Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Manchester: Ninkii Soomaaliga ahaa ee toorrida weerarka ku geystay oo la xukumay.

Nin Soomaali ah, oo isku dayay inuu dilo saddex ruux, oo uu ku jiray askari ka tirsan booliska Britain ayaa lagu riday xukun xabsi daa'in ah.
Mahdi Maxmuud ayaa falkaas ku geystay weerar uu toorri u adeegsaday oo ka dhacay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Manchester.

 
Ninkan 26 jirka ah, ayaa toorri la dhacay lammaane wada socday, ka dibna wuxuu weeraray askari lagu magacaabo Lee Valentine, oo ka howlgalayay Manchester Victoria, dabayaaqadii sannadkii lasoo dhaafay.
Waxaa horay loogu sheegay in 11 sano oo xabsi ah lagu xukumi doono ka dib markii uu qirtay saddex nooc oo dambi ah, oo dhammaantood la xiriira isku day dil iyo fal argagixisanimo ah. Maxkamadda Manchester Crown ayaa ku dhawaaqday xukunka.
Maxamuud ayaa marka hore lagu xiri doonaa meel ka mid ah isbitaal amnigiisa si weyn loo adkeynayo.


Garsoore Stuart-Smith, oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sida ay wax u dhaceen u sheegay Mahdi, oo daggan xaafadda Cheetham Hill ee magaalada Manchester, wuxuuna ku yiri ; "Waxaad adigoo si daggan ugu dhex socda goobta tareennada laga raaco aragtay lammaanaha".
"Kadib waad daba raacday, waxaad lasoo baxday mid kamid ah toorriyahaaga waadna ku weerartay. Waxaad weerartay adigoo damacsan inaad disho", ayuu yiri garsooraha.


Mahdi ayaa ninka dhowr jeer toorrida uga dhuftay dhabarka, garbaha iyo madaxa, haweeneydii la socotayna wuxuu uga dhuftay wajiga, ka hor inta uusan weerarin askariga, oo isku dayayay inuu ka qabto.
Garsooraha ayaa sheegay in dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah ay ninkan u horseedeen inuu ku fikiro arrimo jihaadi ah, laakiin uu qaadan karay mas'uuliyadda buuxda ee weerarka uu geystay.
Maxamuud ayaa marka isbitaalka laga saaro loo gudbin doonaa xabsi uu noloshiisa ku dhameysan doono.
Maxkamadda ayaa horay loogu sheegay in Maxamuud uu daba socday lammaanaha, oo da'dooda lagu sheegay 50-meeyo, abaare saacaddu markii ay ahayd 21:00 GMT, 31-kii bishii December.
Wuxuu ku dhawaaqay erayada "Allahu Akbar" iyo "ha noolaado khaliifada", kadibna wuxuu ku weeraray toorri.
13 dhaawac oo ninka haweeneyda la socday soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah jab, halka haweeneydana dhaawaca wajigeeda ku dhacay uu gaaray ilaa lafta.
Mr Valentine, oo 31 jir ah ayaa rasaas ku riday Mahdi, balse waxay ku hakatay jaakaddiisa, mana aysan curyaaminin.
Askariga oo ka tirsanaa booliska gaadiidka ee Britain ayaa garabka laga tooriyeeyay ka hor inta aan ninka weerarka fulinayay la xirin.
Middi kale oo nooca jikada lagu isticmaalo ah ayaa laga helay Mahdi jeebkiisa, booliska Manchester ayaana sheegay inay sidoo kale ka heleen waxyaabo badan oo muujinaya fikradaha argagixisada.

Maxamuud, oo heysta dhalashada Netherlands, asal ahaanna kasoo jeeda qoys Soomaali ah, ayaa UK tagay isagoo 9 jir ah, waxaana lagu xagjireeyay dhinaca internet-ka, sida ay booliska ku warrameen.

Det Supt Will Chatterton ayaa yiri: "Kani wuxuu ahaa weerar argagax leh oo dhacay mid ka mid ah maalmaha ugu mashquulka badan sanadka waana ogahay in dadka waxyeelladu gaartay ay waligood xasuusnaan doonaan arrintaas.

"Shaki kuma jiro waxa dhici lahaa haddii uu Maxamuud adeegsan lahaa middida weyn ee ku jirtay jeebka jaakaddiisa".


· abdi on November 30 2019 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired