Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dowladda Qatar oo soo dhaweysay wiilkii Soomaaliga ahaa ee laga soo masaafuriyay Imaaraadka.

Ardaygii ka qaybgalay tartanka Qur''aanka ee Dubai ee ay galaafatay siyaasadda khaliifka ee dib loo soo celiyey ayaa lagu soo dhoweeyey wadanka Qadar oo casuumad u fidisay wiilkaasi Soomaaliga ah ee quraanka laga joojiyey.


Ismaciil Cumar Madar oo ka qaybgalayey tartanka quraanka Kariimka ah ee sanad walba bisha Ramadaan lagu qabto Imaaraadka Carabta ayaa waxa sahatay qaraarkii Soomaaliya iska istaagtay khilaafkii soo kala dhexgallay Sucuudiga iyo Qadar, taas oo meel dhex dhexaad leh iska taagtay, waxaanay arrintaasi darteed dib loogu soo celiyey Ismaaciil Madar magaaladda Hargeysa maadaama oo uu sitay Paaspor Soomaaliya ah.

Safaaradda Soomaaliya ee Doha ayaa dawlada Qadar u gudbisay in wiilka Soomaaliga ah ee laga soo saaray tartanka quraanka ah ee uu ka qaybgalayey, waxaana dawladda Qadar dalbatay in wadankeedda yimaado si aanu ardaygaasi u niyad jabin.

Sheekh Cabdirashid sheikh Suufi oo ah wadaad caan ka ah dunidda islaamka,isla markaana ku jira culimadd kooban ee tajwiidka quraanka ku akhriyaa ee aad ka loo dhagaysto ayaa ku soo dhoweeyey masaajidkiisa ku yaala Doha ee Qadar.

Sheekh Cabdirashid Suufi oo marar badan guddidda tartanka quraanka caalamka ku jiray ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Madar marka uu qiyaaso uu kaalmaha hore gali lahaa balse siyaasad awgeed looga soo saaray.

Sheekh Suufi oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaan si gaar ah usoo dhoweynaynaa macalinka iyo ardaygiisa wadanka inoogu yimid, musaabiqaaddaa quraanka in arrin siyaasadeed la galiyo may ahayn, tartanka Dubia ka dhaca waa mid caalamka islaamka ku weyn oo khayriya, waana dhagaystay tartankiisii maadaama oo aanka mid ahaan jiray guddiyadda tartamadda quraanka waxaan ku qiyaasay in kaalinta kowaad ama labaad uun mid gali lahaa, marka wuu ka hooseynayaa maan islahayn waayo waan dhagaystay, waxaa mar kaliya maqlay uun ninkii waa la eryey oo wadanka laga saaray, waxaana sabab u ahayd xurgufta dadkan walaalaha dhexmartay darteed, waan la yaabay arrintaasi waayo maxa quraanka soo dhexgaliyey”

Waxaanu intaas ku daray “Waxaan u mahad celinayaa safaaradda soomaalida ee Doha in ay dawladda Qadar arrinkiisa u gudbiyaan  in inankan yar niyadda loo dhiso oo la soo dhoweeyo dambi aanu galin oo lagu qaaday.

Dawladda Qadar waan u mahad naqaynaa talaabadan ay arrintaasi ka qaaday.”

Sidoo kale, Ismaaciil Madar waxa soo dhoweeyey jaaliyada reer Doha ee Qadar oo talaaabada lagula kacay arrin fool xun ku tilmaamtay.

Wiilkan dhalinyaradda ah oo ku jira gabogabaddii tartanka quraanka ayaa maamulka Imaaraadku dib ugu soo celiyeen magaaladda Hargeysa maadaama oo Soomaaliya ay taageeri wayday go’aanka xulufadda uu Sucuudigu hogaaminayo.

 

Hargeysa Online

 

· abdi on June 29 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>