Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Somaliland iyo Jabuti ha ka dhiidhiyaan halka lala marayo walaalahooda reer Somaliya.

Waxgaradka reer Somaliland, Jabuuti iyo dawladaoodaba waxaa horyaala dhiilo naxdin leh oo ay tahay in ayna indhaha ka lalin.


Iyadoo aynu ka dheregsanahay  cadaawadda joogtada ah ee ay dawaladda taagta daran ee Xamar ku hayso Somaliand ayay hadana shacabka reer Somaliya inaga mudan yihiin in aynu ilaashano.

Dawladda Federaalka isku sheegta ee Somaliya dhibaatooyinka noocyada badan ee ay ku hayso Somaliland iyo dawladdeedaba, waxaa ka sii daran kuwa ay ku hayso shacabka reer Somaliya oo ay maanta marinayaan in si qoor qabad ah in ay ugu kala qaybiyaan dhulkoodii Ethiopia iyo Kenya.

Aduunka aynu maanta joogno wuxuu taladeedu gacanta ugu jiraa dad tiro yar oo had iyo goor ku cabira, kuna qiimeeya aadamaha aduunka kula nool oo dhan hadba halka ay ka soo galaan danaha ay iyaga gaarka u ah.  Waxaynay ku adeegsadaan oo hawlahooda u fuliya dawaladdo waawayn oo uu Maraykanku hor kacayo, oo iyaguna sii adeegsada dawladdo yar yar sida kuwa imika inagala dhamaan la’ maalgalin baan idiin wadnaa dhinca Somaliya iyo Somalilandba.

Dadkaa yari waxay gacanta ku hayaan khayraadka aduunka ku baahsan, mana ogola in cidi ugu timaado.  Hadaba walaalayaal kooxdan yar ee danahooda ku egi, waxay dan moodeen oo u soo baxday in dadka Somalida ahi ayna u carbismayn sida ay iyagu u rabaan ee dadyowga aduunwaynaha kale ugu carbisan yihiin, taasina ay keeni karto in khayraadka Somaliya ku jira aan Somalida lagala macaamili Karin.  Markaana ay adag tahay in ay la gali karaan heshiisyo wax ku ool ah oo midho dhal ah.  Sidaa awgeedna dhulkooda lagu wareejio dawlado iyaga u carbisan una dhago nugul kooxdan si ay u hantiyaan khayraadkaa ilaaahay siiyey dadka Somaliyeed. 

Waxay arintani qorsheeyeen wakhti hore, wuxxuna qorshuhu ku bilaabmayey in shacabka Somaliyeed lagala dagaalamo wadaniyada iyo in hamigooda iyo hiigsigoodaba la wiiqo ilaa uu tirtirmo,  iyadoo lagu salidayo aafooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo colaadba, ilaa la gaadhsiiyo heer ay aad u jelcaan oo ay naftu qabato si ay u suurtagasho in si qoor qabad ah loogu jiheeyo oo ay fuliyaan waxa laga rabo. Marxaladaha ugu danbeeyana la gaadho in dhulkooda iyo dadkoodaba loo kala qaybiyo wadamada la dariska ah ee Ethiopia iyo Kenya.

Sida aad la wada socotaan Somaliya ilaa iyo burburkii wixii ka danbeeyey waxaa si cad oo badheedh ah gacmaha ula soo galay dawladdo shisheeye oo fulinayey in ayna Somaliya xal u helin aafooyinka loo soo waariday. Waxaa mar walba la dul keenayey oo madax looga dhigeyey dad Somaaliyeed oo dala kale u soo cumaamadeen.  Ilaa iyo maanta shacabka walaalaheen ee reer Somaliya awood uma yeelan in ay doortaan madax iyaga matasha oo ay iyagu taladooda ku keeneen.

Waxaad moodaa in wadamadii ku hawlaanaa daciifinta shacabka Somliyeeed in ay wakhtigan ku qanceen in la soo gaadhay wakhtigii Somaliya karkaarka la waydaarin lahaa oo ah in loo sii bidhaamiyo, si ay ula sii qabsadaan wadamada la wareegi doona ee Ethiopia ugu wayn tahay. 

Waxaa yaabka yaabkiis ah in si qun yar oo fudud uu raysal wasaaraha Ethiopia uga soo dago Muqdishu, saacado gudeehna lagu saxiixo qodobo xasaasi ah oo umad dhan masiirkeed ah, oo aan horey looga war hayn.  Waxa kaloo wax laga naxo ah in durba shacabkii ay galeen xaalad asqo ah oo ay kala garan la’ yihiin wixii u dan ah.

Shacabka reer Somaliya waxaan la tiigsanayaa su’aalaha ah: anigoo aad uga walaacsan aamusnaanta lagaga jawaabay arinkan ugubka ah ee aan hore loo arag; miyaad daasheen oo waad isdhiibaysaan ?  Ma waxaad ogoshihiin in la idiin qaybiyo Kenya iyo Ehtiopia ?  Hadii ay wali jiraan dad miyirkii ku hadhay, kana badbaaday aafooyinka loo soo maleegayey wakhtiga dheer, Somaliyey ka kaca fadhiga oo xidhiidh hoose oo Somalinimo, oo garasho sal u tahay,  oo lagu badbaadinayo dadka iyo dalka Somaliya in lagu dhaqaaqo.  Halgankaasi dareenkiisu ha kasoo bilaabmo shacabka reer Somaliya ee qarka u saran in la cidhib tiro.

Somaliland iyo Jabuti waxaan leeyahay maanta qolo qolo ma joogto.  Waxaad haysataan fursad aad ugu hiilan kartaan walaalihiin.  Waxaa muhiim in aad hormood ka noqotaan qorshe lagu abaabulayo kacdoon shacbi oo xoogan si Somaliya looga samatabixiyo shirqoolka loo maleegay ee lagu wareejinayo dalkooda.  Hadaad dhegaha ka furaysataan taaha ka soo yeedhaya walaaladiin, sow waxaynu wada sugnaaba ma aha odhaahdii ayhd “kii qayrkii loo xiirayoow soo qooysa adiguna”.

Alayahoow adigaa awooda in aad fashiliso qorshayaasha la a damasan yahay shacabka masaakiinta ah ee la darxumaysan dhibaatooyinka looga soo waaridayo aduun waynaha intiisa kale.  Alahayow adigaa awoodee na nabadgali. 

Abdirizak Ahned Jama

rizakj@yahoo.com

 

· ifraax on June 28 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired