Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasiirada Ugu Musuqmaasuqa Badan ee Samsam oo Cadaystay Dagaal iyo Boobka Hantida Wasaarada.

Agaasimihii lagu magaaci jiray ina Naakhuude waxa uu ahaa nin qalafsan oo anaani ah kaas oo lagu yaqaan karti daro iyo nacasnimo. Waxa uu caadaystay in aanu waxba iskaga tirin wasiiradii hartiga ahaa sida Xuseen Axmed Cabdulle,Wasiir C/salaan, iyo Halyey Mujaahid Baashe Cali Jaamac isagoo aamin san in aanay waxba ka ahayn dalkan. Mujaahid Baashe Cali Jaamac waxa uu shaqadii ka joojiyey kadib marki uu yaqiinsaday inuu hanan kari waayey xilkii agaasimaha guud kana yaabay cabashooyinka badan ee shaqaalaha iyo haayadaha la shaqeeya wasaarada, kadib markuu mardiidooyin aad u farabadan iyo wax isdaba marin daban ku sameeyey wasaarada. Waxa uu lunsaday hanti badan oo ay ku jiraan riigag. Waxa kunsaday lacag aad u badan oo uu xitaa u holaday inuu iibsado riigag iyadoo shaqaalihii wasaaradu gaajoonayaan. Samsam Cabdi Aadan oo lagu yaqaano wasiirka ugu musuqmaasaqa iyo tuugada badan Somaliland waxay u xaydatay in xado miisaaniyadii wasaarada biyaha iyadoo marsanaysa inay tidhaahdo waxaan qodayaa ceelal aan waxba laga ogaysiin wasaarada biyaha. Samsam oo shaqadii wasaarada maaliyada la ildaran ayaa faraha la soo gashay maamulka wasaarada biyaha iyadoo dabada ka riixaysa agaasimihii guud ee shaqada laga joojay. Samsam oo hore u lunsatay hantida wasaarado badan waxay iminka doonaysaa inay lunsado hantidii wasaarada biyuhu ku maamuli lahayn ka hortaga abaaraha. 
Hadaba agaasimihii guud waxa uu ku socdaa inuu qaadan waayo shaqo joojinta wasiirka isagoo oo aan waxba iskaga tirin waayo waxa uu u arkaa nin harti ah oo awood lahayn. Waxa uu bilaabay inuu xado shaanbadii wasaaarada waxa uu magacaabay  agaasime maamulka oo suuqa u jooga. Shaqadii wasaaradana waxa uu ka wataa suuqa isagoo gurtay dhamaan faylashii yaalay wasaarada iyo arkeefada. Waxa uu sii wataa inuu saxeexo foojaradii wasaarada qaar. Dhinaca kale waxa shaqadii wasaarada dardar geliyey agaasimihii guud ee loo wada bogay Maxamed Faarax kaas oo ah nin aqoon yahan ah horene u ahaa mashiinka kala wada wasaarada xaga maamulka mashaariicda iyo biyo balaadhinta. Agaasimihii guud ee shaqada laga joojiyey waxa uu iska sii wataa shaqadii wasaarada isagoo ka lod haysta Wasiir samsam. Markii uu diidey Xisaabiyaha Qaranku inuu meel mariyo saxeexa agaasimihii shaqada laga joojiyey samsam iyo maxamuud xaashi waxay amar ku bixiyeen inuu sii daayo sexaaxa ninka la eryey. Xisaabiyihii qaranka iyo nidaamkii dawladeed ba waxay lu noqotay arin laga wada naxo waayo xisaabiyaha qaranku waxa uu sii daynayaa saxeexa agaasimha guud ee cusub. Waxa  layaab ku noqotay dhamaan shaqaaalihii dawlada inuu agaasimihii shaqada laga joojiyey hadana uu ku shaqeeyo si fawdo iyo tuugnimo ah isagoo ka dhacay wasaarada lacag. Hadaba waxa cadaatay inuu ina naakhuude baaba'sado dhamaan wasiirada harti isagoo ka lod haysta ina xaashi iyo samsam. Waxa cadaatay in Somaliland aanay ka jirin nidaam iyo kala danbayn wasiirada hartina aan waxba aanay ka ahayn Somaliland hadiiba agaamihii uu Baashe shaqada ka joojay maanta Samsam ay amartay inuu suuqa ku shaqeeyo, Maxamuud xaashina waxa uu amray inuu magaabo agaasime maamul isagoo xafiiska fadhiya agaasimihii maamulka ee saxda ahaa. Dadkoo dhami waxay is weydiinayaan dhaqan xumada iyo ixtiraam la'aanta agaasime shaqada laga joojay kula kici karo halyey Baashe Cali Jaamac hadii aanuu ka lod haystan wasiirada Isaaq sida Samsam iyo Maxamuud Xaashi. Tan iyo markii shaqada laga joojay agaasimihii hore ee wasaarada waxa lagu nastay agaasime Maxamed Faarax oo kala wada diray dhamaan xisaabaadkii xanibnaa ee wasaarada waxa uuna dhaqaajiyey maamulkii iyo kala danbayntii wasaarada halka halyey Baashe Cali Jaamacna Ku nastay. Waxa dib u soo noqday nidaamkii xidhiidhka haayadaha. Si kastaba ha ahaatee waxa waxa cadaatay inay samsam tahay wasiirka ugu musuqmaasaqa badan Somaliland. 


Shiikh Waliid Xaji CaliGebilay, Somaliland

· ifraax on November 28 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>