Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Warsaxaafadeed una. Saabsan geesinnimadii uu ku kacay Cabdiraxman Ciro ayaa looga baahanyahay madaxwayne Muuse Bixi Cabdi in uu sameeyo.

Bismillaahi Arramanirraxeem. 

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh


Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna. Saabsan geesinnimadii uu ku kacay Cabdiraxman Ciro ayaa looga baahanyahay madaxwayne Muuse Bixi Cabdi in uu sameeyo

Waagi beryaaba waaya leh adduunka aynu ku noolahay waxwaliba way dhaceen waani dhici karaan

Sida aynu la wada soconno dalka jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland ee ilaahay mooyaane aanay cidi dan ka lahayn.

Waxaa ka qabsommay doorasho dhiig ku daatay bishii kaw iyo tobnaad saddex iyo tobankeedii ee sannadkii tagay dhiiggaasina muu daateen haddii ay jirto halhayska ah dorasho xor iyo xalaal ah bulshada reer Somaliland %80 waxay taageero laxaad leh u fidiyeen xusbiga Waddani annagu ka odayaal ahaan xusbina ma taageerro waxase bud dhig noo ah dhulka iyo qarannimada iyo wada jirka shacabka walaaha ee reer Somaliland madaxwane xilkiisu waa muddo kooban oo shan sannadood ah laakiin dhulku waa goobta aan guurayn ee aan dhammadka lahayn.

 

Haddaba xusbiyadu way noo simanyihiin xusbiga waddani waxaa taggero fidiyey bulshadii  u badnayd  %80 waxaa ka horyimi ku khuyamo qaran doorasho xubigaasi ka waxay go,aansadeen masuuliinti horkacaysay  in ay badbaadiyaan waddanka iyo jiritaankiisa arrintaas cidka kasta oo dalka mustaqabbal kalahayd oo markii hore wadanaha farta ku haysay go,aankaas uu qaatay xusbigaas aynu soo sheegnay waxay noqotay dhinbiil dab ahayd oo laga booday cadadawga ku xeeran ee Somaliland may jeclayasan go,aankaas uu qaatay Xubiga waddani

 waxanay uga tageen xusbiga kale ee kulmiye %20 bulshada reer Somaliland tageerada u muujiyey.

Marka uu xusbiga waddani haysto bulshada %80

Xusbiga kulmiyana haysto bulshada %20 xusbigani marka caqliga wanaagsan aynu ka faa,iidaysanno xusbgani ma soo  jiidan karo %80 laakiin xusbiga waddani wuu u gacan haadin karaa %20 bulshada inta ka dhiman waxaa laga yaaba in lays yidhaahda si kastaba haw dhacdee bulshada dhan ee reer  Somaliland waxaa kaadhka doorahsda ka qaatay 700,000 iyo wax la jira taasina waxay ku timi niyadjab ay ka qabeen dawladda hore ee isla kulmiye ahayd

Haddaba maxaa xal noqon kara waxaanu talo ku soo jeedin lahayn in bulshada la qiimeeyo xusbiga waddanina talada dalka loo daayo xusbiga kulmiyena sidii uu xusbiga waddani uga fikiray badbaada dalka xusbiga kulmiye uga tashado badbaadada dalka haddii kale dalku kuma sii jiri karo dhibaatada uu hadda ku jiro.

U fiirso waxkasta oo aan xalaal ku iman waxaa laga diidaya xagga Allaha ay nafaheennu gacantiisa jiraan marka hore wixii aanu ilaahy raalli ka ahayn Allah ayaa mala,gtiisa ku amrraya oo odhanayaa waan diiday ee idinku haddad maali,gta tihiin diida malaa,igtuna addoomaha uu ilaahy abuurta oo innaga ah ayey odhanayaa arrintaas ilaahy raalli kama aha dabeed ibna aadamka ayey ku amrayaan in ay iyaguna diidaan oo aanay raalli ka noqon mar haddii Allah aanu raalli ka hayan.

 Markaas  kursi bulshada inteeda badan aanay raalli ka ahayn ku fadhigiisu qiima ma laha  ku fadhigiisuna waxtar dalka u yeelan maayo

 Aan   qodobbaynno dhibaatooyinka la soo kulmay intii dalka doorshada lagu muransanayey ka qabsoontay.

  1. Reer xamarka oo dacwad u gudbiyey golaha ammaanka ee aqoonsiga dalku ka doonaayey
  2. DP WORLD muran ka joogo
  3. Biyihii xumbayne oo wasiirkii biyaha loo magacaabay sheegay in ay fashilmeen bulshadii sannaddaha badan ka dhursugaysayna oo kacasan liqina karay wayday rajo laa,aanta wasiirka loo magacaabay ku tiraabay.
  4. Wasiirka kale ee wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka loo magacaabay oo isna haween waynaha reer Somaliland wax milgaha iyo sharafta dumarka aan ku habboonayn kula kacay kuna adkaysanyaa ogow fidnada dumarka ka kacdaa ma dhammmaato.
  5. Gobolada intooda badan oo xaqdarro tirsanyaa waana  %80
  6. Sicir dalka oo sal dhigi la,
  7. Mustafe martin oo dawlad kale ku dhawaaqay

Arrimahaas is huwan waxay ka yimaaddeen waa wax aan ilaahay raalli ka hayn

Markaas waxaa loo baahanyahay wax ka qabasho muuqata iyo isbeddel ku dhac leh taas uu u wanaagsan caafimaadka madaxwnaha hadda mudane Muuse Biixi Cabdi

Waxay noogu muuqta badbaada dalku.

  1. In la tix geliyo rabitaanka bulshada.
  2. In ay golaha guurtda Somaliland  ka qayb qaataan jirtaanka jamhuuriyadda madaxa bannaan ee Somaliland.
  3. In ay taageerayaasha xusbiga kulmiye ka qayb qaataan midaynta iyo jirtaanka dalka kana fikiraan jirtaanka dalka .walaahoodna farxadkula noolaadaan.
  4.  
  5. In ay u diyaar noqdaan taageerayaasha xusbiga waddani ururinta bulshada walaaha ah .
  6. In ay culimadu ka qayb qaataan wacyigelinta isbeddelka.
  7. In ay ciidamada qaranku difaaca dalka siday heeganka ugu yihiin labanlaabaan.
  8. In haydaha nabadelyadu ka ilaaliyaan wixii bulshada dhibaya.
  9. Iyo in la helo dawlad danyarta hoos u eegta kuwaas oo dalka ku dhibaataysan cid walibana illawday.
  10. In la gubo buugga bulshada kicinta u horseeday.
  11. In degmooyinka biyo la,aanta weheshaday sida degmada Axmed dhagax ,degmada gacanlibaax iyo degamada Maxamud haybe.

In aan Sharaf laga doonin dulmi iyo isku dul noolaansho

Lama joogo xilligii dulmigu shaqay jiray adduunku wuxuu ku wada fadhiyaa ardaa kelya daalimigana hoog ayaa u dambayn.

Dalka jamhuuriyadda Somaliland ha noolaado cadawgiisna waxaanu ilaahy ka baryeyna in uu jabo

Deeq Cabdi Digale


· ifraax on April 04 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired