Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dawlada Somaliland oo dhul-beereed u qoondaysay Wax soosaarka Dalka.

Dawladda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay Taariikhda Casriga ah Dhul-beereedka Banka Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley ku Daah-furtay 1500 Higtar oo Qodaal ah, halkaasi oo laga Qodayo Midho kala duwan, si kor loogu qaado wax soo-saarka Qaranka isla-markaana Mustaqbalka Somaliland isku filaansho uga gaadho dhinaca Cuntada, loogana Maarmo cuntooyinka Dalka dibeddiisa laga soo dhoofiyo.

Qodaalka 1500 higtar oo bilow u ah Saddex Goobood oo ay ka mid yihiin Deegaanka Beer ee Gobolka Togdheer iyo deegaanka Xaaxi ee Gobolka Daad-madheedh oo laga qodayo min 1500 higtar, ayaa waxa Saaka waxa Daah-furay Madaxweyne ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)) oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed

Muumin Seed oo Wasaaraddiisu Mashruucan hormood u tahay.


Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka waramay muhiimada wax soo saarku leeyahay, waxaanu yidhi “Waxay muujinaysaa in wixii aynu qabsan karno aynu dadka tusno, tana maanta waxa ay kaw ka tahay hawshaasi mashruuca weyn ee Wajaale aynu ka qabanayno ee ay Ciidamadu mudada Nusqanirga ah Gacanta ku soo hayeen ee dhana ay Wax soo saarka uga faa’iidaynayeen dhana ay dadka iyo dalka u ilaalinayeen”.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo madashaasi ka hadlay ayaa ka warbxiyey dedaalkooda sidii ay bulshada ugu jihayn lahaayeen dhanka wax soo saarka, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Halkan aynu maanta taaganahay ee Wajaale, waxa ay kaw ka tahay wax soo saarkii dhanka beeraha ee ay balan qaaday xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ee aad Madaxweyne ku xigeenka ka tahay (Saylici), maanta talaabada aynu qaadaynaa waxa weeyi in wax soo saarkii la kordhiyo, maantana waxa aynu bilaabaynaa mashruucii Miisaaniyada noogu jirtay ee beerista Wajaale, waana markii u horeysay ee Miisaaniyada loogu daro wax soo saar, dhulkan lanagu wareejinayaana waa laba qaybood oo Qodaal barigii hore la qodi jiray ah iyo qayb Qardo ah oo aanu imika qodayno”.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa isna doorka boolisku ku leeyihiin wax soo saarka ka hadlay waxaanu yidhi “Ciidamadu mar waxa ay ilaalinayaan Nabadgalyada qaranka iyo shacabka Somaliland, hadana waxa aad halkan indhahaaga ku aragtaa wax soo saarkood iyo tacabka ay ku jiraan ilaa halkii aynu ka soo leexanay Mudane madaxweyne ku xigeen waad arkaysay dhamaanteena halka ujeedo ee aynu leenahay ee madaxweynuhu inagu hoggaaminayaa waxa ay ahayd in wax soo saarka la badiyo”.

b3139.jpg

 

b4116.jpg

b577.jpg

b669.jpg

b736.jpg

b836.jpg



Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxa insa madasha qodaalka beeraha Wajaale laga bilaabayey khudbad ka jeediyey waxaanu yidhi “Maanta waxa aan halkan aynu taaganahay oo ah halkii Ciidanka Qaranka ku wareejinayaa si ku meel gaadh ah Wasaaradda beeraha”.

Wasiirka horumarinta Waxbarashada Yaasiin Faratoon oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Halkan waxaanu ka aragnay dhul baaxad leh oo ku haboon wax soo saarka, waxaanan filyaa in maalgalin badan inoo soo jiidi doono”

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo isna madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Farxad gaar ah ayey noo tahay mar hadaanu nahay gobolkii laga filayey in wax soo saarka wadanka 80% soo saarno in halkan laga bineeyo mashruucii adiga (Madaxweyne ku xigeenka) iyo Madaxweynuhu aad balan qaadeen ee ahaa in wax soo saarka la kobciyo ee qorshihiisu Miisaaniyada inoogu jiray, maantana waa la bud dhigay”.

Guddoomiyaha Degmada Wajaale “Wax soo saarkan roobka mooyaane dhulka waxa ku jira biyahaasi sidii ceelel loogu samayn lahaa lagu waraabiyo oo goor walba la tabco in lagu dedaalo weeyaan”.



Wasiirka Horumarinta Beeraha, Taliyeyaasha Ciidammada Milletariga, Booliiska, Maamulka Gobolka Gabiley iyo Hawl-wadeennada kale ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ayaa si rasmi ah u Shiniyeeyay Dhul-beereedka Banka Tog-wajaale oo 21 Cagaf bilaabeen inay qodaan 1500 higtar oo ka mid ah Dhulkaasi.

 

Hargeysa Online

· ifraax on April 25 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired