Username Password | Register | Lost password
Presidents

somlywoodlogo5.gif

tuur.jpgcigaal.jpg4274223304.jpg2891464007.jpgmusjsufs.jpg

Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  Info@hargeysaOnline.Net

Ruwaayado Xasuus Mudan.

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Caado qaate Shariif sheekh ahmed oo u digay dawladda Somaliya

Shir jaraa’id oo ay qabteen kadib markii ay kusoo laabteen magaalada Muqdishu ayaa Madaxweynayaashii hore waxay sheegeen in la carqaladeeyey safarkii ay ku tagayeen magaalada Beledweyne.


Caado qaate Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay dawladda Federaalka inaan muwaadiniinta dulmi lagu samaynin, waxaana uu sheegay inaan sharciga lagu tuman. Madaxweynaha ayaa jeediyey hadallo culus kuwaasi oo ku jeeday dawladda federaalka.

Dhinaca kale labada caado qaateyaal Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadlay ayaa beeniyey hadallo kasoo yeedhay madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ahaa in garoonka diyaaradaha ee Beledweyne ay biyo ku jireen taasina ay keentay in lagu taliyo inaan diyaarad weyni ka degin garoonka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in garoonka Beledweyne uusan biyo ku jirin.

Goor hore oo maanta ah ayey markii Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare sheegay in shaqaalaha duulimaadka ay ku wargeliyeen in qayb ka mid ah garoonka Beledweyne uu biyo galay taasina ay keentay in lagu taliyo inaan diyaaradaha waaweyni ka degi karin.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan iyadu weli jawaab ka bxiin xayiraadda la sheegay in wafdiga Madaxweynayaashuu hore loogu gaystay garoonka diyaaradaha ee Muqdishu, iyo shirka jaraa’id ee ay ku qabteen goor dhowatd.

Wafdiga ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya labada caado qaateyaal Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka tagay magaalada Beledweyne.

Wafdigan ayaa halkaasi u tagay si ay uga qaybqaataan gurmadka dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. Madaxda Gobolka Hiiraan iyo maamulka Hirshabelle ayaa kusoo dhoweeyey madaxweynayaashii hore magaalaada Beledweyne.

Dhowaan ayaa Madashada Xisbiyada Qaran waxay ku dhowaaqday inay lacag dhan 200 kun oo doollar ay ugu deeqayso dadka ay fatahaaduhu ku saameeyeen Beledweyne iyo Bardaale.

Caado qaate Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaamiya Madashada Xisbiyada Qaran.

 

Hargeysa Online

 

· ifraax on November 11 2019 · 0 Comments · 93 Reads ·Print
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Name:

Validation Code:
Validation Code


listen_live.jpg

radionumber.jpg

Xaalada siyaasadeed ay hada marayso Somaliland.

sfsszfz.jpg

Bar. Stock Market.

69916568_3110360172370076_6333432064003538944_o.jpg

Dood Ku Saabsan Madaxtooyada Somaliland.

engkamalm.jpg

Wareysi Ku saabsan Xeerka Kufsiga Somaliland.

engkamalgun.jpg

WarBixin Ku Saabsan Ethioipia iyo Eriteria

engkamaaldfhdhdh.jpg

Dood Kulul oo ku Saabsan Shirkii Garxajiska ee ka dhacey Buurta Gacan libaax.

engkamaalsmsd.jpg

Sidee Ayaa social media-ha looga Xidhikaraa Caruurta.

engkamaal2018.jpg

Dood ku saabsan Musuqa iyo Cadaalad xumada ka jira Somaliland.

engkamaalsdo.jpg

Dood Ku Saabsan Ictiraafka Somaliland.

engkamaals.jpg

Dood kulul Xisbiga Kulmiye iyo Ucid 2nd.

engkamaal.jpg