Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Golaha Wasiiradda Somaliland oo ansixiyey miisaaniyad sanadeedka 2018ka.

Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta ansixiyey odoroska miisaaniyad sanadeedka 2018-ka oo lagu sheegay inay dhan tahay 1687000,000,000 (Hal trillion, lix Boqol iyo Siddeetan iyo Toddoba Bilyan), SL shilling oo u dhiganta $ 2,81,166,667 dollar (Laba boqol iyo Kow iyo Sedeetan Malyuun oo Dollar).


Miisaanadan ayaa lagu sheegay inay tii hore ka badan tahay 9%(Boqolkiiba Sagaal, waxaana loo soo gudbin doona golaha Wakiiladda oo iyaguna dood ka yeelan doona miisaaniyadda.


Kalfadhigan maanta waxa shirgudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana cod gacan taag ah loogu ansixiyey odoroska miisaaniyadda.

Odoroska miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2018-ka oo cadadkeedu dhan yahay 1687000,000,000 (Hal trillion, lix Boqol iyo Siddeetan iyo Toddoba Bilyan), SL shilling, ayaa xambaarsan korodh dhan 9%(Boqolkiiba Sagaal) marka loo eego middii ka horraysay ee 2017-kii, waxaana 34.5% (Boqolkiiba Afar iyo Soddon iyo badh) kamid ah miisaaniyaddan loo qoondeeyey mashaariic horumarineed, iyada oo Ciidamada qalabka sida iyo macallimiinta mushaharkooda kor loo qaaday, isla markaana la kordhiyey raashinka maxaabiista jeelasha dalka ku jira.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlayey ansixinta miisaaniyada waxa uu yidhi “Dooddaas aynu yeelanay wax badan baynu ku kala duwanaan karnaa, waxaynuse isugu soo ururnay, iyada oo dhoofkii xooluhu inaga xidhan yahay oo duruufo adag lagu jiro oo meelo badan oo kale abaaro iyo dhibaatooyin kale ka jiraan in wasiir waliba sidaas uu wax u tabanayo ay haddana noqotay lagama maarmaan inaynu sidaas ku hawlgalno oo aynu dhexda xidhanno.”

Waxaanu intaas ku daray “Waxa ugu weyn ee dawladda lagu canaantaa waa dawladdu ha samayso gunti-giijin(Tashiil) oo ha yareeyeen kharashka ay bixinayaan, halka aynu ka duulnayna waa halkaas, waanad ku mahadsan tihiin in wasaarad walba iyada oo gunti-giijis adag loo sameeyey inaynu hadanna maanta sidaas isla garanay, waayo waa inaynu ku dhaqannaa waxa runta ah ee ina horyaalla,”

Kaddib markii ay xubnaha golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2018-ka oo ah middii 26-aad ee qarankani yeesho, waxa faahfaahin kooban oo miisaaniyadda ku saabsan warbaahinta siiyey, Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxaana uu mid mid u dul istaagay meelaha ay sida gaarka ah diirrada u saarayso, waxaana uu yidhi, “Waa markii ugu horraysay ee cadad intaas le’eg loo qoondeeyo mashaariicda horumarinta, miisaaniyaddani waxa ay diiradda saaraysaa adeegga aas-aasiga ah ee Bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada iyo Biyaha, iyada oo ku salaysan wax soo saarka Beeraha iyo Kalluumaysiga, sida oo kale waxa saami looga qoondeeyey sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Somaliland iyo u diyaar-garowga Aafada Abaarta ee dalkeena kusoo noqnoqday.”


Miisaaniyaddan ay golaha wasiirradu maanta ansixiyeen oo aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona, waxa loo gudbiyey golaha wakiillada Somaliland, kuwaas oo waajibkooda ka gudan doona.

Miisaanadan ayaa muddo dhaaftay, waxaana yaraaday dhaqdhaqaaqii wasaaradaha iyo suuqa, waxaana loo gudbin doona golaha Wakiiladda oo ka doodi doonna.

 

Hargeysa Online

· abdi on March 27 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>