Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wafdi ka socda midowga Yurub oo la kulmay madaxweyne Siiraanyo.

Wafdi ka socoda ururka Midowga Yurub iyo shan safiir oo dalalka reer Yurub ah ayaa xukuumadda usoo jeediyey inay doorashadda wakhtigeed dhacdo. Weftigan ayaa kulan ay albaabaddu u xidhan yihiin la yeeshay madaxweynaha, waxaanay ku dirqiyeen inay doorashadda aanay dib uga dhicin wakhtigii loogu tallogalay, haseyeeshee xukuumadda ayaa sheegtay in abaarta baahsan ee jirta aanay suurogal ahayn inay doorasho dhacdo, waxaanay tilmaameen inay sababta dib udhaca ku keeni kara tahay abaartaasi, waxaanay ka codsadeen Midowga Yurub iyo safiirada la socda inay gacan ka gaystaan abaartaasi. Kulankaasi markii uu dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha dibadda Dr, Sacad Cali Shire iyo hogaamiyaha weftiga Midowga Yurub iyo wakiiladda ka socda shan dal oo kale.

Wasiirka arrimaha dibada Dr:Sacad Cali Shire ayaa sheegay in weftiga soo jeediyey in ay doorashaddu dib u dhicin, haseyeeshee xukuumadduna uga warbixisay xaaladda abaareed ee jirta iyo sababta keeni karta in dib u dhac ku yimaaddo doorashaddu tahay xaaladda adag ee abaareed ee wadanka ka jira. “Wafdiga waxa uu ahaa ururka Midowga Yurub iyo shan safiir oo kale oo ka socda dalalka Denmark, Holland, Air land, Faransiiska iyo Ingiriiska, waxaana hogaaminayey Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya”ayuu yidhi Sacad Cali Shire oo ka hadlayey weftigan. Wasiirka oo ujeedadda socdaalkan ka hadlaya waxa uu yidhi “ujeedadda socdaalkoodda wuxuu ahaa in xog waran laga siiyo xaaladda abaareed ee jirta iyo arrimaha doorashooyinka, waxaanay nagu dhiirigaliyeen in aanay doorashaddu dib uga dhicin wakhtigeeddii, waxaana u sheegnay in xaaladda abaareed keentay in dib loo dhigo, sida ugu dhakhsiyaha badana loo qaban doonno, waxaana ka codsanay inay kaalin weyn ka qaataan abaaraha ka jira dalka, wada hadalkaasi si wanaagsan ayuu u dhacaya waxaanay la kulmi doonaan guddida abaaraha iyo guddida doorashooyinka” Dhinaca kale, Safiirka dalka Denmark u fadhidda Kenya ayaa xukuumadda Somaliland uga digtay inay doorashadda madaxweynuhu dib uga dhaco wakhtigiii loogu tallogalay, taas oo ay sheegtay inay wiiqayso xidhiidhka ay beesha caalamka. “ugu horayn xaalada murugada leh ee abaaraha ee saamaysay shacabka Somaliland oo shirkan jaraa’id ka dib kulan qiimayn aanu dhagaysan doona warbixin xaalada abaaraha dalka ka jirta. Waxaana si wada jir ah uga qayb qaadanay gargaarka bina aadnimo, waxana u maleynayaa in aanu imika diyaar u nahay in aan idin la qabano doonna oo gurmad degdeg ah ka gaysan doonno”ayey tidhi safiirada Denmark oo ka hadlaysay xaaladda abaareed ee jirta. Mar ay ka hadlaysay doorashooyinka waxay tidhi “ Arrinta labaad aanu ka wada hadalnay oo ah arrimaha doorashooyinka anigu umaleyn maayo xidhiidhkeena saaxiibtinimo mudada dheer la lahayn Somaliland ka bilow wakhtiyadii khilaafka iyo xasilooni daradda ila hirgelinta habsami u socodki nidaamka dimoqradiyadeed ee maanta aad taagan tihiin inay lumin doono, hase yeeshe anago taageerayaashiina wadamada caalaamka waxaanu ka walaacsanahay dib u dhaca qabsoomida doorashooyinka ee aanu hore u aragnay sida baarlamaaanka iyo tan imika ugu dambayso ee doorashadda madaxtooyada. Waxaannu u xaqiijinay madaxweynaha iyo dowladiisuba in aanu jecelnahay inaan idin kala shaqayno oo aanu idinka taageerno sidii doorashadu u qabsoomi lahayd sida ugu dhakhsaha badan, waxan umaleynaya in ay muhiim tahay in Somaliland sii wado xushmada iyo qadarinta caalamku u hayo ee ah nidaamka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka ee ka hana qaaday Somaliland ee caalamku idinku tixgaliyo waxaana doonaynaa in laga midho dhaliyo oo la sii waddo hanaankaasi Doorashooyinka oo aanay dib uga dhicin wakhtigeeddii oo ay noqoto nidaam habsami usocodka siyaasadeed ka jira dalkan.” Ugu dambaynti, wakiilka ururka Midwoga Yurub ee Somalia Veronique Lorenzo ayaa iyaduna sheegtay in ay ka war hayaan xaalada abaaraha ka jira, iyaddoo sheegtay in isbedelka cimilada adduunka ka jira ay si wayn u saamaysey wadamada gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Somaliland.

Hargeysa Online

 

· ifraax on January 24 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired