Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Guddida illaalinta hantidda qaranka ee Wakiilada oo shaaciyey deyn lagu wareejiyey..

Tan iyo intii xilka la wareegeen xukuumadda Muuse Biixi waxa la hadal hayey in deyn lagu wareejiyey iyo in kale, taas oo la qarinayey, maadaama  sharafta xisbiga taladda la kala wareegay la ilaalinayo, isla markaana aan lagu dhaliilin xukuumaddii hore deynta badan ee ay wareejisay.

 

Hasse ahaatee dadka shacabka ahi tuhunkaasi wuu ku jiray in deyn badani jirto, waxaana maanta shaaciyey guddida ilaalinta iyo dabagalka hantidda qaranka ee golaha Wakiilada oo sheegay in xukuumaddii hore wareejisay deyn dhan sideetan milyan oo dolar.

Xildhibaan Ibraahim Buubaa oo gudoomiye ku ah guddidan ayaa maanta la kulmay wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire, waxaanu sheegay inay jirtay deyn badan oo shacabka laga qarinayey.

“waxa jirta Sideetan Milyan oo doolar oo deyn ah oo ay ku wareejisay xukuumaddii hore, inkastoo markii xilka ay wareejinayeen sheegeen in aanay jirin deyn ay wareejinayaan, haseyeeshee xukuumadan dambe waxay ka dhaqaaqi laadahay deyntaasi oo culays weyn ku noqday.”ayuu yidhi xildhibaan Buubaa oo ka hadlayey deyntaasi aan hore loo shaacin inay jirto.

Dhinac kale,waxa uu sheegay in 2% laga jaro ganacsatada ee loogu tallogalay in lagu horumariyo gobolada bariga aanay gaadhin ee waxyaalo kale lagu qabsado, waxaanu tusaale usoo qaatay in sanadkii 2017-ka masaajidka madaxtooyada lagu dhisay lacagtii loogu tallogalay gobolada bariga.

“ waxa jira dhibaatooyin badan oo soo jireen ahaa oo illaa hada xal loo helin loona baahan yaha in la xal guud loo helo waxa ka mid ah 2% (waa lacag loo gooyo gobolada bariga) gobolada bariga loo jaro, markasta oo golaha la hor keeno miisaaniyada waxa lagu ansixiyaa iyadoo tallooyin la raaciyey illaa 2011-kii, waxaanay ahayd talooyinkaasi in lacagtaasi loo jarayo gobolada bariga in la mashaariiceeyo si dadka waxtar ugu noqoto, waxa soo baxday oo wasirka maaliyada hor dhignay in sanadkii 2017kii masaajidka madaxtooyada ku yaala laga dhisay lacagtii 2% loogu tallogalay gobolada bariga, waxaanu isla garanay wasiirka maaliyada in aanay dib u dhicin lacagta bariga loogu tallogalay in aan loo bedelin meel kale ee lagu horumaryo gobolada bariga”ayuu raaciyey hadalkiisa Buubaa.

Dhinaca kale, wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire oo wax laga waydiiyey deyntan waxa uu sheegay in mar kasta ay dhacdo in deyn loo baahdo, waxaanu yidhi “ mararka qaarkood iyadoo dakhligu iman doono ayaa baahidu ka sii horeysa oo lacagta la sii deynsadaa ama la soo amaahda, mar wal oo xisaab xidhka loosoo gudbiyo golaha wakiilada deyni way la socotaa, waxyaalihii la igu wareejiey ka mid bay ahay deyntu mar walba deyntu way timaada”ayuu yidhi wasiir Sacad.

Si kastaba ha ahaatee, arrimaha deynta ayaa in badan la qarinayey, haseyeeshee waxa qashifay guddidan dabagal iyo ilaalinta hantidda ee golaha Wakiilada, kuwaas oo cadeeyey jiritaanka deyntaasi lagu wareejiyey xukuuumada cusub.

Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ayaa wakhtigii ay xilka wareegtay xukuumaddii Rayaale si cad bay u sheegeen inay la wareegeen qasnad madhan iyo deyn badan, waxaanay ku dhaliili jireen xukuumadii hore, haseyeeshee xisbiga kulmiye oo taladda isku dhiibay iyagu way isku xil qariyeen oo lama sheegin deynta xukuumaddii hore ku wareejisay xukuumadda cusub, taas oo sababtu tahay in magaca xisbiga la ilaaliyo.

Hargeysa Online

 

· ifraax on February 04 2019 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired