Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyey Amarka Hakinta Baraha Bulshada ee Internetka Iyo Wakhtiguu Xidhnaan Doono.

Komishanka doorashooyinka ayaa shaaciyey hakinta wakhti kooban oo la xidhi doono baraha bulshada ee Internetka.


Komishanka ayaa sidan ku sheegay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xafiiskooda, iyaga  oo sidoo kale warbixin ka soo jeediyey dhamaadka ololaha doorashooyinka madaxtooyada Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka  C/qaadir Iimaan Warsame iyo Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse ayaa faahfaahin ka bixiyey Xidhitaanka baraha bulshada iyo dhamaadka ololaha.

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse oo ka hadlaya xidhitaanka baraha bulshada ayaa waxa uu yidhi   “Waxaanu go’aan ku gaadhnay amarna ku siinay shirkadaha in baraha bulshadu ku sheekaysato la xidho muddo, waana la hakinayaa ee gabi ahaanba lama xidhayo, waanu ku amarnay inay shirkaduhu go’aankaasi fuliyaan waanay nala qaateen, waxaananu isla garanay shirkadaha isgaadhsiinta in maalinta doorashada in maalinta doorashada marka ay codayntu dhamaato waxa la xidhayaa lixda makhribnimo, saacadaasi laga bilaabo oo ilaa inta lagu dhawaaqayo natiijada doorashadu waxa ay noqon doonaan baraha bulshadu kuwa ka xidhan Jamhuuriyadda Somaliland”.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey goobaha la xidhayo ee baraha bulshada waxaanu yidhi “Goobaha la xidhayo waxa ka mid ah ka loo yaqaano Facebook, Twitterka, Snapchatka, Flickerka, Instgramka, Whatsappka, Viberka, IMO, DEO, LinkedIN, Tango, Google Plus iyo Lamo, laakiin waxaanu rabnaa inaanu dadka reer Somaliland u sheegno in aanay haba yaraatee jiri doonin wax Internet ah oo laga xidhayo dalka”.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo isna faahfaahin ka bixiyey dhamaadka ololaha iyo wixii ka dambeeya nidaamyada loo baahan yahay ayaa waxa uu yidhi  “Maanta (Shalay)  oo Jimce ah oo 10 November ah, waxa inoo soo gabo gaboobay oo aynu soo xidhaynaa 6 Galabnimo Ololeyaashii loogu banbaxayey dalka oo dhan ee xisbi kastaa maalin lahaa ee xisbi kastaana tijaabinayey ama isku dayey inuu ku hanto quluubta shacabka Somaliland waa soo dhamaatay, xisbi kastaa maalinbuu lahaa talantaaliya, xisbi kastaana waxa uu lahaa todoba cisho, waxaan filayaa xisbiyadu inay ka dhargeen oo maanta bas taagan yihiin in laga joojiyo, waanu ugu talo galnay wakhtigu wuu idinku filnaa ka qaadate intii aad ka buuxsan karayseen, waxaanu halkan amar ku faraynaa lixda galabnimo laga bilaabo inaan loo ogolaanayn inuu xisbina banaanbax sameeyo inuu xisbina isaga oo koox koox ah dibada u soo baxo in xisbina 21 cisho ee la soo dhaafay wixii aynu samaynayna sameeyo looma ogola, Ciidanka qarankana waxaanu halkan ka faraynaa in xisbiga ku kaca gacan bira ku qabtaan.

 

Hargeysa Online

 

· ifraax on November 11 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>