Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne Biixi oo ka qaybgallay dabaaldega sanad guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Militeriga Somaliland

Ciidanka militariga Somaliland ayaa maanta u dabaaldegayey 25 guuraddii ka soo wareegtay   aasaaska  ciidankaaasi oo sanad walba maalintan oo kale la xuso.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kala qaybgallay dabaaldega ciidanka Militeriga Somaliland oo sanad walba maalintan oo kale la qabto February 2-deedda, waxaana madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, waxaanu kormeeray dhismeyaal cusub, sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray madaxweynuhu laydhka ku shaqeeya tamarta cadceeda oo laga hirgeliyey xarunta birmadka iyo miiska saraakiisha ciidanka.

 

Taliyaha guud ee ciidanka Militeriga Somaliland Gen:Nuux Taani ayaa ka warbixiyey wixii u qabsoomay ciidanka sanadkii la soo dhaafay, waxa kale oo isna madasha ka hadlay wasiirka Gashaandhiga Somaliland, mudane Ciise Axmed Yuusuf (Xawar), waxaanu ciidanka ku amaanay dadaaladii ay ka geesteen nabadda iyo sugidda xuduudaha dalka.


Intaas ka dib waxa khudbad dheer ka jeediyey Madaxweyne Biixi, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Qaranku wuxuu uga mahadnaqayaa Ciidanka difaaca ay ugu jiraan qaranka iyo in ay yihiin dhidibada 1aad ee ilaalinta qaranka, Dawladdnimadu waxay ku fadhidaa saddex qodob waanay kala horeeyaan, ka ugu horeeya waa Ammaanka, ammaankana ciidamadaa inoogu horeeya markaa ciidamada kala duwan waa inaan siinaa mudnaanta Koobaad, hadday tahay ammaan Mahadnaq, Sharaf, Xurmayn iyo dhaqaaleba, Xukuumaddan maanta joogtana taasaa u ah mudnaanta koobaad.Mudnaanta labaadna waa in tallo laysku wada kalsoon yahay la helo taasoo lagu helaayo sida xeerarkeenu dhigayaan in Xilka hoggaamintu yahay meerto, oo goleyaasha qaranka ee la doortaa gole waliba uu wakhtigiisa ku bedelmaa, oo shacabku mar labaad codkooda bixiyaan. waayo waxaa dan loo mooday oo Caalamka oo dhami eegay in Shantii sanno sannaba mar la bedelo golahaasi si loo helo ama kii hore loogu celiyo ama dhiig cusub, dadkana taladu u sinaanto markaa waxaan u baahan nahay inaynu kaana ka dhigno qodobka Labaad ammniga iyo talada, taladii haddii la waayo la socon maayo, taladuna socon mayso haddaan ammnigu ka horayn.Ta Saddexaadna waa dhaqaalaha in dalka dhaqaalihiisu markaa kor u qaadmayo, Dhaqaaluhu ma qaadmayo oo hore u marimayno haddaynaan ammaan hayn iyo talo wanaagsan oo lagu wada socdo”


Madaxweynaha oo ka hadlayey mustaqbalka ciidanka Qaranka ayaa yidhi “Maanta Ciidankeena Qaranka waxaan Ilaahay idinka rajaynayaa inaynu gaadhno oo aan goob joog ka noqdo isagoo leh Ciidankii Cirka, waa riyadayda Ilaahay idankiina waan gaadhi doonaa isagoo leh Ciidankii Badda oo baddeena dhereran Maraakiib daafacda oo Maraakiib waa weyn oo Ciidanka Hoggaaminaya ay gaadhaan Ilaahay idankii waan ka rajaynaynaa waanan u hawl gelaynaa inuu Ciidankeenu yeesho Gantaalaha ridada dheer ee cadowgu ka baqdo”.


Madaxweyne Biixi wuxuu eedeen usoo jeediyey madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal wasaarihiisa, oo uu ku tilmaamay inay dagaal hoose ku hayaan Somaliland, waxaanu yidhi “waxaase la yaab leh Dawladda maanta Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Kheyr ee Xamar ka dhisani ilaa maalintii la doortay ilaa maalinkaa maanta ah, waxa ay weerar joogto ah oo qaawan oo dhinacwalba leh ay ku hayaan Qaranka Somaliland, Dagaaladaa laga sheekaynayey waa joogto, Dagaalka Dhaqaale waa joogto, ka Cuna qabatayni waa joogto, ka been abuurka ahi waa joogto.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliya dagaal kale ku hayaan maamul goboleedyada ka jirta Soomaaliya, waxaanu yidhi “waxaan arkayaa dawladda maanta Xamar ka dhisan ee Baydhaba weeraraysa ee dadka ku laynaysa, ee Kismaanyo u hub samaysanaysa ee Putland dirqi kaga baxsatay ee Somaliland dagaalka ku haysa ee iyada ay ilaalinayaan ciidamada Qaramada midoobay, ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu Fidmadeeda inaga nabadgeliyo, innaguna waynu u diyaar garoobaynaa wixii ay dhibaato inoola yimaadaan dhinacwalba inaynu iska daafacno.Waxa soo baxay oo Dawladda Xamar ee Farmaajo iyo Kheyre keeneen inay yidhaahdaan Somaliland xadkii Ingiriiska iyo Talyaanigu dhigteen Xuduudihii isticmaarka ee Africa lagaga tegay aqbali mayno, ee waxaanu samaynaynaa xad beeleed.

Waxaa la yaab leh markii isaga la dooranayey (Farmaajo) waxaa la tartamay oo raggii meesha ugu aqoon badnaa ugu cadcaddaa ka mid ahaa Axmed Ismaaciil Samatar, Markii doorashadii xamar dhamaatayna waxaa la yidhi orod dalkaagii qabo oo ku noqo, waxaanu ahaa ninka juhdiga u badan geliyey Soomaali weyn, Axmed Ismaaciil Samatar wuu inoo yimi wuu inoo waramay, Ismaaciil Buubaa baa ka horeeyey oo Toban sanno u ahaa Wasiirka Khaarajiga wuu inoo yimi wuu inooga waramay waxa meeshaa yaalla.”

Madaxweynuhu mar uu la ka hadlay xisbiyada qaranka waxa uu yidhi “Xisbiyada Qaranka waxaa waajib ku ah inay xaliyaan wixii dhibaato ah ee iyaga khuseeya ee Doorashada ku gudban, diyaar baanu u nahay dood kasta inaan xal nabad ah u doono waxaanse xalka gaadhaynaa xisbiya qaranka haddaan nahay marka aynu siino mudnaanta inay doorasho inoo qabsoonto, haddaynu mudnaanta siino muran yar oo dhexdeena taagan Walaalayaal gaadhi mayno doorashada.”

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Idsbedelka geeska afkrika waxaanu yidhi “Somaliand isbedelka ka socda geeska Africa qof waliba isbedelkaa dantiisuu ka eegayaa, Somaliland isbedelka wixii u dan ah ayuun bay ku dhaqaaqaysaa ciddii ay iskaashan karaana way kaashanaysaa, ciddii ay is kaashan kari waayaana ammaan bay siinaysaa”.

Hargeysa Online

 

· ifraax on February 03 2019 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>