Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Duruufaha Dhaqaale ee sicir bararka keena.

Sicir Bararka (infilation-ka) waxaa lagu qeexa marka si joogta ah u kordho qiimaha alaabta iyo adeega wadan, waxaana lagu cabiraa sanadkii.

Sidii sicir bararka dalka ka jira wax looga qabto, waxaa loo bahan yahay in dad khibrad iyo aqoonta dhaqaalaha leh iyo dawladu iska kashadan. Teeda kale, waxaan dhagaystay waraysi uu siiyay warfaafinta ninka loo magacaabay gudoomiyaha Bangiga dhexe Mudan Cali Ibrahin Baqdaadi, waxaanan qabaa haddii lala shaqeeyana in uu yahay nin ku haboon jagadani, xakamaynta sicir bararka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka wax badan ka qaban kara.Waxaan doonayaa in fikirkayga ka dhiibto duruufaha dhaqaale ee dalka ka jirta ee sixir bararka keenaya iyo sida xal loogu heli karo. Sideedaba, dhaqaalaha dalku waxuu ku xidhan yahay isku dheeli tirka lacagta dalka soo gasha iyo lacagta dalka ka baxda. Haddii aan si kale u dhigo wax uu dalku iib geeyo waa in ay ka badan tahay, lacagta uu wax ku iibsado.Waxa kasta oo aynu calamka ka iibsano waxaynu kaga iibsanaa lacag adag oo dollar ah. Lacagta adagi ee dalka soo gasha badan koodu waxay ku soo gasha laba mid uun:Xoolaha aynu dhoofino. IyoBiilasha qurba joogtu reerahooda u soo diran.Lacagta adag ee dollarka waxaybu ku iibsano:Maceeshada aynu cuno, Dharka, qalabka dhismaha, Baabuur, electronic IWM. Iyo QAADKA.LACAGTA ADAG EE DALKA SOO GASHA.Halka bitroolku ugu jiro dalalka carabta ayuu xooluhu inoogu jiraan. Mudadii ay Somaliland jirtay waxay u ahayd mar xoolaha ay dalalka carabta joojiyan iyo mar aynu baryo ugu jirno siddii xoolaha la inoogu furi lahaa. Markasta dawlada Saudi Arabia joojiso xoolaheena waxay sabab uga dhigan cafimad xuno. Haddaba, , xoole aynu dibada u dirayna danbe ma jirayo, haddii aynaan wax ka badalin sida xoolo u dhaqno iyo daryeelkooda. Haddii Illahay xoolaha wax kale inoogu badalin, dhaqalo xumo iyo sicir bararna waa mid aynu ku jirayno. Haddaba, xalku maxuu yahay:Kor u-qaadida tayada xoolaha aynu dhoofino Waxaa aynu u bahanahay in aynu badalno sida xoolaha u dhaqano. Habka casriga ee xoolaha loo dhaqo wuxuu u bahan yahay dhaqaalo badan. Marka waa in aynu maal galin ku samayno dhaqida xoolaha. Teeda kale, waa in aynu inagu isu-tashano oo ayn maal-gashano dalkeena, waa in aynaa ka sugin dadkale in ay dalkeena inoo maal galiyan. Waa in sharkadaha xoolaha dhoofiya iyo maal-qabanadeenu maal gashadan dhaqadida xoolaha. Mida kale, waa in dawladu dhiiri galiso siddii dalka looga hirgalin lahaa sharkado dadka Somaliland (Qurbo joog iyo Dal joogba) wada leeyihiin. Sharkadahani oo reer miyiga ka iibsanaya neefafku marka ay yar-yar yihiin, kadibna xoolaha u samaya beero waawayn oo lagu xanaaneeyo. Marka xoolahu cafimaadkooda iyo tayadooda kor u qaadana iib geeyaan.Mida kale, waa in aynu dalka ka hirgalino warshadaha hilibka lagu qalo. Waa in aynu joojino ama yarayno xoolaha nool ee aynu dirno, waa in aynu dirno hilib. Tani waxaa inoo furaysaa in aynu suuqyo kale oon carabta ahayn aynu hilibka u dirno.Haddaba, marka caafimadka iyo tayada xoolaheena kor u qaadno ayuu dhaqaalaha dalkeenu kobcayaa, sicir bararkani yaranayaa.Lacagta qurbo joortu reerahooda u soo diran.Lacagta qurbo joogtu u soo diraan reerahooda waa meelaha kale ee lacagta adaga ee dollorku dalka ka helo. Haddaba, xaqiiqda jirtaa waxaa ay tahay in lacagta qurbo joogtu ay soo dirayeen in ay soo gudhayso. Dhaqalaha dalalka ay qurba joogtu ku nool yihiin oo sii xumanaya iyo nolol maal meedka dalalkaasi oo kor u kacaya awadeed. Sidoo kale, qurba joogta intooda badan dhaqaalahoodu ma dhaafsiisna qoysaskooda, isla markaana ma awoodan in ay sii wadan biilasha ay soo dirayaan. Teeda kale, dadka qurba joogta ee lacagta soo dirayay intooda badan waxa ku soo dhaw wakhtigii ay hawl gab noqonayeen ama waa hawl gab. Marka, waxaa loo bahan yahay in lala yimado caqli kale oo qurba joogta hantida haysata ay dalkooda u maal gashan lahaayeen, loona samayn lahaayeen mashruucyo dhaqaalaha dalka kor u qaada iyaga iyo reeraha ay biiliyan lacag ay ku noolada uga heli lahaayeen.Horena waa u idhi iminkana waan ku celinyaa waa in Somaliland samayso Bangiga horumarinta Somaliland (Somaliland Development Bank). Bangigan oo dadku dibad iyo gudaha jooga ay samiyo ka iibsan karan. Tani waxaa dhiiri galinaysaa in dadku ay hantida ay dibada ku haystan u soo wareejiyan dalkooda, sidana lacag adagna dalka u soo galiyan. Maal gashiga ay sameeyan waxuu kobcin lahaa wax soo saarka dalka, dhalinta shaqada la’na shaqooyin ayuu u abuuri lahaa.LACAGTA ADAG EE DALKA DIBADA UGA BAXDA.Maceeshada aynu cuno.Rashinka dadkeena cuno inteeda badan dibada ayaynu ka soo iibsanaa. Lacagta adag ee dibada inaga soo gasha dib ayaynu u dirnaa, inaga oo ku badelayna maceeshada aynu cuno. Haddaba, si aynu ula dagaalano lacagta adag ee dibada inoga baxda waa in aynu samayno mashruucyo beeraha oo aynu kala soo baxno cuntada dadkeenu cuno. Mashruucyada beeruhu waxay u bahan yihiin in biyo xidheeno loo sameeyo ama ceelal loo qabto. Waxay u bahan yihiin in loo soo iibiyo, siidh, cagafyo iyo qalabka beeraha. Waxay u bahan yihiin in shaqalo aqoonta beeraha leh loo qabto. Sida daraadeer, mashruuc yada beeraha ee aynu doonayni in aynu dalka ka hirgalino waxay u baahan yihiin maal galin wayn. Marka, haddii aynaan si cilmiyaysan uga fakirin sida aynu u maal gashan lahayn wax soo saarka dalkeena, sicir bararku wuxuu noqonayaa mid joogta ah. Bitroolka, dharka, iyo qalabka dhismahaBitroolka iyo naftadu waa injiinka dhaqalaha dalka, sida aynu cuntada ugu bahanahay ayaa dhaqaalaha dalkuna ugu bahan yahay bitroolka iyo naafto. Sidoo kale, inta aynu helayno awood dhaqaalo oo aynu ku samaysano warshado dharka lagu sameyo, waynu ku qasbanahay in aynu dharka dibada ka soo iibsano.Dagaalkii aynu xoriyadeena kula soo noqonaynay waxaa ku bur buray magaalooyinkeenii. Si aynu dib u dhis ugu samayno, waxaynu u bahan nahay sibidh badan. Sibidhka aynu wax ku dhisno waxaynu ka soo iibsanaa dalalka dibada. Warshada sibidhka ee Berbera waxay ahayd warshada kaliya een ka dhaxalnay dawladii kacaanka. Haddaba, wa inagu ceeb 28 sano ee aynu is-xukumaynay in aynu kicin kari wayno warshada sibidhka, eeynu u bahnayn in aynu dalkeena burburay ku dhisano. Sida daraadeed, waa in sida ugu dhakhsaha badan u kicino warshada sibidhka.  Mana aha in dad khasa la siiyo hantida ummada, ee waa in la qiimayo dhaqaalaha lagu kicin karo warshada, kadibna samiyo ay dadka iyo bayacmushtarigu iibsan karan loo qaybiyo.Baabuur, electronic IWM.Baabuurta, iyo electronic-ga waynu u bahanahay, lakiin ma ah duruuri. Sida daradeed, waa in cashuurta laga qaado lagu kordhiyo si u yaraadan dhaqaalaha inagaga baxaa.Warshadaha yaryar ee dalka ka jira waa in la dhiiro galiyo, oo waxii dalka laga soo saro cashuur dhin lagu sameeyo. Waxa dalka lagu sameeyo waa in aan dibada laga keenin, haddii laga keena waa in cashuurta lagu kordhiyo.QAADKAQAADKU WAA AAFO QARAN, in dalka laga joojiyan waa ku talin lahaa. Nasiib daro, dawlada iyo dadkuba diyaar uma aha in aynu joojino QAADKA. Marka haddii aan la joojinayn karin QAADKA, waa in la dhimo cunidiisa, ama la yareeyo QAADKA dalka soo galaya. Haddaba side loo yareen karaa cunida qaadka:Wacyi galinWaa in dadka, khasatan dhalin yarada laga wacyi galiyo in ay cunaan QAADKA. Waa in iskuulada, iyo masaajida laga wacyi galiyo dhibta uu QAADKU u leeyahay naftooda, iyo dhaqaalaha reerkooda.Cashuurta oo lagu kordhiyoXukuumadu waxay kordhisay cashuurta QAADKA, waana talabo xaga hore loo qaaday. Lakiin, wax badan ka tarimayso cunida qaadka. Marka waxaa loo bahan yahay in la xadido wakhtiga QAADKA la cuno.Xadida wakhtiga uu Qaadka soo galo.QAADKU waxuu magaalooyinka soo gala aroorta hore, dadkuna waxay cunaan qaadka maalintii iyo habeenkii oo dhan. Haddaba, si loo xakameeyo cunida QAADKA, waa in wakhtiga QAADKU dalka soo galo ee dadka laga iibiyo la koboobo. Qaadka waa inuu dalka (magaalooyinka) soo galo ugu horayn 2:00 PM ilaa 3:00 Pm. Tani waxay keenaysaa in qaadka la cuno habeenkii oo kaliya, oo maalintiina aan la cunin. Tani waxay cunida QAADKA ka dhigaysaa kala badh oo badh.Gabagabadii waa inaa kordhino lacagta dalka soo gasha, isla markana yareeyno lacagta dibada inooga baxda. Waa in aynu kor u qaadno wax soo saarka dalkeena. Waa in maal gashiga dalkeena la dhiiri galiyo, waa in dadkeenu (qurba joog iyo dal joogba) ay maal galin ku samayno beeraha, xoolaha, warshada sibidhka, warshad laydhka, iyo warshadaha yar yar (light industry). Marka aynu inagu dalkeena maal gashano ayaa caalamkuna maal galin doon. Lakiin haddii aynu calamka ka sugno in ay dalkeena maal gashadan, wax kasta way qaadan doona inaguna dad u shaqaya iyaga ayaynu noqon doona. dhaqalo xumo iyo sicir barar wahel ayaynu u noqon doona.SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!

 

OMAR Abdi YOUSUF    OAKLAND, CALIFONIADANTA QARANKA SOMALILAND

(SOMALILAND FIRST)WWW.SOMALILANDFIRST.COM

· ifraax on May 16 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired