Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Abwaan Afgudhiye oo xalay ku geeriyooday Caasimada Hargeysa

Alla ha u naxariistee waxa xalay magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Axmed Siciid Diiriye Afgudhiye oo ahaa abwaan caan ka ah geyiga Soomaaliddu degto.


Abwaan Afgudhiye wuxuu ahaa gabyaa, majaajiliste iyo hal abuur heeso badan sameeyey, waxaanu koritanka fankiisa soo maray Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu heesaha badan ku sameeyey magaaladda Jabuuti.

Mudooyinkii u dambeeyey waxa uu ku noola Somaliland, gaar ahaan magaaladda Boorama waxaanu muddo u jiifay xanuunka Faalluga oo dhinaca Bidix ka haleelay.

Inkastoo mudooyinkii u dambeeyey ku xanuunsayey magaaladda Boorama, haseyeeshee arrimo caafimaad oo loo keenay Hargeysa ayuu xalay ku geeriyooday.

Abwan Axmed Siciid Diiriye Af gudhiye waxa uu heesihii u badan u dhiibay fanaaniinta reer Jabuuti, waxaana ka mid ahaa heesihiisa caanka ah heesta caanka baxday ee loo yaqaan waa Rag ee ay wada qaadaan fanaan Xasan Waddo iyo fanaanadda reer Jabuuti ee Mako waxaana midheedda ka mid ah “ waxa Cadar la iskugu shubaa waa rag, waxa raanta loo feedhaya waa rag.” Waxaanay inantuna ugu jawaabaysa “ waxa dunida hoogaasi ku riday waa Rag, waxa rogaya ee reeraha burburinayaa waa rag, waxa raranka nala doonaya waa rag..,

Sidoo kale, waxa ka mid ah heesihiisii u dambeeyey oo waliba wakhti uu xanuunsanayey ka soo maaxay maskaxdiisa hees uu u dhiibay fanaanka caanka ah ee Maxamed Siciid Bk, Waxaana heestaasi la yidhaahda “ jacayl Tallo yari ku beermay taariikh xumadda iga raacday sooyaalka ha igu taalloo, Tallaabo aan degdeg u qaaday, sidaan ugu turanturooday tusaale ha igu filnaatoo”.

Dhinaca qosolka iyo weedho qaab xigmadaysan uu u sameeyeyna waxa ka mid ah “Duni madhan oo nabad ka madhan, dad madhan dadnimo ka madhan, qurux madhan dhalan ka madhan, xeer madhan fulin ka madhan, Garsoor madhan cadaalad ka madhan, Rag madhan masuuliyad ka madhan, Dumar madhan xishood ka madhan, Macalin madhan cilmi ka madhan, Arday madhan Barasho ka madhan, Caruur madhan asluubka madhan, Hurdo madhan raaxo ka madhan, Dawlad madhan awood ka madhan, Mucaarad madhan ujeedo ka madhan, Muxaafad madhan wadaniyad ka madhan, Janan madhan awood ka madhan, Askari madhan tobabar ka madhan, Qori madhan rasaas ka madhan, Hadal madhan run ka madhan, Maskax madhan caqli ka madhan, Salaad madhan cushuuq ka madhan, Qalbi madhan iimaan ka madhan, Madhnaantaasi ruuxay u muuqatee isagu aanu madhnayn muxuu yeelaya.”

Alla ha u naxariistee Abwaan Afgudhiye wuxu lahaa suugaan aad u faro badan oo inta badan ku dhisan aqoon iyo cilmo, waxaanay ahayd suugaan raadaysa qalbiyada iyo maskaxda dadka, waxaanay suugaantiisu ahayd mid xigmad badan ku fadhida oo la miisaan ah suugaanyahanadii hore ee foolaadka Soomaalidda.

Sidoo kale Suugaantiisu waxay iskugu jireen jacayl, wadaniyad iyo waanooyin ama tusaalooyin dhacdooyin la soo maray, taas oo wax badan laga faa’iidaysanayey xigmadaha ku jira.

Waxaana tacsi u direyna ehelkiisa iyo qoyskiisa iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay, waxaana ilaahay u baryeynaa inuu janaddii fardawsa ka waraabiyo.

 

· abdi on January 28 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>