Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xukumada Somaliland Sidee Ayey U Aragtaa Isbadalada Siyaasadeed Ee Ka Socda GeeskaAfrika.

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay xiisada iyo is bedelka Siyaasadeed ee ka bilaabay Wadamada Geeska Afrika, gaar ahaan walaaca Jabuuti ay ka qabto heshiiska Itoobiya iyo Alatariya, iyo hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Farmaajo, ee uu ku codsaday in Alatariya laga qaado cuna qabatayna dhinaca Hubka, waxayna Xukuumadda Somaliland, in mawqifkeedu yahay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ka dhex taagan Mandaqada.

 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Hargeysa Online ayaa sidoo kale ka hadlay Dimuqraadiyada, Ictiraaf raadinta iyo qodobadii ka soo baxay Shirkii Ceel-afweyn, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Itoobiya iyo Ereteriya oo kale, inaguna

ma odhan karno Ereteriya ayeynu la soconaa , mana odhan karno Caalamku ha jabiyo cuna qabataynta hubka ee saaran, beri baa la heshiin karayaa, adigaana gooni u baxaaya,inagu Somaliland ahaan nabad kasta oo ku soo korodha geeska weynu soo dhaweeynaynaa, Somaliland waxay u taagan tahay nabad iyo horumar, dagaal, qas xumaan iyo colada midna uma taagnin, cidii ay wax dhex maraana, waxaanu jece lahay in si nabadgalyo leh oo walaaltinimo leh waxooda ku dhamaystaan, mawqifkeenuna waxa weeye inaynu Wadamada aynu jaarka nahay iyo kuwa kale ee Caalamkaba inaynu si fiican ula macaamilno, wixii horumar ah ee ku soo kordha madnaqadana weynu soo dhaweeynaynaa”.

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Dimuqraadiyada ayaa yidhi “Somaliland waa dal Dimuqraadiya, oo ay ka dhaceen Doorashooyin dhawra, oo dadku iskood ugu coddeeyeen hadba cida ay rabaan, 27 sanno ee aynu xoriyadeenii dib ugula soo noqonay Somaliya horumar lixaad leh oo dhinaca geedi socodka Dimuqraadiyada ayeynu gaadhnay, maanta waxa qudha ee aynu Caalamka martida ugu nahay waa Ictiraaf, maxa yeelay shuruud kasta oo lagu xidho Ictiraaf weynu buuxinay, markaas insha allaah Ictiraafkuna wuu iman doonaa, dadaalkiisina weynu wadnaa.

Hargeysa Online

 

· ifraax on August 04 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>