo aan si cad uuga hadal amma
xaqii uugu dhawaaqin sidii la rabey.


- Boobka hantida oo inta ay caadi iska noqdeen aanu qofkan wax
dhacayaa dareensaneynba in waxan uu sameynayaa qalad tahay oo ay
xaraan tahay.


- Odayaashii dhaqanka ee xalaal cunka lagu yaqaanney oo qaar badani
noqdeen dilaaliin cimaamado xidhan oo waxa ay u ordayaanba yihiin
hunguri.


- Dadkii la rabey iney xaqooda ilaashadaan oo dhagobarjoobey oo aan
kala garaneyn in xaq ka maqanyahay.
.
- Dawladnimaddii aheyd iney sharciga ilaalisaa waaba ta uugu horeysa
ee loo sii maro boobka iyadaana qofka u sahasha oo u adeegsata sidii
ay xukunka u sii heyn laheyd.

- Baqashadii aakhiro iyo cadaabta oo meeshaba ka baxey oo ku sii
hadhey uun masaakiinta iyo reer miyiga

Talo

1. Waa muhiim in dhaca amma musuqmaasuqa hantida ummadda ka dhexeysa
laga hadlo. Waa muhiim in masaajidadu wacdiga ku daraan in dadka
tukanaya kii ku soo weyseystey biyo aanu ku iibsan lacag aan sifo
xalaal ah ku soo gelin aaney salaadi u ansax aheyn. In haddii shaadhka
uu gashanyahay aanu sifo xalaal ah ku soo gelin inaan salaadi u jirin.
Inaan saanbuuse laga sameeyey daqiiq lagu soo iibiyey lacag umadeed
aanu afur xalaal ah u noqoneyn. Haddaan diinta macnawiyan loo dabaqin,
macnihii uu ka tegeyaa. Wacdigii wadaadadu waxa uu iminka u badanyahay
oo dhageysta masaakiin iyo bacadlayaal aan xaaranba arag oo afar
shilin quraxda u fadhiya maalin oo dhan oo kartoon ku tukada. Waa
muhiim in wacdiga halkaa kor looga qaado oo si cad farta loogu fiiqo
meelaha xumaantani ka jirto oo ah siyaasiyiinta.

2. Dhalinyarada iyo dadka kale ee aqoonyahanka ihi waa iney su’aalo
adag weydiiyaan xisbiyada ay taageersanyihiin oo ay cariyaan. Goobaha
doodaha iyo muxaadarooyinka siyaasiyiintu timaaddo waa in la weydiiya
waxa ay ka qabaan arinkaasi, iyo waxa uuga qorshe ah. Dawladda iyo
madaxdeeda waa in si adag loo weydiiyaa sababta ay u dhacdey in
iskuulka Sheekh Bashiir ee Hargeysa illa iskuula Gacmo Dheer dhulkii
dawladda ee u dhexeeyey ay u wada iibisey balse ay uuga reebi weydey
dhul yar oo amma iskuul laga dhiso amma garoon kubadeed. Haddeyse
taasi dhacdeyba, maxaa u qorsheysan. Sidoo kale waa muhiim in
xisbiyada mucaaridka la weydiiyo in haddii ay doorashada ku
guuleystaan ay hantida umadda ee dad qaatey amma iibsadey soo celin
doonaan. Waa in la weydiiyaa in qof lagu tuhmayo inu xoolo umadeed soo
dhacey ay u ogolyihiin inu ku soo biro xisbigooda. Haddii aanu xisbiga
mucaaradka ihi diyaar u aheyn in qaladaadka noocaas ah saxo, waxa laga
filaa waa wixii uu kii ka horeeyey sameeyey iyo wax ka daran.

Waxa badan ayaan u soo joogey dad xoolo umadeed qaatey amma gooni u
isticmaaley amma laaluush badan qaadan jirey. Intaa an soo arkayey,
weli maan arag qof ka aflaxey oo muuqda. Mid kastamba dhaca, joomitir
dhul booba, qaar cashuuraha badh qaata, wasiir xoolo badan dhacey,
qaar dekedda xoolo badani ka so galeen iyo qaar badan oo kale. Inta an
aqaanno ee xaraanta risiqa ka dhigatey weli maan arag cid ka aflaxdey
oo nolol wanaagsan iyo caruur aflaxda ka dhaqatey.

Alla Mahad leh

Mohamed Ali Bile

Aqoonta U Adeegta Nolosha

qorane.bile@gmail.com

 

· xaaji on October 09 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>