Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Qadiyada Somaliland noqon mayso mashruuc aqoonyahanadu kharash kaga radiyan calamka.

Waxaan saxaafada Somalida maal mahan ka hadlaysay shirka DJabouti lagu qabtay oo loogu magac daray ‘Madasha Talo wadaga Somalida’. Shirkani ooy qabatay hay’ada Xamar laga leeyahay ee Heritage, ee dawlada Federalka Somaliya wada shaqayan dhawna leeyihiin.

Haddaba, si dadka Somaliland looga dhigo in madasha ay ku dhan yihiin dadka ka soo jeeda deganada Somalida, ayaa sawir ahaan loogu soo daray dhawr qof oo deganada Somalida ee Itoobiya iyo NFD ka soo jeeda. Madaxwaynaha DJabouti lagu qanciyay inuu marti galiyo shirka, soona xidho. Doodaha iyo hadalada madasha laga hadlayay waxay ahaayeen kuwo lagu lafo gurayo arimaha Somaliland iyo Somaliya, lama soo hadal qadin arimaha khuseeya degana kale ee Somalida.
Dawlada Federalka Somaliya waxaa ka socday wafdi uu hogaaminayo Raysal Wasaara ku xigeenka Somaliya, Mahdi Maxamed. Ninkani oo ka mida dadka maqaar saarka ah ee ka soo jeeda Somaliland. Dadka madashani lagu casuumay waxay u badnaayeen dadka Somaliland ka soo jeeda ee aaminsan fikirka Somaliwayn, kuwasi oo qaar xildhibano ka yihiin dawlada Xamar.
Haddaba, nin madasha fadhiyay ayaa su’aal waydiiyay kooxda Somaliland ee panel-ka fadhiday: “Anigu qaladka waxaan saari lahaa Somaliland, waayo waxaa dawlada Federalka ku leedihiin 46 xildhibaan, ooy ku jiran labeenta Somaliland, ee maxaa iyaga ula shaqayn waydeen?”.
Haddaba, jawaabta ku haboon ninkani waxay ahayd kuwa aad xildhibanka ku sheegayso, Somaliland waxay ka yihiin dambeelaya (traitors ah), haddii Somaliland cag soo dhigaana, jeel ayaa loo dirayaa. Lakiin, jawaabata la siiya waxa ahayd samiga la naga siiyay Golaha Shacbiga ee Somaliya, ma ah mid cadaalada ku salaysan, oo waa nalagu yareeyay, maamul gobaleedada kale ayaa nalooga badiyay. Taasi oo dadka qaar u qaateen, in Somaliland diidan tahay samiga ay dawlada Federalka ku leedahay, ayna Somaliya dib-ula midoobi lahayd haddii cadalad laga helo dawlada Somaliya.
Mida kale, idaacada VOA Somalida, ee buun buunisa dawlada daciifka ah ee Fedalka Somali, ayaa dood u qabatay dad madasha joogay. Dadka doodani lagu marti qaaday waxa ka mid ahaa Dr. Bulxan. Haddaba, Dr. Bulxan wuxuuu soo jeediyay in khilaafka Somaliland iyo Somalia uu:
Madaxwaynaha Djabouti Ismaciil Cumar Guuleed, uu hormood u noqdo, oo uu si simana u dhex dhexaadiyo. Iyo
In Aqoon yahanada iyo Odayaasha Somalidu ay wada hadalka Somaliland iyo Somalia doorkooda ka qaatan.
Haddab, anigu lama qabo labadan qodab in ay dan ugu jirto Somalind. Sababtuna waxay tahay, Madaxwaynaha DJabouti Ismaacil Cumar Guuleed arinta Somaliland iyo Somaliya dhex kama noqon karo. waayo, dawlada Djabouti waxay u aqoon san tahay dawlada Federalka Somaliya in ay tahay dawlada sharcig ah ee maamusha dalka la isku odhan jiray Somali Republic, Farmaje madaxayane u yahay. Somaliland waxay u aqoonsan tahay qayb ka mida Somalia. Teeda kale, Djabouti iyo Somaliland waxaa ka dhexeya tartar dhaqaalo, dalka Djabouti waxay ka soo horjeeda horumarka dekada Berbara iyo saldhiga military ee Berbera. Marka sidee ayuu Madaxwayne Ismaaciil Cumar Guuleed arintani dhex uga noqon karaa? Waxaan qabaa fikirkaasi noocani waa mid daciif ah, qaranka Somaliland nusqaan ku ah.
Qodabka labaad ee odhanaya wada hadalka Somaliland iyo Somaliya waa in ay qayb ka ahaadan aqoon yahanada iyo odayasha Somalidu, waa mid aan Somaliland dan ugu jirin. Dawlada Somaliya waxay rabtaa in arinta Somaliland iyo Somaliya laga dhigo mid u dhexaysa dadka Somalida. Calamkana ku qanciyan in ay iyagu dhexdooda dhamaysan karaan. Ujeeda ka danbaysana waa in ay calamka ka dhaadhicso in ay Somaliland tahay gobal ka mida Somaliya, oo doonaya inuu ka-go’.
Haddaba, dadka Somaliland waa in ay fahmaan sida uu ku bilaabay wada hadalka Somaliya iyo Somaliland. Wuxuu ku bilaabmay shirkii dalka Ingiriiska lagu qabtay. Waxaa dawlada Ingiriisku Somaliland siisay fursad ay caalamka arinteeda dhex dhigto.
Tusaalana waxaa kuugu filan, qodabadii shirka ka soo baxay waxaa ku jiray qodab odhanaya; ‘In calamku wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ka caawiyaan’. Wada hadalkii ugu horeeyay waxuu ka bilaabmay dalka Ingiriiska, waxaa loo qaatay lawyaro calamiya iyo khubaro ku xeer dheer maaraynta khilaafka (Conflict resolution). Haddaba, markii shirkaa laga soo baxay, eey Somalidu isku kaliyaysteen ayaa kooxdii Somaliland ay ku qanciyeen in ay arintani tahay mid u dhaxaysa Somalida, ee iyagu wada hadlaan.
Dawlada Turkiga oo marka gacanta ku haysay arimaha Somaliya, ayaa marti qaad u fidisay. Wada hadalka Somalidu halkay ku danbaysana waynu ka wada war haynaa. Haddaba, dadka arimahani u fara dhuudhuuban waxay sheegeen in lacag la siiyay qaar ka mid kooxdi wada hadalka Somaliland uga qayb galayay.
Maantana, mar labaad ayay ‘aqoon yahanada’ Somaliland lagu soo dhex tuuray fikir raqiiska ah, ee odhanaya waa in aqoon yahanada iyo odayaasha Somalida qadiyada Somaliland iyo Somaliya ka dhaxaysa ka hadlaan. Haddaba, dadka fikirkani aamin sani, waa dad doonaya in ay mashruuc ka dhigtaa qadiyada Somaliland, waa dad daciif (naïve) ah, oo beenta iyo munafaqada Somaliya rumastay.
Haddii kale, waa dad aaminsan Somaliwayn oo doonaya in dib-loo midoobo, doonaya in ay ka faa’iidaystan niyada jabay Ictiraaf la’aanta iyo horumar la’aanta Somaliland ka jirta. Dadkaasi oo Somaliland doonaya in ay ka dhaadhicyaan fikirka reer Xamarku fidiyaan ee odhanay Somaliland waligeed dal noqon mayso, horumarna ma gadhi karto, haddii ayna Somaliya ka mid ahayn.
Teeda kale, Somaliland dan uguma jirto wado hadal ay u qabtaan dalalka jaarka ah, khasatan Djabouti, iyo dalalka ay ka midka yihiin Turkiga iyo dawladaha Carabta. Maxaa aynu ka faa’iidnay wada hadaladii hore? Maxaa ka hirgalay heshiisyada DJabouti lagu kala saxeexday? Maxaa ka hirgalay heshiisyadii Turkiga iyo Abu Dabia lagu kala saxeexday?
Qadiyada Somaliland ma ah mashruuc ay aqoon yahanada Somaliland iyo Somaliya kharash ka raadiyaan. Qadiyada Somaliland ma ah mid u baahan dhakhtarada cilmi nafsiga (ama psychoanalysis).
Fikirka shirkani ka duulaya waa ka odhanaya ictiraafka iyo horumarka Somaliland waxaa uu ku xidhan yahay dawlada federalka Somaliya. Waxaase, nasiib daro ah, dadka isku sheegaya indheer garadka Somaliland in ay beenta iyo huuhaada reer koonfurta run moodeen.
Shirka waxaa ka qayb galay Maxamed Biixi, iyo afhayeenka Xisbiga wadani, oo hay’ada Heritage u soo jeediyay in magalada Hargaysa sanadka danbe ku qabtan shirkani. Hadaba, siday u dhici kartaa in hay’ada Heritage Hargaysa shir ku qabato? Yaase ku casuumayaan? Dadka shirkani joogay? Sidan dadkanu loo odhan karaa sidan ayay ku quman yihiin.
Waxaa aad iiga yaabiyay in uu af-hayeenka Xusbi qaran uu shirkaa ka qayb galo. Waxaan waydiin lahaa af-hayeenka Xusbiga Wadani; Ma afka xusbiga ayaad ku hadlaysay mise kaaga? Xusbiga Wadanise ma la ogaa inuu shirkan ka qayb galayo?
Haddaba, waxaan u sheegaya cid kasta oo huuhaada macno darada ah la wareegaysa, in qadiyada Somaliland tahay mid siyaasadeed oo ka dhexaysa laba dal oo xuduudaha cayiman leh oo isku darsaday, mudo dheerna kala madaxbanaanaa. Lakiin ma ah arin daraasad iyo isqancin shacab ku xidhan.
Somaliland waa in ay fahanto qiimaha ay caalamka ugu fadhido. Marin biyoodka bada cas ee Somaliland ku talo, waxaa iskaga goosha 30% (Boqolkiiba sodan) maraakiibta caalamka. Somaliland waa hormoodka nabada iyo xasiloonta mandaqada Geeska Afrika, isla markana nabada mandaqadu waa maslaxada aduunka oo dhan, ee ma ah mid Somalida oo kaliya u taala. Haddii, khilaafka Somaliya iyo Somaliland calamku soo af-jari waydo, waa in aynu calamka ogaado in nabada mandaqaduna ayna nabad sii ahaanaynin.
Somaliland waa in ay albaab kasta garacdo. Haddii dalalka aynu xidhiidhka dhaw la leenahay ayna doonay in ay ina Ictiraafan, marka waa in ayna wada hadal la furno dalalka Ruushka iyo Iiran.
Waxaan ku soo gaba gabayn in dawlada Somaliland ay soo sarto sharci lagaga mamnuucayo dadka Somaliland ay ka qayb galan shirarka qadiyada Somaliland lagaga hadlayo cida doontaba ha qabate. Isla markana waa in dalka laga mamnuuco hay’ada Xamar laga leeyahay ee dawlada Federalka Somaliya u shaqeeya.
SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!
OMAR A. YOUSUF OAKLAND, CALIFONIA
Omaryousuf455@gmail.com
DALAYADA “DANTA QARANKA SOMALILAND” (SOMALILAND FIRST)

 

· ifraax on February 04 2019 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>