Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Isxaydxaydka maad dhimi?

Maamulayaasha aan aqoon iyo karti hoggaamineed lahayni ma xammili karaan dad astaamahaa iya ba ka maqan ku qalabaysani in ay ka hoos shaqeeyaan. Aad waxa ay u door bidaan dad ka ay hawlgashanayaan in ay ahaadaan indhaw garato dheguhu awdan yihiin, indhahana habeeno iyo caad ka fuushanyahay.
Gorfaynta fashilka maamul xumadoodu sabataa uga ma duwana leebab mariidaysan oo bu’aha beerwaynaha laga ga liishaamayo. Taas ayaan sababta , cidkasta oo ay ka dareemaan ku baraarugsanaanta ceebahooda in ay faquuqaan, degaan-maamuleedkooda na ka durkiyaan. Iyaga oo ka wewersan turxaamahooda maamuleed in ay si uun u muujiyaan, ayaa ay hal abuurayaasha curinta og iyo indheergaratada dhul shishe wax ka bidhaamin kara ba si, ama si kale u bahdilaan, cadaadin iyo cabbudhinna u saaraan.‘Tuke nasiib uu caano ku helo wuu leeyahay, nasiib uu ku calfado se ma leh’  ayaa ay soomaalidu tidhaahdaaye, maamulaha jilicsanina – sida badan- nasiib uu cid dhalliisha oo tusaalaysa ku helo wuu leeyahay, nasiib uu ku guddoontose ma laha e, baqaha uu ka qabo in kursiga uu dhalada ka ga fadhiyo laga rido ayaa seejisa ka faa’iidaysiga aragtiyaha iibgalka ah ee kuwa dhalliishani u soo bandhigayaan.Dhanka kalena, shakhsiyaadkan baraarugsan ee haadaanta maamulkoodu ku sii siqayo ka yabaalsani sida badanka waa kuwo loo kuur gashanyahay, la maagsan yahay oo ulo booc ahna loogu tukubayo. Maamul waydlayaashu, si ay shakhsiyaadkan maamulkooda maagsan afka buuxsin uga saaraan; ugu horraynta ba waxa ay ku shirrabaan beerlaxawsi mansab iyo maaliyad dabada kula jira, kolka ay ku kari waayaanna sharafdil iyo milge xumayn ayaa ay uga gudbaan, ugu dambaynta in ay shirqoolaan ayaaba suurtawda.
Hadaba, maansayaraydan hoos, waxa ay isku deyaysaa in ay cabbirto dhibic ka mid ah habfekerka maamul bi’iyayaashaa. Maamule/taliye fulay ah  ayaa u dardaar werinaya mid wacyiqabe ah oo shaqaalihiisa ka mid ah. Waxana uu ku yidhi,
Xukunkaan hayaa baadXuuraamaysaayooXariifyohow dadaalkaniWaa xeelad kale iyoXil tiraad sida u dhigan.
Ku xumee inay tahayXuubba igama saarrooXilkan doonistiisaaXarakaadka keenayeIsxaydxaydka maad dhimi?
Mise xaajo godobliyoXujaan soo tidcaayo Dabinada aan kuu xidhoIntaan kugu xambaarooXeerar ku cuskadobaandabadeed ku xooraa?
Inta xumaha ruugteeXin laqooqayaasha ah,Ama xiisad kicinteedIsu xulufadaystiyoInta ani i xamateeSharaftayda xagatabaMaxay iskukiin xidhay?
XagaldaacyadaydiyoXumahayga fidintoodMa xannaano gaariyoXoolaad ku haysaa?Sida xerowga jiibiyaMaxaad ula xadraysaa?
Aan xaqiiq ku siiyooRunta kuu xarriiqo e,Ha xayirin naftaadooXabsi haysku tuurineXarafkaygan weelee
Xoolaad iga helaysaaXurmaan kuugu darayaaXariir iyo balaatiin* Ayaan kugu xidhxidhayaaDadkaan kaa xigsanayaaXiisaanad sharafeedAyaan kugu xawilayaa,Adna xiinka daayooXagaldaac ha faallaynCeebaha hasoo xiganXanaftana i baalmariHadalda xajiinta lehDibnahaaga uun xidho.

*Platinum : Curiye aad u qaaliya oo qurxinta loo adeegsado.

 

Khadar Faarax Siciid,Dalmartogdheer@gmail.com

· abdi on April 14 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>