Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Ehelada dadkii lagu dilay Bariire oo diiday in ay meydadka Aasaan.

Ehelada dadkii dhawaan lagu dilay deegaan hoostaga degmada Bariire ayaa diiday in ay meydadka Aasaan, ilaa sida ay hadalka u dhigeen dowladda Soomaaliya ka qiraneyso in ay ka danbeysay dilka dadkan rayidka ah.


Tobanaan ruux ayaa la toogtay kaddib weerar ay wada jir uga fuliyeen degmada Bariire oo 50 km u jirta caasimada Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ah Jimcihii ina dhaafay.

Ali Nur oo ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in aan dadkan la aasi doonin ilaa dowladda ay ka qiraneyso lagana bixiyo Magdhaw.

‘’Sababta aan u diidnay in aan Aasno waa dowladda oo aan wali qirsaneyn in ay dilkan geystay ayuu yiri Ali Nuur oo la hadlay Reuters.

Waxaa uu sheegay in dowladda looga fadhiyo in ay qirato dilka dadkan rayidka ah kaddibna ka bixiso sida uu hadalka u dhigay Magdhaw.

Dadkan ayaa hadda xabaale ku-meel-gaar ah looga dhigay gadiidka qaboojiyayaasha halkaasoo meydkooda lagu hayo, madaama Eheladu ka biyo diideen in ay Aasaan.

Taliska Mareykanka ee  Africom ayaa sheegay in ay ku lug lahaayeen weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire, balse waxaa ay sheegeen in ay baarayaan warka ku saabsan in dad rayid ah la dilay.

Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya ayaa markii ugu horeysayba war ay soo saartay ku sheegtay in dadkan la dilay hubeysnaa, laakiin taliska militariga  ayaa markii danbe sheegay in dadka dhintay dhamaantood ahaayeen dad rayid ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa arintan u saartay guddi isugu jiray wasiiro iyo saraakiil ciidan oo loo qabtay in mudo shan cisho ah jawaab uga bixiyaan dhacdadii Bariire.

Hargeysa Online

 

· abdi on August 27 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>