Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Gudoomiyaha xisbiga UCID oo dhaliilo usoo jeediyey madaxweyne Muuse Biixi.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyey in aanu dalka hogaamin Karin, isla markaana ku baaqay hadii uu xal ka gaadhi waayo khilaafka guddida doorashooyinka ay shir tallo qaran la iskugu iman doonno.


Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay arrimaha la isku hayo ay waajib ku tahay madaxweynuhu inuu xaliyo, isagoo ku dhaliilay in garnaqsi iyo yooyootan uu rabo balse aanu diyaar u ahayn inuu xaliyo muranadda jira.

 

 

“Waxay u eegtahay inaanu Muuse Biixi u diyaar ahayn inuu wax xaliyo ee uu ka jecel yahay in la garamo oo la yooyootamo oo ah dhaqan uu ku soo noolaa toddoba iyo labaatankii sanadood ee uu mucaarad ahaa, shalaytoole khudbadiisii waxay ahayd mid dadka sii kala fogaynaysey”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo naqdiyey khudbadii shalay ee madaxweynaha.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in sharcinimadii ay ku ogolaadeen inuu madaxweyne yahay uu shaki galinayo madaxweynuhu, waxaanu yidhi “ Tii aanu ugu ogolayn inuu madaxweyne yahay ee noogu yeedhay ee nagu casuumay inuu maanta su’aal galiyo oo uu yidhaahdo maxkamad ha la tago aad baan uga xumahay, ku eegi mayno inuu dalka burburiyo oo waxaanu marin sharciyadda xil ka xayuubin shir qarana waa la iskugu iman”.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wakhtigii uu Daahir Rayaale joogay oo ay ka dalbadeen in la kala diro komishanka doorashooyinka uu ogolaaday oo uu kala direy, waxaanu ku baaqay inuu nidaamkii hore raaco oo dhibaatooyinka jira uu xaliyo hadii kale laga tashan doonno hogaaminta madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay sheegay in aanu awood u lahayn inuu kala diro Komishanka doorashooyinka, waana arrinta uu maanta Faysal ka jawaabayo.

Xisbiga mucaaradka ah ee WADADNI ayaa isagu dalbaday in la kala diro guddida doorashooyinka, halka xisbiga UCID na soo jeediyey in laba xubnood oo dheeraad ah loogu daro guddida doorashooyinka, haseyeeshee labada soo jeedin ayaa keentay in la isku mari waayo madaxweynuhuna ka gaws qabsado labada soojeedimeed ee mucaaradku dalbaday.

Hargeysa Online

 

· abdi on October 21 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired