Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka Somaliland Ku Hambalyeeyey Sanad Guurada 58aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay munaasibadda 26-ka June ee sanadkii 1960-kii oo ku beegan markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska oo ay maxmiyad u ahayd, taas oo maalinta berri ah ku beegan.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta xafiiskiisa ka hadlay, ayaa guud ahaanba shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka heshay dalweynaha Ingiriiska, waxaana uu yidhi, “Waxa aan halkan hambalyo uga dirayaa ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba dunnida dacalladeeda iyo inta dalka gudihiisa.

 

joogtaba, Berrina haddii Allah idmo waa 26-kii June, 58-sano (Siddeed iyo konton), ayaa kasoo wareegay maalintii aynu xorriyadda ka qaadanay dawladda Ingiriiska. Ilaahay mahaddii halgan dheer oo siddeetan sano ku dhawaad ah oo umadda reer Somaliland ugu jirtey inay xorriyaddeeda hesho, ayeynu maalintaas ku guulaysannay.”

Madaxweynuhu waxa uu shaaciyey inay Somaliland xorriyaddeeda ka hor qaadatay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana gobonnimadeedu ku dhisnayd xuduudo ay dhammaanba dalalka Afrika heshiis ku ahaayeen, “Gobonnimadaa ay Somaliland heshay waxa ay ahayd tii ugu horraysay ee dad Afka Soomaaliga ku hadlaa ay qaataan, wayna jireen qaybo dhulalka kale katirsan, sida Itoobiya iyo Kiiniya, laakiin Jabuuti iyo Soomaaliyaba waxa ka horraysay Somaliland. Somaliland waxa ay ahayd qaran ku dhisan xuduudihii isticmaarku kaga tegay Afrika ee ay Afrikana ku heshiisay 1964-kii, maantana ururka Afrika ee dhisan uu ku dhisan yahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu farriin u diray dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay inaan loo baahnayn curinta colaado cusub, waxaana uu yidhi, “Dhammaanba dadka Af soomaaliga ku hadla waxan leeyahay Somaliland waxa ay doonaysaa nabad, Soomaaliya-na waxan leeyahay way inaga duntay dawladdii, 27-sano oo silic, rafaad, dhimasho iyo waxbarasho la’aan ahna waynu ku jirnay, umana sii baahnin colaado kale oo aynu beerno.”

Hargeysa Online

 

· abdi on June 25 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>