Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Warmurtiyed ay soo saareen qurbajoogta beesha Daauud Ismail ( Ciidagale)

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda  waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Annaga oo ah jaalliyadda qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) ee ku dhaqan dalka Ingiriiska,waxaanu ka biyo diidsannay habka ay ula dhaqmayso dawladda Somaliland iyo xisbiga ay ka soo jeeddo ee la magic baxay Kulmiye magacaas oo ay ahayd in ay ka run sheegto oo ay kulmiso shacabka reer Somaliland  ee qabaa,ilka ku abtirsada ee danta keliyina ka wada dhaxayso oo ay tahay in la helo maammul isku haya una xaqsoora.

Hab dhaqankaas waxaa ka mid ah;

Kala qaybin shacab dal wada leh oo walaalo ah oo ay kala dhex dhigtay kala fogayn aan dantooda iyo ta dalka midna jirin.

Dhaqaalaha dalka soo gala oo ay shacabku ka qatanyihiin lagana leexiyo dan yarta lagana haqab tiro kuwa aan u baahnayn sida Qabqablayaal xisbiga kulmiye ku soo biiray ama xisbiyada mucaaridka lega leexinaayo,ama qaar dawladda dhaliisheeda sheegay oo lagu aamusiinaayo iyo qaar hab qaraabo kiil ah wax lagu siiyo.

 

Xilalka dawladda

Dawladda waxaa lagu sameeyaa wax loogu magic daray isku shaandhayn dhawrkii biloodba mar, laakiin waxa jira xubno wasiirro ah oo aan marnaba isku shaandhayntu aanay taaban,halkaas waxaa laga arki karaa kuwa wax beddelaa  ee talada khaldan bixiyaa in ay kuwaas yihiin waanay badheedheen, qaadashada hantida ummaddu wada leeday way iska furantay mana arkaysid wasiir la beddeley oo laga xisaabiyey wixii ku baxay iyo meesha uu mariyey

Dawladda hoose

Waxay dayaceen masuuliyaddii ka saarrayd gaarahaan caasimadda dalka ee Hargaysa,shacabku intii dhaqaale haysatay way dhiseen dalka waxaanay qotomiyeen daaro dhaadheer oo qurxoon,dawladda hoosena cashuur ballaadhan ka qaadato,laakiin cashuurtaasi dalka dib uguma soo noqoto,waddooyinka caasimadduu waa wada boholo,gaadhiga saddex bilood lagu kaxaysto waa tuuris,waana sababta reer Somaliland aanay u eegin gaadhiga da,diisa ee ay u eegaan xilliga uu dalka soo galay

Maayerka magaalada Hargaysa wuxuu ballan qaaday uu dhisayo waddada wadnaha dalka ee gegida dayuuradaha u baxda,laakiin wuxuu haddana ku hanjabay haddii aanay xaaafadda ay waddaasi marto aanay dhismaha ka qayb qaadan in la joojin doono,waa yaab waddada ma xaafad ayaa leh mise dalka ayey ka dhaxaysaa?halkaas waxaa ku jira XASAD xasadkuna waa xaaraan.

Haddii waddadaas la dhammays tiro waxaa dayactir lagu samayn karaa biriishka ay waddadu marto ee sii dumaya.

Habdhaqankaasi

Wuxuu shacabka reer Somaliland ku keenay dhibaatooyin tiro badan waxaa ka mid ah.

Waxay waayeen cid u caddaalad u samaysa,waxay u kala fadhiisteen qabaa,il,waxaa batay dhibaatiinka dadka loogaysto,waxaa ku adkaatay nolosha aasaasiga ah dhinac walba,waxaa noloshoodii ka quustay dhallinta dalka u soo koraysay,waxaa ku batay in la xidho ciddii dawladda godadaloolooyinkeeda tilmaanta,taasina waxay keentay in ay shacabku ka baqdaan in ay baahidooda sheegtaan,waxaa iska soo xidhhay in ay caalamka aqoonsi ka helaan.

Waxaas oo dhibaatiiyin ah wuu moogganyahay xisbiga Kulmiye waxaase u wanaagsan in ay hoos u eegaan dalka iyo dadka ay masuuliyaddooda qaadeen

Talo soo jeedin

Masuul kasta oo dawladda xil ka haya arsaaqaddiisa waxaa u haya Alla inna wada abuurtay yaanu kuugu hanjabin addoon kula mid ah in uu arsaaqadda kaa xidhi doono,waxaad qadanaysaana ha ahaadaan xalaal, si aanad u galin naarta,hadalkaagu ha ahaado mid sadaqo kuu noqda.

Dawladda

Xisbigii udub wuxuu idinkula dardaarmay in aad shacabka reer Somaliland isku haysaan laakiin wuu idinka furfurmay dib isu saxa oo hab maammulkiinna wax ka beddel ku sameeya dalku waynaga dhexeeyaa.

Shacabka reer Somaliland

Innalaaha maca saabiriin u sabra xaaladda aad ku jirtaan, ilaashada nabadgeyadiinna waa ogtihiin dhibaatooyinka idinku xeeran,Nin kursi doonayaa yaanu kugu guurin oo ogow marka uu kursiga ku fadhisto kuma garan doono ee yaanu dalkaaga talaxumdiisi kaaga dumin,qaabillada reer Somaliland waa dad dal ka wada dhexeeyo ,isku dan ah basashii idinka kala furfurantay gacantiinna ku doorta xisbi mid cusub idinka dhex beera,cidkasta oo nabadgeyadiinna wax yeelaysa meel uga soo wada jeesta.

Golaha guurtida

Waa gabteen kaalintiinni waxaa la idiinka bartay xaalad kasta oo dhibaato abuuri karta in aad door wanaagsan ka qaadataan laakiin waa la idin tebay.

Maasha Allaah culimadu

Badankoodu doorkoodii way ka qaateen xaaladda kala guurka ah ee dalku galay waxaanu idin leenay jasakumallah kahyran

 

 

 

Guddoomiyaha jaalliyadda UK,

Beesha badhtamaha ,koonfurta

iyo bariga Hargaysa.

Ahna guddoomiyihii hore ee

ururka Gaaroodi

Deeq Cabdi Digale

· ifraax on January 10 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>