Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Umadda Somliland waa waxgarad xog-ogaal ah.

Qoraalkani wuxuu  shaaca ka qaadayaa dareenka dhabta ee umadda Somliland wakhtigan. Iyadoo ay adag tahay, in safxad qudha lagu soo koobo heshiiskan yaabka leh ee Somaliland la gashay D.P World iyo dawladda Imaraadka oo wada jira, waxay umaddu Qoraalkan si kooban isu dul taagi doontaa dawladda Somaliland,  xisbiyada mucaariidka ah ee Somaliland, dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta iyo dawladda federaalk ee Somaliya oo ay intooduba ku hawlan yihiin heshiiskan.

Dawladda Somaliland ee wakhtigan:  Heshiiska aad la gasheen D.P World iyo dawladda Isutaga Imaardka, wuxuu idiin fuli karaa idinkoo mugdiga ka saara oo miiska soo dhiga qodobada dhabta ah ee uu heshiisku ka kooban yahay.  Aduunka laguma arag wadan golayaashiisa qaran ansixiyaan wax aad ugu yeedheen (nuxur heshiis). Umadda garaadkooda in la caayo marna ma haboona.  Siyaasadda hogaamineed ee dhaxalka  wacan reebtaa, in aad dadkaaga kugu aaminay talada,  kuguna dhaariyey,  aad runta ka qariso, ma aha, in anigaa tan la ii doortay oo waxaan doonaan yeeli, ma aha. Waxaad ku khamaarteen oo miiska dul dhigteen ishii dhaqaale ee kali ahayd ee Somaliland lahayd wakhtigan.  Waxaynu ognahay in ayna umaddu idinku raacsanayn,  aadna u saluugsan tahay sida  liitata ee aad u baayactanteen oo ay ka muuqato deg deg, aqoondaro iyo cad quudheed  aad ku qanacdeen.  Mar hadii ay sidaa garasho idinka noqotay, waxay umaddu idiinka fadhidaa heshiiskaa dhinaca ka raran in aad ugu bedeshaan  ictiraaf buuxa marka ay ugu yaraato. Wixii ictiraaf ka yar umaddu waxay u aragtaa in xukuumaddu ka hiilisay ummaddii talada u dhiibatay. Waana xisaab la hor dhigi doono xukuumadan maanta talada haysa. Dariiqyo la inoo dhiso iyo daaro ringi la inoo mariyo uma dhigmaan waxaynu ku bedelalayno dekada iyo saldhiga Berbera.  Waa in miiska gorgortanka aad dul dhigtaan ictiraaf, si ay umaddu  u liqdo heshiisyadan.  Umadda reer Somaliland waxay si buuxda idiinku taageeraysaa go’aankii  uu madaxwayne Somaliand cod dheer ugu gudbiyey dawladda federaalka ee Soomaliya in aynu la qaadanay dagaalka ay iyagu iclaamiyeen.  Madaxwayne waxay umadda Somaliland kaaga fahdidaa in aad ka dhabayso dagaalkaa aad qaadatay adigoo si rasmi ah u joojinaya wxii loogu yeedhi jiray wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.  Madaxwayne waxay umaddu ku faraysaa in aad xuduuda wadanka  aad soo xidho sidii aad hore ugu balan qaaday, adigoo aan dheg jelaq u siinayn waxaa ay kuula iman doonaan hay’adaha UN-ka, kuwa reer Yurub isku sheega, Kuwa Africa iyo wixii la mid ah.  Somaliland aayaheeda inay u taliso iyadaa leh.  Waxaa umadda u muuqata in ay wakhtigan ugu haboon tahay in la soo xidho xuduuda wadanka. Ruqaansi marba meel wadanka dhexdiisa ah ciidamada Somaliland lagu lugooyo, wakhtigeeda wuu dhamaaday.

Xisbiyadda Mucaaridka ee Somaliland.  Shaqadiina ayay tahay in aad dawladda maanta talada haysa aad ku ilaalisaan xilka umaddu u igmatay si aanay shakhsiyaad iyo kooxo gaar ahi u lunsan, una dayacin hantida umaddani leedehay ee dhibaatooyinka faraha badan loo soo maray soo dhicintooda.  Waxayse umaddu idiinka fadhidaa in aad la timaadaan xogo iyo macluumaad dhaafsiisan inta ay umaddu ogtahay.  Umaddu waxay iswaydiinaysaa idinkoo xisbiyo qaran ah, in aydaan haynin wax xog ah oo dhaafsiisan inta ay umaddu wada ogtahay. Tasina waxay idinka dhigaysaa in aydaan karti u lahayn in aad umadda wax u ilaalisaan. Marka aad madaxwaynaha talada haya ugu baaqdeen is casilaad, Maxadwaynihii ka horeeyeyna maxakamad in la saaro, idinkoo u cuskaday khiyaamo qaran, waxaa la idiinka fadhiyaa cadaymahoodii.  Waa eedaymo waawayn oo aad u culclus oo ayna ka maarmayn in cadaymahoodii miiska la soo dul dhigo.  Hadii aad ku guulaysan waydaan in aad ku cadaysaan dambiyada aad ku oogteen xukuumaddan, waxay umaddu idiin arki qaar aan dhaami doonin xukuumaddan aad ku soo oogteen khiyaamo qaran.

Dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabta:  Umadda Somaliland waxay idinla wadaa heshiis uu idiinku jirto fa’aaidooyin shilis marka la isbarbar dhigo waxa ay umadda Somaliland ka helayso.  Hadaba, waxa ugu muhiimsan  ee aan Somaliland ahaan ku hirgalin karnaa heshiiskan waa idinkoo ictiraafa, aqoonsada Somaliland.  Waxaad tihiin dawlad caalamka laga tixgaliyo oo xaq u leh in ay ictiraafto cid kasta oo ay u arkaan in ay dantoodu ku jirto.  Danahiina iyo kuwayagaba ayey ku jirtaa in aad ictraaf u doontaan Somaliland.  Dani inooguma jirto in aad isqabqabsataan dawladda federaalka Somaliya. Idiinkama fadhino in aad nagu maaweelisaan mashaariic yaryar oo aan anaguba qabsan karno.  Uamdda Somaliland way ka war haysaa, marka ay timaaado cida aduunku taladu ka go’do.  Waan ognahay in ayna idiin fududayn in aad idinku ictiraafkayaga aflaxdaa, Hase yeeshee waxaad xidhhidh dhaw la leedihiin quwadaha waaawayn, kuwa muuqda iyo kuwa aan muuqanba  ee taladad aduunka gacanta ku haya.  Qadiyadayada ula taga, ka soo dhameeya ictiraafka Somaliland.  Saaxiibadiin isku-kayo soo dhaweeya. Dantayada iyo tiinuba halkaasay ku jirtaa.  Ku meeraysiga wax intaa ka yar, labadeenaba faa’iidooyin waawayn oo inooga soo bixi kara heshiisyada aynu hawlan nahay wakhtigan ma muuqdo.

Dawladda Federaalka Soomaliya.  Ka dib markii aad tahlii kari waydeen in aad umaddiina hogaanka  idiin igmatay dhibta haysata ka saartaan, waxaad dan moodeen in aad isku daydaan in aad Somaliland cunaqabataysaan.  Caqligiina iyo talooyinkiinu wuxuu isugu soo ururay, hadaanu wax noqon waynay, Somaliland-na yaanay wax u kordhin.  Waad arki waydeen walaaltinimada iyo ducooyinka ay Somaliland idinla bar-bar taagnayd tan iyo markii aynu kala tagnay.Umadda Reer Somaliland, waxay hada iyo wixii ka danbeeya idinkula hadli doonaan luqada aad taqaanaan ee ah dagaal dhinac walba ah leh. Ducooyinkii iyo walaaltinamdii aan idinla daba taagnayn, waxaanu idiinku bedelaynaa Colaad iyo habaar aad naga mutaysateen.  Mar haddii wanaagayagii aad si khaldan u turjumateen, maanta waxaan taaganahay heesta tidhaahda “…Soo jiidh wanaaga, jeenigaa ku soo qaad ama ooda soo jabi, dhaxaan belo u joogee…”  Somaliland-tii lixdankii idinku soo lugo’day meesha ma marayso, waxaana hubaal ah Somaliland-ta maantu in ay awood u leedahay in  wxii xuquuq ah eek a maqan ay xoog iyo caqliba ku soo dhacsato, iyadoon cid kale marti uga noqon.

Gabagabo, waxay umaddu ku talinaysaa in wixii qaranimada Somaliland wax u dhimaya, Somaliland meel uga soo wada jeesato.  In aynu kala barano marka ay taagan tahay qaranimo iyo marka ay taagan tahay waxdhexdeena lakala riixanayo. In aynu kawada tashano wax kasta oo dan u ah Soamliand oo  ayna koox qudhi ahi isku koobin.  In cadaaladdu shaqayso.  In la ixtraamo, lana ilaaliyo karaamadda iyo sharafta qof kasta oo reer Somaliland ahi leeyahay ee distuurku siiyey. In dawladda federaalka Somaliya colaadan ay ka maarmi wayday aynu si wada jir ah ula qaadano.

Abdirizak Ahmed Jama

rizakj@yahoo.com

· ifraax on April 29 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>